Marxuum Axmed GaraadBoorama(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay geerida Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Maxamuud Axmed Barre Garaad oo maanta ku geeriyooday magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, isla markaana aas qaran loogu sameeyay halkaa.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa waayeelka, waxgaradka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida ku timid alle ha u naxariistee Marxuum Maxamud Axmed Barre Garaad oo saaka 24/06/2015 ku geeriyooday Boorama.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahankii iyo waxgaradkii kaalinta mugda leh ka soo qaatay dhismaha, iyo taabo gelinta qaranka Somaliland, waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii iyo haldoorkii, hogaamintiisu tusaale fiican ay u ahayd jiilasha soo kacaya.

Waxaanu ahaa oday qaran oo ka baxay dalka iyo shacbiga Somaliland-ba, isaga oo muddo dheer ka mid ahaa xubin sharafeed Golaha Guurtida ka tirsan, muddooyinkii u danbeeyeyna ka mid ahaa Golaha Wasiirrada.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii Jannatu Fardawsa ka waraabiyo, waayeelka, waxgaradka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Ayaa lagu yidhi dhambaalka tacsida ah ee ka soo baxday madaxtooyada maanta.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana ah hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay geerida Marxuum Maxamuud Axmed Barre (Garaad), wuxuuna dhambaal tacsi ah ku yidhi sidan:-

“Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha Xisbiga WADDANI. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa dhambaal tacsi ah u diraya siyaasiyiinta, aqoonyahanka, wax-garabkad, madax-dhaqameedka iyo guud ahaan bulshada Somaliland, isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Allaah ha u naxariistee wasiirkii hore ee Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marxuum Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo in muddo ah xannuun uu u jiifay awgeed ugu geeriyooday magaalada Boorama.

Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu tacsi taa la mid ah u diray ehelka iyo qaraabada uu ka baxay marxuumku, isaga oo marxuumka ku sifeeyey in uu ahaa shakhsi Alleh ka cabsi badan oo Ilaahay ugu hoggaansama, dadkuna ay ka nabad-galaan, laguna yaqaanay cibaado badan iyo camal suuban, waxaa kale oo uu ku tilmaamay in uu ahaa siyaasiyiinta waaweyn ee ruug cadaayada ah salkana u dhigay hannaanka geedi-socodka nabadda ee dalka, isaga oo sida oo kalena marxuumku ahaa mas’uul qaran oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladda Somaliland iyo dawladii waagii hore la’ isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, wuxuuna Ilaahay uga baryey in uu marxuumka godka u nuuriyo oo janatul Fardawsa ka waraabiyo, ehel, qaraabo iyo guud ahaan shacbiga Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo.”
Allah ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Axmed Barre oo u geeriyooday xanuun muddooyinkan uu la jiifay, wuuxuu muddo dheer xubin firfircoon ka ahaa golihii hore ee wakiiladda Somaliland, isagoo ka mid aha xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Awdal xubnihii ugu cuslaa, wuxuu xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka noqday Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada, isla markaana xubin sharafeed ka ahaa golaha Guurtida Somaliland ee aqalka Odayaasha.
Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa Odayaashii iyo waxgaradkii kasoo qayb qaatay dhismaha dalka Somaliland iyo nabadayntii sagashanaadkii, isla markaana xukuumaddii Dawladii Maxamed Siyaad Bare ee Milateriga ahayd ayuu kasoo qabtay xilal, wuxuuna ka mid ahaa dadka tirada yar ee si dhab ah uga sheekeeyay dhacdooyin xanuun baddan oo xiligii sideetanaadkii shacbiga Somaliland la xasuuqayay ka sheekayay waxyaabihii ay indhohooda ku arkeen xiligaa, isagoo ku sharaxay dhacdo ka mid ah tacadiyadii dadka lagu hayay xiligaa oo marxuumku ka sheekeeyay mudadii uu noolaa, isla markaana ka mid ah waxyaabaha bogga taariikhda u galay ee lagu xusuusan doono, siyaasigii u horeeyay ee kasoo jeeda Awdal ee qira tacadiyadii iyo xasuuqii Taliskii Maxamed Siyaad Barre ku hayay shacbiga gobolada Woqooyi ee isirkooda loo laynayay iyagoo aan wax denbi ah gelin.
“Dadkii sida xaq-darrada ah loogu laayay Muqdisho waxa ka mid ahaa shan nin, kuwaas oo markii la xidhxidhay aannu isku daynay qoladayadii reer Awdal ahayd in aannu raggaas u gurmanno, annagoo leh ninkaasi ayaanu difaacaynaa.” Marxuum Axmed Barre Garaad. Riix halkan Dhacdada uu ka sheekayay Marxuumku xiligii uu noolaa.
Bahda shebekada Araweelo News Network, waxay tacsi taa la mid ah u diraysaa shacbiga Somaliland, Qoyskii Qaraabadii Ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuum Axmed Barre Garaad, waxayna maruumka Ilaahay uga baryayaan inuu naxariistii jannooyinkiisa ka waraabiyo.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews