Araweelo News Nework

Gulufka Dagaalka Ukraine Iyo Khiyaamooyinka Dhinacyada

Dagaalka sida weyn cabsida ugu abuuray aduunka ee aan si dhab ah loo ogayn xilliga uu sida fuulkaanaha uga qarxayo Yurub, waxa sal u noqday Ukraine oo tan iyo markii Ruushku xoog kula wareegay  siddeed sannadood ka hor Crimea oo ku taal xeebta waqooyi ee Badda Madow ee Bariga Yurub, waxay xilligaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen NATO, in Ruushka laga badbaadiyo Crimea, balse kuma ay guulaysan.

Khariirad muujinay sida loo harreereeyay Ukraine iyo ciidamadda ku xeeran ee Ruushka

Arrintan, ayaa noqotay halbawlaha xiisadda xilligan ee laga cabsi qabo dagaal ka NATO iyo Ruushka dhexmara oo ka qarxa Ukraine, wallow ay wax-xoogay lagu nefisay dedaalo diblamaasiyadeed oo maalmihii u danbeeyay laysaga daq-qaadayay Moscow iyo Kyiv, sidoo kale Xidhiidh khadka Telefoonka ah oo dhexmaray Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saacado socday, balse waxay u muuqataa in ay marka laga reebo in la yar dejiyay tanshankii taagna aannay xiisadu ahayn mid xal laga gaadhay.

Bahdilaadii Diblamaasiyiinta Reer Galbeedka

Hogaamiyayaasha gooni u goosadka ee ay Moscow taageerto ee ku sugan bariga Ukraine oo ay colaaduhu ka socdaan ayaa ku dhawaaqay Jimcihii 18 Feb 2922,  inay dadka rayidka ah u daad gurayn doonaan Ruushka, iyadoo laga cabsi qabo inay sii xoogaystaan dagaalka.

Ku dhawaaqida madaxda isbahaysiga Luhansk People’s Republic (LPR) iyo Donetsk People’s Republic (DPR) ayaa yimid kaddib markii fallaagada iyo xukuumadda Ukraine ay ka gacansaydhay  eedeymo cusub oo duqeymo iyo xadgudubyo kale oo xabbad joojin ah oo ka dhacay gobolka Donbas.

In kasta oo Ruushku uu ku dhawaaqay in qaar ka mid ah dhoolatusyadii loo qorsheeyay ee ku dhow xadka Ukraine la soo gebagebeeyey, sidaa awgeedna, ay ciidamadu bilaabeen inay dalkooda dib ugu laabtaan, haddana UK iyo Maraykanku waxay ku celceliyeen in Ruushku uu weli raadinayo marmarsiiyo uu ku weeraro Kiev.

Madaxweyne Puntin, wuxuu bahdilaad ku sameeyay  maalmihii lasoo dhaafay hoggaamiyayaasha qaarkood, isagoo si weyn uga cadhaysan culayska dhanka diblamaaisyada, wuxuu sameeyay wax-xooga carab laalaadin ah inuu ciidamadiisa ka saarayo guddaha Ukarine, balse Maraykanka ayaa rumaysan in aannay taasi xaqiiq ahayn.

Ukarine, waxay ugu yaraan laba toddobaad ahayd meel hub iyo saanad millateri lagu soo daabulayo, waxaana Georgia, lagu uruuriyay 17,000 dagaalyahannada ajnabiga ah ee ka socda 27 dal, kuwaas oo qaybka ah hawlgalka difaaca NATO ee Ukraine, iyadoo ciidamada xulufada NATO (the North Atlantic Treaty Organization) iyo kuwa Ukraine ee lagu diyaariyay halkaa gaadhayaan 130,000, Ruushka, ayaa soo dhoobbay Belarus cudud Millateri, kuwaas oo  kulaallaya dhanka Waqooyiga Caasimadda Ukrine ee Kyiv. Sidoo kale ciidamo ka baddan 100, 000, wuxuu ruushku geliyay guddaha Ukraine, kuwaas oo dhinac walba ka kulaalaya, isla markaana si weyn ay uga go’antahay in ay gebi ahaanba la wareegaan Caasimadda  Kyiv ee Ukraine oo maalmihii lasoo dhaafay Maraykanku safaaraddiisa ka tahriibiyay cabsida xaaladda awgeed, iyadoo ay dalal baddan oo kale kala baxeen safaaradaha iyo shaqaalaha ka joogay, sidoo kalena muwaadiniintooda toddobaadkii hore ku wargeilyen in ay ka baxaan dalaka Ukraine.

