Araweelo News Network

“#Tigray waa meel lagu kariyo taariikhda dalkeena, waana gobolkii lagu jebiyay  shisheeyaha soo duulay oo ay ku jiraan Talyaani iyo Masaarida]. Ethiopia-da casriga ah, waa uurkii Ethiopia,” ayuu yidhi Abiy.

Mekelle(ANN)-Dagaalyahankii hore oo dhuumaalaysi ku jiray, ayaa cididhiidhi gelin jiray shabakadda isgaarsiinta ee ciidamada Ethiopia, Debretsion Gebremichael ayaa hadda hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah xukuumadda ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ee ku waajahan gacan ku haynta gobolka woqooyiga Ethiopia eeTigray, waana gobolka lagu tilmaamo inuu yahay uurka qaranka, amma Ubucda dalka Ethiopia.

Mr. Debretsion, ayaa xilligan hoggaamiyaa Jabhadda Xoreynta Dadka ee Tigray ee loo soo gaabiyo (TPLF), oo ah xisbiga xukuma gobolka Tigray, waxayna Debretsion oo ahaa Madaxweynihii la doortay ee gobolkaa si aad ah isugu khilaafeen dooraashada xukuumadda federaalka ee ra’iisal wasaare Abiy.

 

Mr Debretsion oo hada guursaday gabadh yar,  wuxuu joojiyay waxbarashadiisii Jaamacada Addis Ababa sanadihii 1970-aadkii si uu ugu biiro kooxda TPLF ee dagaalka kula jirtay 17-sano taliyihii Marxist Mengistu Xayle Mariam.

 

Markii ay guulaysteen TPLF, wuxuu noqday wasiir dowladeed kadib markii Derg laga adkaaday, isla markaana lagu badalay isbahaysi xisbiyo ay xukumaan kooxda TPLF ilaa Mr Abiy uu xukunka qabtay 2018.

Mr Debretsion Saaxiibkiisa ugu dhow iyo jaalka koowaad, waa Alemayehu Gezahegn, wuxuuna  sheegay in kadib markay labadoodaba dhameeyeen tababarkoodii militari ee dhulka adag iyo buuralayda ee gobolka Tigray, isagoo xusay xirfada farsamo iyo hibooyin uu lahaa  saaxiibkii, ayuu u soo jeediyay taliyeyaasha TPLF in Mr Debretsion la geeyo qaybta “farsamada”.

 

Waxay ka samaysan yihiin hadhaaga laambad ‘

 

Mr Debretsion, ayaa ka soo jeeda qoys Masiixiyiin Orthodox ah, hoggaamiyaha Tigray waxaa loo magacaabay Debretsion, oo macnaheedu yahay Mount Zion, halka magiciisa labaad uu yahay aabihii, Gebremichael, oo macnihiisu yahay Addoonkii Saint Michael.

“Markii uu dhiganayay dugsiga hoose, wuxuu soo arurin jiray baytariyada duugga ah, raadyowyada qalabka korontada, wuuna hagaajin jiray. Marka aannay cidna awood koronto ku haysan magaaladayada, wuxuu nalka ka sameeyay bullaacad qashinka ku jirta,” ayuu yiri Mr Alemayehu.

TPLF Museum Image captionAs a guerrilla fighter Debretsion Gebremichael helped set up the TPLF’s radio station.

Mr Debretsion wuxuu sifiican uga dhex muuqday “qaybta farsamada” ee kooxda TPLF, isagoo door muhiim ah ka ciyaaray horumarinta awooddaha sirdoonka si kooxda TPLF, si ay dhegta ugu dhigto wada hadalada ciidanka Ethiopia, isla markaana ay u xidho isgaadhsiintooda raadiyaha.

“Tani waxay naga caawisay inaan guulaysano maxaa yeelay halgamayaasha xorriyadda TPLF waxay horay u ogaayeen dhaqdhaqaaqyada cadowga, markii la jebiyayna, ma ay wada xidhiidhi karayn, midba midka kale markii la soo weeraro lamuu hadli karayn,” ayuu yidhi Mr Alemayehu.

