Araweelo News Network.

Trump Oo Ku Adkaysanya In Aannu Ka Guulaysan Madaxweynaha La Doortay Ee Joe Biden

Washington(ANN)-Khilaafka ka dhashay doorashadii horraantii November ee Maraykanka, ayaa sii xoogaysatay, kaddib markii Madaxweynaha xukunka sii haya ee lagaga adkaaday doorashada Donald Trump diiday inuu aqbalo natiijada, isagoo si cad u diiday guusha Madaxweynaha la doortay Joe Biden iyo ku xigeenkiisa oo ah haweenayda Kamala Harris.

Trump oo weli ku dhegan kursiga, ayaa hore u dalbaday in dib loo tiriyo, balse waayay waxyaabo cadaynaya sheegashada doodiisa ee ahayd in laga xaday codad iyo ay jiraan kuwo sharci-daro ah, ayaa Xildhibaanada gobolka Michigan ee xisbigiisa Jamhuurigu u sheegeen in aannay diyaar u ahayn inay muranka uu ku andacoonayo sii wadaan oo ay galiyaan muran natiijada doorashada si guuldaradiisa loogu helo qiil, isla markaana waxay qireen in Joe Biden guul kaoo hooyay gobolkaa.

Qaar ka mid ah golaha Odayaasha ee Senetka oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa ballan qaaday inay raacayaan nidaamka caadiga ah ee ansaxinta cod bixinta kaddib kulan ka dhacay Aqalka Cad oo Trump ku doonayay inuu taageero u helo murankiisa uu ku adag yahay ee natiijada doorashada.

Madaxda gobolka Georgia ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inay ansixinayaan natiijada ka soo baxday gobolkaa  Michigan oo labadaba uu Maxkamad u gidbiyay, balse natiijadu noqotay in guuldaro ay noqotay doodiidsu kaddib waraaqihii codbinta ee doorashada markii dib loo hibiyay dhawr jeer, sidaa awgeed guusha ay ku raacday Madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.

 

Trump, ayaa u qaadan waayay natiijada Gobolka Michigan kasoo wajahday, iyadoo Gobolada ahmiyada weyn u leh doorashada Maraynka ee lagu muransanaa oo ay ka mid ahaayeen Wisconsin, Pennsylvania, Michigan, Georgia, Arizona, North Carolina, Nevada, iyo Alaska oo dhammaantood dib loo tiriyay marar baddan aannay natiijadoodu marnaba noqon mid qancisa Trump iyo kooxdiisa, taas oo  xaalladda muranka dhalisay ee natiijada doorashada ee hordhaca ah sii kordhsay, markii Trump iyo kooxdiisu ku qanci waayeen.

 

Madaxweyne Trump, ayaa weli diidan guuldarada uu kala kulmay natiijada doorashada, isagoo weli doonaya inuu qiil u helo guuldaradii kasoo gaadhay doorashadii Maraykanka ee Talaadadii u horaysay ee November 2020, waxaana lagu eedeeyay inuu si badheedh ah u wiiqayo dumuqraadiyada Maraykanka, isla markaana doonayo inuu dhulka jiido sumcada dalka iyo nidaamka dumuqraadiyada ee lagaga daydo dalkaa.

Xaaladda uu abuuray Trump, ayaa noqotay mid ay si weyn uga wer-wersan yihiin in baddan oo ka mid ah shacbiga Maraykanka oo la daalaa dhacaya dhibaatooyin dhaqaale iyo xannuunka COVID-19, iyadoo tirada dhimashada iyo xannuunku kor ugu kacday si weyn, wixii ka danbeeyay horraantii November markii ay soo baxday natiijada hordhaca ah ee doorashada.

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku dhawaaqaya in Trump u hoggaansamo natiijada, isagoo horre u diiday maamulka kala wareejinta ee xaqa u leh inay xilalka u kala wareejiyaan labada Madaxweyne, waxaana lagu wadaa in madaxweynaha la doortay Joe Biden iyo haeenayda u ah Madaxweyne ku xigeenku ay xafiiska la wareegaan 20 Janaayo ee sanadka 2021, sida uu dhigayo dastuurka dalka Maraykanka, Madaxweyne Joe Biden ayaa noqonayaa madaxweynahii 46aad ee Maraykanka, waase haddii aannay xaalladdu faraha ka bixin oo Trump aqbalo inuu xilka wareejiyo, walaw ay jiraan waxyaabo daliil u ah diidmadiisa oo ah tallaabooyin siyaasadeed iyo go’aamo uu qaatay wixii ka danbeeyay markii uu oggaaday in lagaga guulaysatay doorashadii November 2020.