Araweelo News Network

UK Security Minister Ben Wallace (File photo)

London(ANN)-Dawladda Britain, ayaa ka walaacsan khatarta  kooxaha  argagixiso ee soo waajahaya  dalkeeda  oo sare u sii kacday xilli kooxda isku magacaawday dowladda Islamka ah ay gacantooda ka baxayso dhulkii ay ka talinayeen  ee Ciraaq iyo Suuriya.

 

 

Wasiirka  Amniga  Britain Mr. Ben Wallance, ayaa sheegay in ay jirto khatar  argagixiso oo  UK uga imanayasa kooxda IS , isagoo sheegay in khatartu tahay  mid xiligan sii  korodhay.

 

Ben Wallace, wuxuu  sheegay in kooxaha xagjirka ah ay isku dayayaan in ay weeraro ka gaystaan UK sababtoo ah ayuu yidhi  in qaarkood ay u suuragali weyday  in ay ku biiraan IS, halka kuwo  kalana ay ka soo laabteen dhulka ay koooxahan haystaan, iyagoo dib  ugu  laabtay  Britain.

 

Mr Wallace ayaa  sidoo kale sheegay in Dalalka Yurub ay kooxaha Argagixisadu ka geysanayaan weerarro jooga ah, Isla markaana wuxuu xusay in dhanka kale  loo baahan yahay in wax badan laga fahmo barnaamijka ka hortaga iyo la dagaalanka argagixisada.

 

Dhawaaqa  Mr.  Ben, ayaa ku soo beegmaya xilli ay kooxda IS sheegteen masuuliyada weerarkii Barcelona 17 August, kaas  oo 13 qof ay ku dhinteen.

Kooxda argagixisada ee IS ayaa ciidamad Dalka Ciraaq waxa ay ka qabsadeen bsihii lasoo  dhaafnay magaalada Mosul oo ay ku xooganaayeen, taas oo ahmiyad weyn u lahayd , waxaana socda  howlgal la doonayo in kooxaha  lagaga  qabsado magaalada Raqqa.

 

Dagaalyahanka IS ee la baxay dawladda Islaamiga  waxa ay sanadii 2014 qabsadeen magaalada Raqqa oo ay  sheegeen in ay tahay caasimada dawladda Islaamiga ah.

 

Mr Wallace ayaa u sheegay BBC: “Waxa aan u malaynayaa in wali khatarta ay sii kordhayso ,waxaa taasi sabab u ah kooxda IS oo sii burburaysa iyo dhulkii ay haysteen oo gacantooda ka baxaya”.

 

Waxa aan u malaynayaa in labadaasi arrimood  ay yihiin  sababta ay khatartooda u sii kordhoyso.” ayuu yiri Mr Wallace.

 

 

Dhinac  kale xusay in ay muhim tahay in dadka ay la shaqeeyaan barnaamija la dagaalanka iyo ka hortaga argagixisada ee dowlada,kaas oo sida uu sheegay  looga gol leeyahay in lagu joojiyo xagjirnimada.

 

Mr Wallace ayaa sidoo kale sheegay  in uu amray in Dadka shacaka ah macluumaad badan laga siiyo barnaamijka ka hortaga argagixisada iyo guulaha laga gaadhay si shacabka ay uga qayb qaataan hawlgalada dhinaca Ammaanka ee lagaga hor tegayo falalka Argagixisadu doonayaan in ay fuliyaan.