Arrinta, ayaa  u muuqataa mid sabab u noqon karta dagaalka saddexaad ee dunida oo ka bilawda halkaa, maadaama ay salka ku hayso khariirad ahaan Yurubta Bari bilawgii dagaalweynayaashii dunida oo ka bikaabmay gobolka Balkans.

Raadka Taariikhda Xiisadda Ruushka Iyo Midawga Yurub

Khudbadii caanka ahayd ee Putin Bundestag ee uu ku jeediyay afka Jarmalka, 2001, ayaa ahayd mid Ciwaankeeda uu ku caddeeyey in Ruushku doortay Yurub, Putin waxa uu noqday aasaasihii fikradda cusub ee Guriga Guud ee Yurub, waxayna taasi xoojisay wada shaqayntii Midowga Yurub.

 Ruushka iyo Yurub waxay ku heshiiyeen xilligaa inay abuuraan qorshe cusub, waxay sameeyeen afar goobood oo wadaag ah. shirkii St. Petersburg bishii Maajo 2003, ayaa lagu heshiisyay iskaashi dhaqaalaha, dhaqanka, tamarta, iyo amniga. Heshiisyadaa, ayaa dhammaantood ahaa khariidad waddo cusub oo dhinacyadu ku kobcinayaan ku tiirsanaanta midba midka kale meelaha muhiimka ah, sida tamarta, ganacsiga, iyo dhaqdhaqaaqa raasamaal ee arrimaha amniga iyo qaadista shuruudaha fiisaha. Laakiin riyada Yurubta Weyn ee ka timid Lisbon ilaa Vladivostok ma noqon mid rumawda, iyadoo xiisadii Kosovo ee 1999, iyaduna ahayd mid khatarteeda leh.

Asbaabaha Xiisadda

Sababaha xiisadda ka taagan gobolka ee ka cadhaysiisay Ruushka, ayaa salka ku haysa dhaqdhaaaq soo taxnaa tan burburkii awooddii Warsaw sagaashaneeyadii, marka dib loo eego taariikhda March 2004, Madaxweyne Bush, ayaa kusoo dhaweeyay toddobo waddan oo shuuci ah oo hore ugu biiray (the North (Atlantic Treaty Organization) NATO, isaga oo ku sii riixaya xudduudaha isbahaysiga si uu u sii ahaado dhulkii Warsaw Pact, waxana uu ku nuuxnuuxsaday dib u dhalashadiisii dagaalkii qaboobaa ee ka dambeeyay inuu yahay iskaashi ujeedadiisu tahay wuxuu ku macneeyay in ay sii kordhayso la dagaallanka argagixisada ee Yurub iyo meelo ka baxsan.

Xilligaa is Balaadhinta waxay ahayd markii labaad ee isbahaysigu xubno ku darsado tan iyo markii Midowgii Soofiyeeti uu dhacay sagaashameeyadii, waxayna ku beegnayd isbeddelka NATO, waagii ay isku diyaarinaysay inay ciidamo dheeraad ah u dirto Afgaanistaan, waxay tixgelisaa doorka mustaqbalka ee Ciraaq, iyadoo dhinaca kale kala shaqaysa dalalka Waqooyiga Afrika iyo meelo kale si ay u fashiliyaan. ururada argagixisada

Tallaabooyinkii Ka Cadhaysiiyay Ruushka.

