Araweelo News Network

Donald Trump wuxuu u dhaqmaa sidan “nin burcad ah”, wuxuuna leeyahay “aragti gaaban oo ku saabsan dhammaan dadka madowga ahi”, sidaasi waxaa yidhi qareenkii hore ee madaxweynaha Maraykanka Michael Cohen.

Eedeymahani ayaa lagu qoray buug cusub oo uu qoray Michael Cohen oo lagu magacaabo Disloyal: A Memoir, wuxuuna qoray muddadii uu xabsiga ku jiray. Cohen ayaa loo xidhay sababo la xdhiidha khaladaad dhaqaale oo dhacay xilligii ololihii doorashadii 2016-kii ee Donald Trump uu ku guuleystay iyo dambiyo kale.

Cohen wuxuu sidoo kale ku eedeeyay madaxweyne Trump in hadallo cunsuriyad ah uu ku tuuray madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, Nelson Mandela, iyo sidoo kale dadka Hispanic-ga loo yaqaan ee ku hadlo luuqadda isbaanish-ka ee asal ahaan ka soo jeeda waddamada Latin Ameerika.

Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimoyo ayaa sheegaya in Cohen uu arrintaasi ka been sheegay.

“Cohen waa garyaqaan dambiile iyo sharaf laawe ah oo been u sheegay aqalka Congress-ka,” ayay tiri, Kayleigh McEnany, oo ah xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad.

“Wuxuu lumiyay dhammaan kalsoonidii lagu qabay, mana ahan wax lala yaabo in uu shaaciyo isku daygiisii ugu dambeeyay ee uu ku faafinayo beentiisa.”

Cohen ayaa buugiisa ku sheegay in madaxweyne Trump uu isna galay “isla dambiyadii” uu isaga ku muteystay xabsiga, wuxuuna Trump ku tilmaamay “khaa’in, beenaale, nin dadka u xoogsheegta, cunsuri, ugaarsade”. Wuxuuna sheegay in Trump uu u fikiro sida “hoggaamiyaha koox burcad ah”.

Wargeysyada kala duwan ee dalkaasi Maraykanka ayaa daabacay xigashooyin ka mid ah buuggani oo soo baxay shalay oo Talaada ahayd. Haddaba waxaan halkan ku soo koobeynaa shakhsiyaadka la sheegay in Trump uu u gafay.

 

Dadka madow iyo Mandela

 

“Sida caadiga ah, Trump wuxuu muujiyey aragtidiisa gaaban ee ku aadan dhammaan dadka madowga ah, muusiggooda, dhaqankooga iyo xitaa siyaasaddooda,” ayuu Cohen ku qoray buugiisa.

Wuxuu sheegay in Donald Trump uu madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika isla markaana ahaa nin u dhaq-dhaqaaqii jiray ladagaallanka midab takoorka, Nelson Mandela, uusan “ahayn hoggaamiye”.

Sida uu sheegay Cohen, madaxweyne Trump ayaa laga hayaa in uu yiri “ii sheeg hal waddan oo uu maamulo qof madow ah oo aan ahayn “meel aad u xun”. Dhammaantood waa meelo wasakh ah”.

Erayadaas ayaa la mid ah kuwo sannadkii 2018-kii lagu eedeeyay Trump. Waxaa xilligaas la sheegay in Trump uu dhammaan waddamada qaaradda Afrika ku tilmaamay “shithole” oo ah erey aflagaado ah oo lagu micnayn karayo “wax aad u xun”.

Xilligaasi wuxuu madaxweyne Trump sheegay in isagu uusan ahayn cunsuri, sidaa awgeedna uu yahay “qofka ugu cunsuriyadda yar ee abid la wareysto”.

Eedeymaha la xiriira cunsuriyadda iyo midab takoorka ayaa ragaadiyay muddo xileedkii ugu horreeyay ee madaxweyne Trump, waana arrin wali lagu eedeeyo Trump oo ah musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada bisha Nofembar ee soo socota, wuxuuna la tartami doona dhiggiisa xisbiga Dimuquraadiga, Joe Biden.

Hay’adda Nelson Mandela Foundation ayaa ka falcelisay eedeymahasi la xiriira madaxweynihii hore ee dalkaasi Koonfur Afrika oo dalkiisa looga yaqaan ‘Madiba’ ama aabaha koonfur Afrika.

“Ma rumaysan karayno in hoggaamiyeyaasha u dhaqmaya sida Trump oo kale ay faallo xeel-dheer ka bixin karaan nolosha iyo shaqadii uu soo qabtay Madiba,” ayay hay’addaasi ku tiri bayaan ay soo saartay.

“Madiba oo mar ka hadlayay hoggaamiyenimada waxa uu yiri: ‘Hoggaamiyaha wanaagsan wuxuu si hufan oo dhameystiran kaga qeyb geli karaa dood, isagoo og in ugu dambeyntii isaga iyo dhinaca kale ee ay dooddu u dhaxeyso ay tahay in ay isku soo dhowaadaan, sidaasna ay awood ku yeeshaan. Xigmaddaasi ma lihid haddii aad tahay qof jaahil ah oo aan xog-ogaal ahayn’. “Waxaan kula talin lahayn Trump in uu tixgeliyo xigmaddaasi.”

 

Barack Obama

 

Cohen wuxuu sidoo kale buuggiisa ku sheegay in Trump uu cadowtinnimo iyo nacayb u hayay madaxweynihii ka horreeyay isaga ee Barack Obama.

“Trump wuxuu soo kireystay wax loo soo ekeysiiyay Obama oo lagu soo bandhigay muuqaal uu si cunsurinimo ah ku liidayay madaxweynihii ugu horreeyay Mareykanka ee madowga ahaa,” ayuu ku qoray Cohen buugiisa.

