Araweelo News Network

Yoweri Museveni

Kampala(ANN)-Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay sidii uu Soomaaliya ugu soo diri lahaa ciidamo gaadhaya  5,000 oo Askari, si ay uga mid noqdaan Ciidamadii hore uga joogan Soomaaliya, Isla markaana u xoojiyaan Hawlgalka AMISOM.

Sidaana waxa lagu baahiyay Wargeyska The Monitor ee ka soo baxa magaalladda Kampala, kaas oo sheegay in Madaxweyne Museveni u sheegay Saraakiil Maraykan ah in  Uganda diyaar u tahay inay 5,000 oo Askar dheeraad ah u dirto Soomaaliya , si ay u xoojiyaan Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Al-shabaab.

 

Sidoo kale Wargeyska kale ee Daily Monitor ee ka soo baxa Kampala ayaa isagana qoray inuu Jeneral Museveni hadalkaasi shaaciyey mar uu kulan la qaatay ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika, Ambassador Donald Yamamoto.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Uganda waxa uu shuruud ku xidhay si uu Ciiddamo dheeraad ah ugu soo diro Soomaaliya, shuruudaas oo uu sheegay in  ay Beesha Calaamka ballan qaadaan inay kordhin doonaan Malagelinta AMISOM iyo in loogu deeqo Qalab Milliteri oo ay ka mid yihiin Diyaaradaha Helikopteradda ee wax lagu weerrari karo.

Dalka Uganda waxa hore uga joogay Soomaaliya dhawr kun oo Askari, kuwaas oo qayb ka ah Hawlgalka AMISOM, balse marar badan waxay dhawr jeer ku hanjabtay Inay ciidamaddeeda kala baxayso, iyadoo sabab uga dhigtay Arrimaha dhinaca dhaqaalaha.