Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)- Ururka Mareegaha Wararka Somaliland ee SOMA (Somaliland Online Media Association, ayaa War-Saxaafadeed ka soo saaray Xadhigga Weriye Maxamed Aadan Dirir oo muddo laba Toddobaad ku dhaw Wasiirka Caafimaadka Saleebaan-Xaglo-toosiye ugu xidhan Xarunta Laanta Dembi-baadhista C.I.D-da ee magaalada Hargeysa.

Waxa uu Ururka SOMA Cambaareeyey Xadhigga Weriye Dirir oo uu ku tilmaamay Sharci-darro iyo amar-ku-taaglayn, isla markaana waxa uu ugu Baaqay Hay’adaha Garsoorka iyo Xukuumadda talada haysa inay si dhaqso ah Xorriyaddiisa ugu soo celiyaan, dhawraanna Shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah-ba.

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed uu ku Saxeexnaa Xoghayaha Ururka Somaliland Online Media Association (SOMA) Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale), waxaanu War-Saxaafadeedkaas uu Caawa Xoghayuhu ka soo saaray Xarunta Ururka ee Hargeysa oo dhammaystirani u dhignaa sidan:-

“Ururka Somaliland Online Media Assosicion (SOMA), waxa uu Cambaaraynayaa, kana soo horjeedaa xadhigga Weriye Maxamed Aadan Dirir oo ah Tifaftiraha Shabakaddda Horseednews.com, waxaannu u aragnaa xadhiggiisa mid sharciga baal-marsan oo awood sheegasho ah.

Weriye Maxamed Aadan Dirir, waxa la xidhay iyada oo aan wax eed ah lagu soo oogin, isla markaana wax Waaran Maxkamadeed ah loo soo goosan qabashadiisa 24-ka bishii May 2017, kadib markii isla 24 May, Su’aal weydiiyay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Baarlamaanka Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Weriye Maxamed Dirir wuxuu ku xidhanyahay sharci-darro, waxaanu dhibbane u yahay Masuul xil Wasiirnimo ku amar ku taaglaynaya. Sidaa daraaddeed, Ururka Mareegaha Wararka Somaliland ee SOMA waxa uu Hay’adaha Garsoorka ka codsanaynaa in Xorriyaddiisa loogu soo celiyo si deg-deg ah. Ma aqbali karno Xadhigga Suxufi aan nidaam sharci ah loo marin Xadhiggiisa oo aanay Maxkamadi sifo Sharciga waafaqsan ku oggolaannin.

Ururka Somaliland Online Media Association (SOMA), waxa uu aamminsan yahay Weriyuhu hadduu khalad galo in xaq loogu leeyahay in laga Dacwoodo oo dariiqa Sharciga dalka loo maro Kiiskiisa. Hase-yeeshee, ma bannaana in sida Qof Tuug ah tunka la qabto oo uu masuul Askartiisa gaarka ah u dalbado, isla markaana sidii Neef Xoolo ah Lugta laga xidho. Ururka SOMA wuxuu Madaxda dawladda Somaliland iyo Cid kasta oo ka mid ah Bulshada ugu baaqayaa in la dhawro Xuquuqda Suxufiyiinta iyo Xorriyatul-qowlka.

Waxaannu soo dhaweynaynaa dedaallada socda ee ku saabsan xal u helida tacaddiyada iyo Xad-gudubyada joogta ah ee ka dhanka ah Saxaafadda iyo Suxufiyiinta Somalilandka hawlgala. Suxufiyiintana waxaan u soo jeedinaynaa inay dhawraan anshaxa iyo Asluubta Suubban ee Saxaafadda. Sidoo kale, Urur SOMA ahaan, waxaannu soo dhawaynaynaa Ururrada Caalamiga ah ee Saxaafadda, kuwa Dalalka Jaarka iyo Ururrada Xuquuqda Aadamaha u dooda ee sida fiican uga hadlay Tacaddiga iyo awood-sheegashada Weriyahani ugu xidhan yahay Wasiirka Caafimaadka.

Ururka SOMA waxa uu Wasiir Xaglo-toosiye ugu baaqayaa in uu dhawro Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu Wasiirka ku yahay, Shuruucda Dalka u taalla, Xaqa iyo Xuquuqda Muwaaddinka iyo ka Saxaafaddaba, wixii Cabasho ama Gef ah ee uu tirsanayo ama qabana u maro sifo Sharciga waafaqsan.”