Washington(ANN)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. ayaa weedho aflagaado ah ku tuuray madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, isagoo yidhi, ” Marcon waxa haya doqonnimo”

Trump, wuxuu sidoo kale raaciyay weedhahaa hanjabaad, isagoo ka jawaabayay sida uu sheegay markii uu canshuur dhinaca internetka ah kusoo rogay Faransiisku Maraykanka, taas oo Madaxweyne Trump dhankiisa soo hadalqaaday suuragalnimada inuu canshuur aargoosi ah ku soo rogo khamriga mareykanka.

Madaxweynaha Maraykanka, Mr Trump ayaa Jimcihii waxa uu weedhahaa oo laga dareemayay cadho xooggan  ku soo bandhigay farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka, taas oo uu kaga jawaabayay qorshe Faransiiska uu canshuur ugu soo rogayo shirkadda Google.

Saraakiisha Faransiiska, ayaa ku doodaya in shirkaddu ay lacag yar ay bixiso amma ay bixiyaan canshuuraha shirkaddaha ay bixiyaan ee dalalka aanay wax saldhig ah ku lahayn.

Hase yeeshee Maamulka Trump, ayaa ku dooday in canshuurtaa si cadaalad aan ahayn loogu bartilmaameedsaday shirkaddaha tiknolojiyadda weyn ee Mareykanka.

“Faransiiska waxa uu haatan canshuuro ku soo rogay shirkadahayaga waa weyn ee tiknolojiyadda ee Ameerika. Haddii uu qof canshuur ku soo rogayo, dalkooda hooyo amma ku soo rogi karo, waa Mareykanka ee,” Mr Trump ayaa Twitterka sidaas ku soo qoray bartiisa Twitter.

“Waxaannu dhawaan ku dhawaaqi doonnaa tallaabo wax ku ool ah oo aannu kaga jawaabayno doqonnimada Macron. Waxaan marwalba idhaahdaa khamriga Mareykanka ayaa ka wanaagsan ka Faransiiska!” ayuu yidhi, Trump.