Aqalka Kremlin, waxa si weyn uga cadhaysiiyay faragelinta millateri ee NATO ee Afgaanistaan iyo Ciraaq, Kacaanka Rose ee Georgia, iyo soo bixitaanka koox cusub oo ka soo horjeeda Ruushka oo Midowga Yurub dabada ka riixayay,  2004, kuwaas oo ahaa kuow loogu yeedho. Dimuqraadiyad cusub oo Ruushka ka dhacda.

“Argagixisadu waxay neceb yihiin wax kasta oo isbahaysigani u taagan yahay,” Bush ayaa sidaa ka sheegay xaflad Aqalka Cad ee wakiillada toddobada waddan eek u biiray NATO, kaga farxinayo.

 “Xoriyadayada way naceen, waxay ka baqayaan midnimadeena, waxay doonayaan inay na kala qaybiyaan, way fashilmi doonaan, nalama qaybin doono, weligeen uma hogaansami doono colaadda dad yar”ayuu yidhi, xilligaa isagoo dadkaa yar ula jeeda mujtamaca Islaamka, isla markaana u qiil samaynaya duulaanka Ciraaq, Afgansitan iyo dalal kale oo Islaam ah oo ay ku jiraan Syria, Libiya, Somalia oo aan dawladba ka jirin, waxayna dhankeeda xilligaa sheegtay Condoleezza Rice oo ahayd la Taliyaha dhinaca amniga ee Madaxweyne Bush in Maraykanka ay u qorshaysan tahay in ay duulaan millateri ku qaadan ku dhowaad 32 dal oo ay ugu horeeyaan Ciraaq, Afganistaan, Somalia, Syria, Yemen, Sudan, Libiya.

Dalalka dimuqraadiga ah ee da’da yar ee ku biiray (North Atlantic Treaty Organisation), NATO, waxaa ka mid ahaa saddex jamhuuriyadood oo hore oo Soofiyeedka uga tirsnaa gaar ahaan gobolada Baltic ee Estonia, Latvia iyo Lithuania (Baltic states) iyo saddex xubnood oo ka tirsan heshiiskii hore ee Warsaw: Bulgaria, Romania iyo Slovakia. Slovenia, waxay ka mid ahayd Yugoslavia hore, Martiqaadka ku biirista isbahaysiga ayaa lagu kordhiyey shirkii NATO ee Prague bishii Novembar 2002 waxaana si wadajir ah u ansixiyay Senate-ka Maraykanka bishii May  ee isla sanadkaa.

Reagan, waa Madaxweynihii hore ee Maraykanka ee xilligii dagaalka qabaw, wuxuu yidhi, weedho caan noqday oo ahaa, “Markii NATO la aasaasay, dadka toddobada waddan waxay ahaayeen maxaabiis loo haysto boqortooyo.”

Dhinaca kale, Rashia, waxay xilliga ka walaacsanayd Liiska sii kordhayay ee isbahaysiga waxayna muujisay si feejigan wer-werka is-balaadhinta NATO ee ugu horaysay 1999, markii isbahaysigu soo dhaweeyay Czech Republic, Hungary iyo Poland.

Jaap de Hoop Scheffer  oo laga soo bilaabo sannadkii 2004 1 August 2009 ahaa Xoghayaha Guud ee NATO, ayaa si cad u sheegay  xilligaa in diyaaradaha dagaalku ay bilaabi doonaan “booliska hawada” ee dalalka Baltic-ka, isla markaana ay dalalkaa xubinnimadooda NATO dhaqan gashay March 2004.

 Wuxuu xusay in arrintaa uu si cad ugu sharaxay siyaasadda ay ka leeyihiin wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov oo ilaa xilligan Feb 20022, xilka wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka haya.

“Waxaan u maleynayaa in Ruushka uu si fiican u fahmay in NATO aannay, dabcan, wax ujeedo ah ka lahayn” ayuu raaciyay hadalkiisa Jaap de Hoop.

