Ra’iisal Wasaarihii xukuumadda Federaalka ah ee xilka laga qaaday Xasan Cali Khayre

Muqdisho(ANN)- Villa Somalia, ayaa mar kale ka hadashay dhawaaqyada beesha caalamka ee khilaafka ka dhashay markii xilka laga qaaday ra’iisal wasaare Khayre.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed, oo ka qeyb galay dooddii xalay ka baxday telefishinka BBC Somali, ayaa sheegay in beesha caalamka looga baahan yahay inay garab istaagto hay’addaha dastuuriga ah ee wali dhisan.

wuxuu sidaa ku sheegay falanqeyn lagu sameynayay qodobka doodda oo ahaa: “Saameyn intee la eg ayey xil-ka-qaadistii Ra’iisal Wasaarihii xukuumadda ku yeelan kartaa geeddi socodka siyaasadda Soomaaliya iyo doorashooyinka sannadkan?”

Waxaa kale oo dooddaas ka qeyb galay Cabdisalaan Salwe , oo falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya, horayna u ahaa agaasimaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya intii u dhaxeysay 2015 ilaa 2017.

Afhayeenka madaxtooyada ayaa sheegay in hannaanka dowladda uu “wali sal adag leeyahay”, howlihii doorashadana ay sii socon doonaan.

“Muddo xileedka madaxweynuhu waa afar sano, doorashaduna waa inay dhacdo afar sano oo kasta. Way dhici kartaa in cillado ay sababaan dib u dhigis labo ama saddex bilood ah, horayna taasi way usoo dhici jirtay”, ayuu yidhi.


Dhinaca kale Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed, waxa uu gaashaanka ku dhuftay eedeymaha ka imaanaya beesha caalamka ee daba socda xil ka qaadistii Xasan Cali Kheyre.

Wuxuu sheegay in Beesha Caalamku ay tan iyo intii uu burburku ku dhacay dalka ahayd mid u taagan dowlad u dhisidda Soomaaliya, kaalin mug lehna ka qaadatay sidii dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh, taladeeduna ay Soomaali leedahay loo dhisi lahaa.

Isagoo hadalkiisa wata ayuu intaas ku daray: “Wali Beesha Caalamka way u furan tahay inay Soomaaliya kala qeyb qaadato dhismaha hay’addaha dowladda, oo ay ka mid tahay maxkamadda dastuuriga ah ee guddigeeda ay golaha Wasiirrada Magacaabeen. Marka waxaan Beesha Caalamka ka fileynaa inay garab istaagto dhismaha hay’addaha dastuuriga ah, balse kama sugeyno inay xil ka qaadis ama xukuumad la kala eryay micno weyn noogu yeelaan.” ayuu yidhi.

“Waxaan aaminsan nahay in dadaallada ay Beesha Caalamku sameysay ay meel fiican nasoo gaadhsiiyeen, walina nala garab taagan yihiin, laakiin waxaad ogaataa, haddii ay beesha caalamku rabtay inay qof maalgashato, oo ay awooddeeda isugu geyneysay, qofkii xukuumaddii uu hoggaaminayayba way tageen, balse haddii ay rabto in hay’ado dastuuri ah oo dhisan garab taagnaato, oo ay dhismahooda kasii qeyb qaadatana waxaa jooga madaxweynihii sharciga ahaa ee Ra’iisal Wasaaraha magacaabay.” ayuu yidhi.

Agaasimihii hore ee xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cabdisalaan Salwe, ayaa go’aankii xilka looga tuuray Kheyre ku micneeyay mid ujeeddo kale lahaa.

“Sida ay madaxtooyada iyo Baarlamaanka Soomaaliya wax u wadaan waxay ka turjumeysaa oo kaliya in la rabo muddo kororsi. Dhamnmaan arrimihii dhacay marka aad eegto waxay ku tusinayaan in Baarlamaankan jira uu carqalad ku yahay doorashooyinka, oo uusan rabin inay doorasho dalka ka dhacdo, sidoo kalena abuuro xaalado dalka galin kara muran siyaasadeed, kuwaasoo ugu dambeyn keena in muddo kororsi la sameysto,” ayuu yiri Cabdisalaan.


Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa 25-kii bishan go’aan lama filaan ahaa xilkii uga xayuubiyay Ra’iisal Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, iyadoo Madaxweyne Farmaajo markiiba magbaacay si ku meel gaadh ah ra’iisal wasaare ku xigeenkii Mahdi Guuleed.

Tallaabadaas ayaa daba socotay muran ka taagan nooca ay doorashada Soomaaliya noqoneyso, kaasoo looga hadlay shir ay madaxda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb.

Hase ahaatee, mucaaradka ayaa ka qaliyay arrintaa waxayna ku tilmaameen mid aan sharci ahayn, sidoo kale Maraykanka iyo mIdawga Yurub ayaa ku tilmaamay qaabka loo eryay ra’iisal wasaare Khayre mid aan sharci ahayn.