Araweelo News Network

ardaydamalaysia1
Malaysia(ANN) xaflada xilwareejinta urur ka ardayda iyo jaaliyada Somaliland ee Malaysia oo ka dhacday dalka Malaysia gaar ahaan caasimadiisa kuala lumpur. Halkaas oo gudoomiyihii hore, (Eng. Mohamed Ibrahim Aden) ku wareejiyay gudoomiyaha cusub ee (Nuradin Ibrahim Hassan) wareejintii Gudoomiyaha ardayda iyo Jaaliyada dhalinyarada Somaliland oo xilka ku wareejiyey Gudoomiyaha cusub ee la doortay bilowgii bishii July oo ahaan doona gudoomiyaha cusub ee 2016 ilaa 2017. Waxaa ka qeyb galay dhamaan jaliyada reer Somaliland oo ka kooban qanacsadayaal, dhalinyaro, araday iyo wayeelba.

ardaydamalaysia2

ardaydamalaysia
Gudoomiyihii hore ee xilku ka dhamaaday oo halkaas ka hadlay kuna wareejiyay ka cusub kuna bogaadiyay talooyina ka siiyay hawlaha ururka iyo wixii u soo qabsoomay. Halka ka cusubna ka gudoomay soona bandhigay wax yaabaha uu rabo inuu qabto. dhamaad kii xafladana waxaa halkaas lagu hanbalyeeyay gudoomiyaha cusub laguna sii sagootiyay gudoomihii hore ee ardayda. Iyadoo halkaas ay ka hadleen waayeel iyo dhalinyaro dhamaantood ugu duceeyay gudoomiyaha cusub in Alle u fududeeyo hawlaha loo idmaday.