Araweelo News Network.

Ethiopia Oo Turkiga La Xustay sanadguuradii 125-aad ee xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Addis Ababa(ANN)-Dawladda Turkiga, ayaa bilawday qorshe ay ku dhexdheaxaadinay Dalalka Ethiopia Iyo Suudaan oo khilaaf weyn oo sababay dagaal ka taagan xadka ay wadaagan ka jiray dhawrkii bilood ee u danbeeyay.

Ethiopia’s Ministry of Foreign Affairs spokesperson Dina Mufti, Image File Araweelo News Network.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibdda Ethiopia , Ambassador Dina Mufti oo waraysi khaas ah siiyay wakaaladda wararka  ee Anadolu Agency, isagoo qayb ka ah wefdi ka socda Ethiopia oo ku sugan Ankara, ayaa sheeegay in khilaafka xuduudaha ee u dhexeeya Ethiopia iyo Suudaan lagu xallin karo qaab diblomaasiyadeed.

Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ethiopia, wuxuu amaanay xidhiidhka dalkiisu la leeyahay wadama dersiska ee gobolka Geeska Afrika, wallaw uu carabka ku dhuftay in  ay jiraan arrimaha muddooyinkii u danbeeyay laga hadlayay ee khilaafka u dhexeeya dalkiisa iyo Suudaan.

“Haddii aan la buunbuunin, waxaan hadda xidhiidh weyn la leenahay Eritrea, Djibouti, Somalia, Kenya, iyo Suudaan inkasta oo xaalad aan fiicnayn oo xuduudeed laga abuuray maalmihii dhowayd” .

Ambassador Dina Mufti, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in layska kaashado arrimaha gobolka ee amaanka iyo dhaqaalaha, wuxuuna ku booriyay dalalka gobolka iskaashiga iyo abuuritaanka jawi wada jir ah oo ka hana qaada guud ahaan gobolka. “Xidhiidhka geeska Afrika wuxuu isu beddelayaa wanaag. laakiin waxaan u baahanahay inaan iska kaashanno arrintan,” ayuu yidhi.

With a 1,600-km (994-mile) long shared border, Ethiopia and Sudan face issues regarding the Fashaga Triangle, a decades-long-disputed border without hard demarcation.

Labada dal ee Ethiopia iyo Suudaan, ayaa xuduud wadaaga xad dhererkiisu yahay 1,600-km  oo u dhiganta (994-mayl),wallaw ay hore ugu muransanaayeen xadka muddo dheer oo aannay jirin si cad oo loogu kala calaamadiyay, balse waxay xaaladda labada dal xiisadoodu soo cusboonaatay tan iyi markii Bishii November ee 2020, ay ciidamadda dawladda Ethiopia ee Federaalka oo ay taageerayaan Malayshiyaad iyo ciidamadda dalka ay mudada dheer colka ahaayeen ee Ererteria guluf dagaal ku qaadeen gobolka Tigray ee Woqooyiga Ethiopia.

Dagaalkaa oo sababay dhimashada kumanaan qof iyo in ay ka barakaan gobolka ku dhowaad 50,000 oo qof oo ka talaabay xadka ay wadaagaan Sudan iyo Ethiopia, waxayna collaada ka aloosantay gobolka Tigray sababtay in deegaanka Saddax xagalka ku haboon beeralayda ee Fashaga, oo ah xuduud tobanaan sannadood lagu muransanaa ay la wareegaan ciidamada Suudaan.

Gobolka Tigray oo weli laga soo sheegayo xaalad qalafsan, isla markaana warbixinaha ka imanaya Hay’addaha gargaarka iyo kuwa xuquuqdu Aadamaha oo gobolka Tigray ay noqdeen kuwo murrugo iyo naxdin xanbaarsan oo tilmaamaya tacadiyo, gabood-falo, dhac iyo xasuuq isir oo loo geysanyo dadka Tigray, iyadoo ay sidoo kale laga dayrinayo nollosha dhawr millyan oo qof oo ay adagtahay in la gaadhsiiyo gargaarkii ay u baahnaayeen, kaddib markii xukuumadda Ethiopia si weyn u xadiday dhaqdhaqaaqa hay’addaha iyo warbaahinta madaxa banaan ee danaynaya in ay gaadhaan deegaamada gobolka Tigray.

Hase yeeshee, Ambassador Dina Muftika oo hadlaya howlgalka ka socda Tigray, wuxuu sheegay in Ethiopia  ay durba bilowday dhaqancelin ayna ballaadhisay gargaarka bani’aadamnimo ee la gaadhsiinayo dhammaan gobolka Tigray  oo dhan.

“Illaa iyo hadda, 80% gobolka waa la daboolay. Inta hadhayna ugu dambeyn way furmayaan, Ethiopia, waxay abaabulaysaa kaalmadeeda aaggaas,” ayuu raaciyay Dina., balse dhawaaqiisa looma hayo cadaymo muujinaya in qiyaasta intaa leeg la gaadhsiiyay gargaar gobolka Tigray.

Amabassador Dina, ayaa qayb ka ah wefdi ka socda dawladda Ethiopia oo uu hoggaaminayay Demeke Mekonnen, ra’iisal wasaare ku-xigeenka, isla markaana ah wasiirka arrimaha dibedda ee Ethiopia oo booqasho gaaban ku tegey Turkiga 15 February , waxayna dalka Turkiga kaga qaybgaleen munaasibad ay Ethiopia Iyo Tirkigu ugu dabaaldegeen sanadguuradii 125-aad ee xidhiidhka  diblomaasiyadeed ee labada dal.

Wasiirka Arimaha Dibada Turkiga Mevlut Cavusoglu oo uu weheliyo dhigiisa Demeke ayaa sidoo kale xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee safaarada Ethiopia ay ka dhisi doonto caasimada Ankara.