Hargeysa(ANN)-Ururka ay ku midoobeen shirkaddaha isgaadhsiinta Somaliland ee SATO, ayaa si mug leh usoo dhowaysay go’aanka golaha wakiiladda Somaliland maanta ku meel mariyay in meesha laga saaro xeerka kootada horre loogu xidhay xadhiga Fiber Optic-ga ee Internetka, oo wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyay, kaas oo muddo dheer carqalad ku ahaa horrumarka dhinaca addeegyada isgaadhsiinta iyo Internetka, isla markaana aan waafaqsanayn Dastuurka dalka iyo xeerarka ganacsiga xorta ah.

Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexnaa Eng. Yusuf Axmed Yasin Cumar Xaashi oo ah Xoghayaha guud ee Ururka ay ku midoobeen shirkaddaha isgaadhsiinta Somaliland ee SATO, oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda wararka ee Araweelo News Network.


War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tallaabada ay qaadeen gollaha wakiiladda Somaliland uu si weyn u hanbalayaynayo Ururka ay ku midoobeen shirkaddaha isgaadhsiinta Somaliland ee SATO, kaas oo Ururka Isgaadhsiinta Somaliland ku tilmaamay mid meesha ka saaraya kootadii hore ugu xidhnayd, isla markaana tallaabadan ayaa ka dhigay inay Magaaladda Berberi noqoto xarunta ugu weyn Isigaadhiinta Fiber Optic-ga ee Bariga Afrika. sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Halkan ka akhri