Wallaacii Ruushka ee Tallaabooyinka NATO

Dhacdooyinkan ayaa dhacayay xilli ruushku la tacaalayo kasoo kabashada burburkii Midawgii Soofiyeeti oo dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo millateri ahaan la xarbiyayo sidii uu saamaynta uu dinida ku lahaa quwadii uu hoggaaminayay ee Warsaw Treaty Organization si uun cageheeda isugu taagi lahayd, wallow burburkaasi sababay in NATO ka faa’idaysato oo dalalkii ku jiray Midawga Soviet iyo weliba cuddudii kuwii lagu magcaabi  jiray Daaha Birta ah(the Iron Curtain) oo ahaa daahii kala gooyay Bariga iyo Galbeedka Yurub ay calamadooda ka taageen dhinaca caddawga Ruushka ee NATO.

Hase yeeshee Saraakiisha Ruushka ayaa xilligaa si cad dareen shaki ah uga muujiyay is-balaadhinta NATO, waxayna ka dhawaajiyeen in ay ka jawaabi doonaan haddii is-balaadhinta NATO ee dhinaca Bari ay u muuqato mid khatar ah.

NATO, waxa ku midaysnaa dalalka Belgium, Canada, Denmark, France, Iceland, Italy, Luxembourg, Netherlands, Norway, Portugal, United Kingdom, iyo United States. Laakiin tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii qaboobaa, 13 waddan ayaa ku biiray, kuwaas oo hore uga mid ahaa midawgii (Warsaw Treaty Organization), ayaaa si toos ah ugu biiray NATO; Czech Republic, Hungary iyo Poland 1999, Bulgaria, Estonia, Latvia, Lithuania, Romania, Slovakia iyo Slovenia 2004, Albania iyo Croatia 2009, iyo Montenegro 2017.

Tobannaan sano kaddib markii la aasaasay, Midowgii Soofiyeeti ee uu ka talinayay Ruushka USSR, ayaa u koray mid ka mid ah dawladdaha adduunka ugu awoodda badan uguna saamaynta baddaa dunida, wuxuuna ka koobbanaa 15 Jamhuuriyadood – Russia, Ukraine, Georgia, Belorussia, Uzbekistan, Armenia, Azerbaijan, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Moldova. , Turkmenistan, Tajikistan, Latvia.

Gacan Haadintii NATO ee Dalalkii Midowgii Soofiyeeti

Hase yeeshee dhamaadkii dagaalkii qaboobaa, NATO waxay ku dartay 14 wadan oo dheeri ah 10 xubnood oo ka tirsanaa Warsaw Pact iyo afar jamhuuriyadii hore ee Yugoslavia) laga bilaabo 12 March 1999 ilaa 27 March 2020.

Ukrine, ayaa noqnaya kuwii ugu danbeeyay, balse ruushku, wuxuu xilligan dagaal dhiig badan ku daato ka xiggaa in Albaabkii u danbeeyay laga xidho oo NATO, usoo fadhiisato, waana sababta sida weyn uga cadhaysiisay Madaxweyne Putin ee boqolaalka kun ee ciiddamada Ruushku u galeen toddobaayadii lasoo dhaafay guddaha Ukraine.

Gunnaanad

Dhinaca kale, Ruushku, wuxuu sided sannadood ka hor xoog kula wareegay Crimea oo ku taal xeebta waqooyi ee Badda Madow ee Bariga Yurub, waxay xilligaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen NATO, in Ruushka laga badbaadiyo Crimea, balse kuma ay guulaysan, waana arrinta sii kicisay xiisadda xilligan ka taagan Ukraine, iyadoo Ruushka ay ka go’antahay in aannay ku biirin NATO, maadaama uu aamisan yahay in ay arrintan dhaqaale ahaan, millateri ahaan iyo juquraafi ahaan go’doon ka dhigay Ruushka oo xilligan kasoo kabtay burburkii. Sidaa ageed Putin waxa ka go’an inuu wax kasta oo ay ku kacayso aannay NATO, usoo fadhiisan Ukraine, ama aannay ku biirin EU, taas bedelkeeda uu la wareego, halkii ay noqon lahayd albaabkii u danbeeyay ee laga xidho Ruushka, wixii ka danbeeyay dhammaadkii dagaalkii qaboobaa ee laba quwadood.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com