Ukraine Iskama Ridi karaan Ruushka xataa iyagoo taageero ka helaya Xulufada NATO, Nabadna ma jiri Doonto Yurub inta Putin uu sii joogo Kremlin.” General Sir Richard Shirreff.

Alt: Araweelo News Network
General Sir Richard Shirreff., Image File Araweelo News Network

Araweelo News Network.

Kyiv(ANN)-Saraal u hadlay NATO oo ka mid ah saraakiisha arrimaha Millateriga, gaar ahaan kuwa mandaqada ku xeel dheer, ayaa sheegay in Ukraine aannay iska baacin karin Ruushka, xataa iyagoo taageero ka helaya Maraykanka, Midawga Yurub iyo NATO.

Laxidhiidha: Maraykanka Oo Wefdi Sare U Diray Kyiv, Ka Hor Booqashada Antonio Guterres Ee Ukraine Iyo Moscow

Dagaalka, ayaa weli sii socda, waxayna Ciidamada Ruushka a Isniintii gantaallo ku garaaceen bartilmaameedyo ku yaalla guud ahaan dalka Ukraine, taas oo lagu beegay booqashada wefdiga Maraykanka oo balanqaad dhinaca hubka ah u sameeyay Ukraine.

Laakiin Moscow ayaa diiradda ugu weyn saartay gobolka Donbas ee bariga Ukraine, ciidamada Ukraine ee halkaas ku sugan ayaa iska caabin kala hortagaya Ruushka oo ku sugan goob dagaal oo ballaaran oo Istiraatiiji ah.

Laxidhiidha: Vladimir Putin Aya Hore U Diiday Inuu Ka JawaaboTaleefoonnada Guterres

Maraykanku wuxuu wacad ku maray inuu dedejin doono hub dheeraad ah si uu uga caawiyo dagaalka ay kula jiraan Ruushka. Kaddib booqashadii Axaddii ee Xogahayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Antony Blinken oo ay weheliyaan Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin, ayaa booqanaya Axadda Kyiv, waxayna booqashadoodu kusoo beegmay saddex maalmood ka hor booqashada Xogahayaha Qaramada Qaramada Midoobay u qorshaysan Ukraine iyo Moscow.

Lieutenant Denys Gordeev, oo ka tirsan Ciidanka Ukraine, ayaa yidhi: “Waxaan leennahay weerarro bambaanooyin, weerarro gantaallo ah maalin kasta, waqti kasta iyo saacad walba.”

Bariga Ukraine, ayaa laga soo sheegayaa in ay ka jiraan dhibaatooyin bini’aadanimo, iyadoo haween, caruur, waayeel iyo bukaano ku nool bariga Ukraine ay waajaheen xaalad adag  oo ay soo food saartay cunto yaraan iyo biyo la’aan.

Laxidhiidha: Zelnenskyy Oo Kasoo Hadlay Tareen Dhulka Hoose Mara Iyo Washinton Oo Wefdi Culus U Dirtay

Dhinaca kale, Taliye ku xigeenkii hore ee ugu sareeyay NATO, General Sir Richard Shirreff, ayaa sheegay in Ukraine ay ku dhibaatoon doonto ‘inay iska baaciso, ama iska tuurto Ruushka’ xitaa iyadoo taageero ka helaysa Maraykanka iyo xulafada reer galbeedka.

General Sir Richard Shirreff, ayaa sidoo kale sheegay in Vladimir Putin uu u isticmaali doono heshiis nabadeed ama xabbad joojin si uu u xoojiyo ciidamadiisa, “nabad ma jiri doonto Yurub inta Putin uu sii joogo Kremlin.”ayuu yidhi.

Laxidhiidha: Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres Oo Isku Biimaynaya Putin

Ciidamada Ukraine ayaa tan iyo sannadkii 2014-kii dagaalo goos goos ah ku dhexmarayeen gobolka Donbas, halkaas oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanka kasoo horjeeda ee gooni u goosadka uu Ruushka taageero.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Gacanta Ku Dhigay Gobollada Koonfur Bari ee Ukraine Iyo Isballaadhinta Galbeedka

Si kastaba ha ahaatee, dagaaladii goos gooska ahaa ayaa 24 February 2022. si toos ah isugu bedelay dagaal aan kala joogsi lahayn oo ah weerraro aan kala joogsi lahayn, tan iyo xilligaa Moscow si toos u aqoonsatay gobolladaa, isla markaana kumanaan ciidankeeda ah ay gelisay Ukraine, ilaa xaaladdu isu bedeshay dagaalkii saddexaad, maadaama ay Ruushka kula dagaalamayaan Ukraine, Maraykanka oo hoggamiya NATO iyo MIdawga Yurub oo 27 dawladdood ay ku jiraan, kuwaas oo maanta ii Salaasa ah ku shiraya dalka Jarmalka si ay isaga caabiyaan hanjabaada Putin qabsashada Ruushka dhul istiraatiiji ah oo ku yaal Ukraine.

Laxidhidiha: Waa Kuma Ninka Generalka Hoggaaminaya Duullanka Ukraine Ee Wax Ka Beddelay Dagaalka?

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com