 

Si uu u sii horumariyo xirfadiisa, Mr Debretsion wuxuu ugu safray dalka talyaaniga Baasaboor been-abuur ah,  wuuna ka soo noqday si uu u aasaaso idaacadii ugu horaysay ee TPLF – Dimtsi Weyane, oo macnaheedu yahay Voice of Revolution.

“Habeen ka mid ah habeenada, wuu siibtay … waana anniga iyo saaxiib kale oo naftiisa badbaadinay. Waxaan mar walba ku fekerayay in haddii ay taasi dhici lahayd, ma la abuuri lahaa raadiyahan?” Ayuu yidhi Mr Measho.

 

Hada Dimtsi Weyane,  wuxuu kamid yahay koox warbaahineed oo luuqado badan kuhadasha,  isla markaana fadhigeedu yahay caasimada Tigray ee Mekelle, waxayna baahinayaan hadalada kooxda TPLF ee ku saabsan iska-horimaadka millatari ee ay lagashay dawlada dhexe ee Federaalka.

 

Idaacadda ayaa baahisay dhaleecayn kulul oo loo jeedinayo Mr Abiy, markii uu khilaafku billowdayna calaamadeedu waa isku dhex yaacday, laakiin Dimtsi Weyane ayaa hawada ku soo laabtay maalintii xigtay.

Abiy ayaa kula loolamayay ra’iisal wasaaraha

Mr Debretsion Gebremichael

Mr Debretsion Gebremichael.

Mr. Debretsion iyo Mr Abiy waxay u muuqdeen inay saaxiibo ahaayeen bilawgii waqtiga ra’iisal wasaaraha ee xafiiska 2018. Hogaamiyaha Tigray xitaa wuxuu Mekelle ku diyaariyay soo dhawayn qaali ah ra’iisal wasaaraha.

 

“Tigray waa meel lagu kariyo taariikhda dalkeena, waana gobolkii lagu jebiyay lagana xishooday shisheeyaha soo duulay [oo ay ku jiraan Talyaani iyo Masaarida]. Ethiopia-da casriga ah, waa uurkii Ethiopia,” ayuu yidhi, Mr Abiy 2018 .

Dhiniciisa, Mr. Debretsion wuxuu bogaadiyay dadaalka nabadeed ee ra’iisal wasaaraha uu la sameeyay madaxweynaha Ereteriya, Isaias Afwerki si loo soo afjaro xaaladda “dagaal la’aan-nabad la’aan” oo ka dhex jirtay labada dal tan iyo markii uu dhammaaday khilaafkii xadka ee 1998-2000.

“Mr. Abiy wuxuu u safray Eritrea,  wuxuuna la kulmay Isaias. Tani wax aan macquul aheyn ayay ahayd sanado badan. Waa heshiis weyn maxaa yeelay waxay fursad weyn siinaysaa dalka,” ayuu yidhi Mr Debretsion markii heshiiska la isku afgartay.

 

Laakiin bandhigan saaxiibtinnimo ayaa u muuqda mid daboolay xiisadihii ka dhex taagnaa labada nin.

 

Mr. Debretsion wuxuu hami ka qabay inuu noqdo ra’iisal wasaare laftiisa wuxuuna ku waayey Mr Abiy tartankii 2018 ee ka dhex dhacay isbahaysiga talada haya.

“Waxaan ku idhi: ‘Waad qaan gaadhin. Ma tihid musharaxa saxda ah,” Mr Debretsion ayaa sidaa u sheegay wargayska ka soo baxa UK ee Financial Times sanadkii 2019, isagoo u jeeda Abiy, xilligii ay loolamayeen.

 

Laakiin guuldarradiisu lama filaan ayay noqotay, maxaa yeelay kooxda TPLF waxa lala xidhiidhinayay cabudhinta iyo musuq-maasuqa muddadii 27-ka sano ahayd ee ay xoogga siyaasadeed ku jirtay dalka Ethiopia.

 

Aragtida laga qabo waxqabadka Mr Debretsion markii uu ka shaqanayay dowladda waa kuwo isku dhafan.

Isgaadhsiinta ayaa ah keligeen cid u xidhan.

 

Dhaleeceeyayaashiisa ayaa sheegaya in markii uu ahaa ku xigeenka maddaxa xafiiska sirdoonka 1990-yadii, inuu gacan weyn ku lahaa basaasida dadka mucaaradka ah, iyo inuu gacan ka geysto sidii loo bur-burin lahaa mucaaradka.

