Araweelo News Network.

Kyiv)ANN)- Qaraxyo waaweyn ayaa ka dhacay Saldhiyo Ciidan oo Ruushku ku leeyahay Dalka Belarus ee saldhiga u ah duulaanka ku waajahanaa dhawrkii bilood ee u danbeeyay Ukraine iyo gobolka Jasiirada Badda Madaw ee Crimea oo Ruushku la wareegay 2014.

La sheegin khasaaraha ay geysteen qaraxyadu iyo sababta keentay, waxayna wasaaardda difaaca ee Belarus dhankeeda sheegtay in qaraxa ka dhacay dalkeeda aannu ahayn weerar kaga yimi Ukaraine iyo xulufadeeda, balse uu ahaa mid si cilad ah u dhacay.

Ruushka, ayaa dhankiisa si toos ah uga hadlay qaraxyada oo sheegay jiritaankooda, balse wuxuu ku dooday in aannay ahayn weerar kaga yimi xulufada Ukraine, iyadoo Ruushku labada qarax ee ka dhacay Saldhiyo Millateri ku ku dooday in ay ahaayeen kuwo aan loo nisbayn karin Ukraine iyo xulufada reer galbeedka, balse ay ahaayeen kuwo ka dhashay sababo kale oo ciladeed.

Ruushka iyo Belarus midkoodna ma sheegin khasaaraha dhabta ah ee qaraxa iyo waxa sababay, waxaase jira warar is khilaafsan oo kasoo baxaya qaraxyadaa.

Ukraine ayaa dhankeeda sheegatay in qaraxyadu ahaayeen weerarro ay la beegsatay goobahaa, iyadoo adeegsanay taageerad hubka ay ka helayso dalalka reer galbeedka ee Maraykanka iyo xulufadiisa ay Britain ugu tunka weynatahay ee Yurub.

Waxa jira warar an la xaqiijin oo sheegaya in uu jiro khasaare uu geystay qaraxa ka dhacay xerada ciidanka Ruushka ee ku taal Belarus.

Sidoo kale, qaraxa kale ee ka dhacay saldhig ciidamada cirka ee Ruushka ku leeyihiin Crimea, ayaa lagu soo waraamayaa inuu geystay khasaare inkasta oo aan labad midkoodna si madaxbanaan loo xaqiijin karin khasaaraha uu geystay inta uu leegayahy, wallow Moscow si adag meesha uga saaratay sheegashada Ukraine, laakiin Kyiv iyo xulafadeeda ayaa sheegaya in duufaantu hadda isu rogtay dagaal ka dhan ah Ruushka.

Dalalka reer galbeedka ee Maraykanka iyo xulufadiisa, ayaa kusoo daabulaya hub culus dalka Ukraine, iyagoo doonaya in ay hor istaagaan isbalaadhinta Ruushka ee dagaalka ku waajahan Ukraine oo toddoba bilood maraya, isla markaana si weyn dunida saamayn ugu yeeshay dhaqaale ahaan, amni ahaan iyo siyaasad ahaanba.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com