Warbaahinta Mareykanka ayaa baahisay muuqaal hore oo muujinaya Trump oo shaqada ka eryaya nin loo soo ekeysiiyay Obama, waxaana la rumeysan yahay in muuqaalkaasi la duubay sannadkii 2012-kii. Waxaa muuqaalkaas loogu tala galay shirweynihii xisbiga Jamhuuriga ee sannadkaas u doortay Mitt Romney inuu noqdo musharraxa xisbigaasi, balse muuqaalkaasi marnaba lama baahin.

 

Codbixiyeyaasha Dadka ku hadla afka Spanish-ka

 

Sida uu Cohen ku qoray buuggiisa, Trump ayaa laga soo xigtay in uu yiri: “Waligey ma helayo codadka dadka ku hadlo luuqadda isbaanish-ka. Sida kuwa madowga ah oo kale, waxay la tahay in ay doqonnimo tahay in Trump ay u codeeyaan. Mana aha dad aad u badan.”

Hadallada Trump ee ku saabsan dadka asal ahaan ka soo jeeda Latin Ameerika ayaa dood badan dhaliyay muddadii uu Trump xilka hayay, gaar ahaanna dhawr jeer oo uu ololihiisa doorashada aad ugu liiday dadka reer Mexico.

Sannadkii 2019, madaxweyne Trump waxa uu isu-soo-bax siyaasadeed oo ka dhacayay New Mexico ka sheegay in aysan jirin cid jecel dadka Hispanic-ga ah ama ku hadlo luuqadda Isbaanish-ka.”

 

Masiixiyiinta mad’habka borotestanka

 

Cohen ayaa sheegaya in markii Trump uu la kulmay wadaado masiixiyiin ah oo ka tirsan mad’habta borotestanka, kaddib guushiisii doorashada, uu sheegay in dadka aysan marna aamini karin (wadaadadaasi).

Trump ayaa si weyn ugu tiirsanaa codadka dadka rumeysan mad’habta borotestanka, wuxuuna qudhiisa sheegay in uu aad u rumeysan yahay mad’habtaas masiixiyadda. Ku xigeenkiisa, Mike Pence, ayaa isna ah nin ku xiran mad’habkaasi borotestanka.

 

Madaxweyne Putin

 

Donald Trump wuxuu aad ugu bogay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, sababtoo ah wuxuu awooday “in uu la wareego waddan dhan iyo ummaddiisa isla markaana uu u maamulo sida shirkad ganacsi oo si gaar ah uu isaga u leeyahay – sida shirkadda Trump oo kale,” ayuu Cohen ku qoray buuggiisa.

Cohen wuxuu ku doodayaa in Trump uu aad dabadhilif ugu ahaa madaxweyne Putin, si uu Ruushka dhaqaale uga helo haddii uu ku guuldarreysto doorashadii 2016.

Haseyeeshee, Cohen wuxuu sidoo kale sheegayaa in ololahii doorashada ee Trump uu ahaa “mid aad u qasan oo aan karti u lahayn in uu dhab ahaantii la shaqeeyo dowladda Ruushka,” markii uu Trump xukunka la wareegay.

 

Stormy Daniels

 

Sanadkii 2016, Cohen waxa uu lacag laaluush ah u qalqaaliyay in la siiyo oo lagu aamusiiyo Stormy Daniels oo ah gabar jisha filimaanta anshax xumida ah taas oo uu sheegtay in xiriir jaceyl uu kala dhaxeeyay Trump.

Lacagtaasi oo ahayd mid aan waafaqsanayn shuruucda lacaagaha loogu tala galay ololaha doorashooyinka, ayaa qeyb ka ahayd waxyaabihii Cohen uu xabsiga ku muteystay.

Cohen ayaa in badan ku doodayay in uu awaamiir ka qaadanayay madaxweynaha balse Trump ayaa arrintaasi beeniyay.

“Waligey lacag kuma bixin waxyaabahan oo kale balse dad badan iyo saaxibbo badan ayaa igula taliyay in aan lacagtaasi bixiyo,” ayuu yiri Trump sida lagu seegay buugga cusub ee Cohen.

 

Haddaba waa kuma Michael Cohen?

 

Cohen ayaa si dhow muddo sanado ah ula shaqeeyay Trump, waxaana loo arkayay in uu yahay gacantiisa midig balse markii dambe ayay isku dheceen, taa oo sababtay in Cohen uu sannadkii la soo dhaafay ku markhaati furo Trump oo xilligaasi wajahayay dacwad xil ka qaadis ah.

Cohen ayaa sannadkii 2018-kii loo xiray sababo la xiriira la dhuumasho canshuureed, markhaati fur been ah iyo ku xadgudbid shuruucda dhaqaale ee ololaha doorashooyinka.

Hadda wuxuu ku jiraa xabsi guri uu ku dhameysanayo muddadii saddexda sano ahayd ee lagu xukumay kaddib markii xabsiga looga soo saaray cabsi la xiriirto cudurka Covid-19.

Si kooban ayaa xabsiga loogu celiyay ka hor inta garsoore maxkamadeed oo heer federal ah uusan arrintaasi soo faragelin.

Trump ayaa Cohen ku tilmaamay “doolli ama jiir” iyo waliba beenaale.

Cohen ayaa haatan ka hor sheegay in uu diyaar u yahay in uu naftiisa u huro Trump haddase wuxuu sheegay in dhawr jeer ay dil ugu soo hanjabeen taageerayaasha Trump.

Xiggasho: BBC