Araweelo News Network.

Moscow(ANN)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa amar siiyay cidamaddiisa, iyadoo ay masuuliyiinta Ukraine soo gudbiyeen codsi, xilli uu dagalka ka socda dalka Ukraine marayo meel khatar ah.

Alt: Ataweelo News Network
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo sawir la galay Alexander Dvornikov ka dib markii lagu guddoonsiiyay magaca Halyeyga Xidhiidhka Ruushka ee Moscow, Russia March 17, 2016 [Alexey Nikolsky/Sputnik/Kremlin via Reuters)

Tan iyo Axaddii waxa soo baxayay in Magaaladda Mariupol oo ah magaalo Istiraatiijiga ah oo leh dekedda Badda Madaw ee dalka Ukriane ka dhoofiyo wax-soo-saarka ugu baddab ay u gacan gashay ciidamadda Ruushka.

Laxidhiidha: Moscow Oo Gantaal Nukliyeer Casriya Oo Xanbaarsan Farriimo Dirtay

Magaaladda ayaa xuddun u noqotay dagaalka, iyadoo si weyn loo burburiyay dhawr toddoobaad oo duqaymo iyo gantaalo cir iyo dhul ah, kaddib waxa guddaha u galay oo gebi ahaan la wareegay ciidamadda Ruushka, balse waxa jiray qiyaastii 2,500 oo askar Ukraine ah oo ku jira warshad birta ah oo weyn oo ku taal Magaaladda Mariupol, balse Ukraine ayaa ugu baaqday in aannay is dhiibin ilaa inta ay ka dhimanaayan.

Magaaladda ayaa xilligan warbaahinta reer gelabeedku xaqiijiyeen in ay dhab ah ugu gacan gashay ciidamadda Ruushka, balse waxa weli ku go’doonsan askarta ku jirta warshadda.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa ka hadlay arrinta Askarta Ukriane ee ku go’doonsan Mariupol, wuxuuna ku amray ciidamadiisa in aannay xoog ku gelin warshadda birta ee Azovstal, halkaasoo ay ku sugan yihiin kooxdii ugu dambaysay ee dagaalyahannada Ukraine ee ku sugan magaalada Mariupol.

Laxidhiidha: Moscow: Maalinta Vladimir Putin U Asteeyay Guusha Dagaalka Ukraine

Hase yeeshee Madaxweyne Putin, taas beddelkeeda wuxuu u sheegay ciidamaddiisa inay xidhaan si aanu xataa duqsigu u baxsan halkaa, isagoo si cad u sheegay in Ruushku gacanta ku hayo magaalada dekedda leh ee istiraatiijiga ah.

Alt: Araweelo News Network
warshadda Birta ee Mariupol, Image Araweelo News Network 19 April 2022.

Warshada weyn ee afar-mayl-wareeg ah ayaa noqotay saldhigii ugu dambeeyay ee iska caabinta Ukraine ee Mariupol. Dhinaca kale, Ra’iisal wasaare ku xigeenka Ukraine ayaa ka dalbaday Ruushka in uu ogolaado marin bini’aadantinimo oo deg-deg ah si ay dadka rayidka ah uga baxsadaan warshadda birta ee ku taal Mariupol, laakiin Ruushku kama jawaabin codsiga Ukraine

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com