Araweelo News Network

Gen. Katumba Wamala Taliyaha ciidamada Difaaca dalka Uganda

Gen. Katumba Wamala Taliyaha ciidamada Difaaca dalka Uganda

Kampala(ANN) Xukuumadda Dalka Uganda ayaa ku hanjabtay inay Ciidamadeeda kala baxay dalka Somalia. Sidaana waxa shaaca ka qaadayTaliyaha ciidamada Difaaca dalka Uganda, isagoo arrintaa Baarlamaanka dalka hortiisa ka sheegay inuu jiro Khilaaf u dhaxeeya Dowladda Uganda iyo Qaramada Midoobay, kaasoo sida uu sheegay ay suuragal tahay in ugu dambeynta ciidanka Uganda laga saaro Somalia.

Gen. Katumba Wamala Taliyaha ciidamada Difaaca dalka Uganda, waxa uu sheegay Khilaafka hadda jiraa uu salka ku hayo Diyaarado ay leeyihiin dalka Uganda oo Somaliya ku bur buray, xilli howlgalo shaqo ay u hayeen Qaramada Midoobay.
Wuxuu tilmaamay Qaramada Midoobay in aanay ilaa hada bixin magdhawga Diyaaradahaasi bur buray iyo dadkii la socday.
“Waxaan rabaa maanta in aan idin siiyo warbixin,sababtoo ah waxaan heynaa sabab muhiim ah,waxaana ay tahay Diyaaradaheenna waxa ay u shaqeynayeen Qaramada Midoobay,waxaa ay ku bur bureen agagaarka halkii uu ku wajahnaa howlgalka,uma socon meel kale oo halkaas ayey ku bur bureen,haddii aanay xaqooda helin dadkeennii naftooda ku waayay halkaas,ehelkoodii iyo Dadka Uganda ,haddii Dadkii aan intaas u qabannay aynaan dhiiri gelin sideen ugu dhiirraneynaa Waddan kale,sidan oo kalena ay Uganda kaligeed ku noqoneysaa.” Ayuu yidhi , Gen. Katumba Wamala Taliyaha ciidamada Difaaca dalka Uganda
Katumba ayaa sheegay haddii xaalka sidaa uu sii ahaado oo Qaramada Midoobay aanay bixin Dhaqaalahaasi Magdhawga ah in aanay jirin sabab ay uga sii shaqeeyaan Somaliya, islamarkaana uga mid ahaadaan ciidamada AMISOM.
“Haddii aan sii wadno howlgal noocan ah sidee ayaan ku wadi karnaa,aaway qarashkii iyo lacagtii lagu dhaqaajin lahaa,haddaan la helin waa khatar lagumana dhiiran karo,haddii ay sii socoto in aan kharashaadka la bixinna waxaa ay nagu riixi doontaa in aan la baxno Ciidankeenna ku jira AMISOM.” Ayuu yidhi, Gen. Katumba Wamala oo ah Taliyaha ciidamada Difaaca dalka Uganda.
Uganda ayaa hore u sheegtay inay ciidamadeeda kala baxay Somalia, iyadoo ka cabatay arrimo dhaqaale iyo mushahar iyo sidoo kale haddii reer galbeedku canbaarayn u jeediyaan nidaamka xukunka Madaxweynaha dalkaa oo cadaadis ku haya mucaaradka, balse Khilaafkaan cusub ee soo shaac baxay ayaa saameyn ku yeelanaya howlgalka Midowga Afrika ee Somaliya, maadaama shaqooyinka ugu badan ee AMISOM ay qabtaan ciidanka Uganda ka socda oo ah kuwa ugu baddan ee ku suagn Somalia.