 

Laakiin taageerayaashiisa waxay diiradda saarayaan xaqiiqda ah inuu wax ka beddelay kaabayaasha isgaadhsiinta Ethiopia markii laga dhigay golaha wasiirada, halkaas oo uu ka soo noqday ra’iisal wasaare ku xigeen iyo wasiirka isgaadhsiinta iyo Tignolojiyadda.

Wuxuu bilaabay mashaariic balaadhan oo lagu balaadhinayo teleefoonka gacanta ee guud ahaan Ethiopia, inkasta oo ay dawladdu keli ku noqotay maamulka warshaddaha, shirkada isgaadhsiinta ayaa lagu dhaliilay xidhnaanshaha internetka ee looga golleeyahay in lagu xakameeyo mudaharaadka dowlada kasoo horjeeda.

 

Dade Desta oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha bulshada oo saldhig ku leh Maraykanka ayaa yidhi,  “Inta badan awooddaha iyo kaabayaasha isgaadhsiinta isaga ayaa hoggaaminayay”.

 

“Beerta IT-ga ee hadda ku taal Addis Ababa waxay ahayd fikirkiisa iyo farahiisa waxaa laga heli karaa mashaariic badan oo dowladdu leedahay.”

Tan waxaa ka mid ah dhismaha biyo xidheenka weyn ee dib-u-dhiska Ethiopia, kaas oo hadda udub dhexaad u ah xiisaddaha diblomaasiyadeed iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka digay in Masar ay “qarxin karto”

TPLF iyo raiisal wasaaraha waxay kala tageen markii Mr Abiy kala diray jabhadii kacaanka shacabka Ethiopia, isbahaysiga xukuma xisbiyada ku abtirsada qoomiyadaha, si loo bilaabo Xisbiga Barwaaqada sanadkii 2019, iyagoo ku doodaya inay taasi gacan ka gaysan doonto midaynta dalka.

 

Kooxda TPLF,  ayaa diiday inay ku biirto, waxayna ku doodaysay in qaabka federaalka ah ee Ethiopia uu yahay kan ugu fiican ee lagu maareeyo kala qaybsanaanta qowmiyadaha qotada dheer ee wadanka.

“Albaabkeygu waa u furan yahay qof walba,” ayuu inta badan odhanayay,

 

“Waxaan rabnaa horumar; mana doonayno dagaal,” ayaa laga hayaa hadal kale oo caan ahaa Mr. Debretsion.

‘Dagaalkani waa inkaar’

 

Laakiin hadda, wuxuu isku arkaa inuu udub dhexaad u yahay khilaaf la soo sheegayo inay ku dhinteen boqolaal qof, laguna qasbay in ka badan 30,000 oo qof inay u qaxaan dalka ay deriska yihiin ee Suudaan, ayna waxyeeleeyeen kaabayaasha muhiimka ah – oo ay ku jiraan waddooyinka iyo dhismayaasha – gobol leh heerarka ugu sarreeya saboolnimada ka jirta Ethiopia, sida ay sheegtay UN-ka.

Mr Debretsion wuxuu u tirinayaa dagaalkan inkaar, ayuu yidhi Mr Dade.

 

Laakiin, ayuu raaciyay, wuxuu filayay in TPLF, ay si adag iskaga celiso isku dayga Mr Abiy ee ah inuu maamul cusub ka dhiso Tigray.

 

“Iyaga [TPLF] waxay ku jireen dagaalka Eritrea, iyo halgankii kadhanka ahaa Derg. Marka waxay leeyihiin khibrad ku filan. Dabeecad ahaan, dagaalku wuxuu u baahan yahay rabitaanka dadka inay dagaalamaan, taas oo ka dhacaysa Tigray,” Mr Dade ayaa yidhi , kor u qaadista rajada isku dhac dheer.

Si kastaba, Mr Abiy wuxuu kaloo kalsooni ku qabaa inuu ka adkaan karo kooxda TPLF,  isla markaana uu cadaalada horkeeni doono Mr Debretsion, uu wajahayo eedeymo ah khiyaano qaran iyo inuu ka horyimid dastuurka.

Warbixintan oo aannu turjunay waxaanu kasoo xigganay BBC News