Hargeysa(ANN)-Safiir ku-xigeenka Madaxweynaha Somaliland shalay u magacaabay dalka Ethiopia, Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa ka hadlay masuuliyadda loo magcaabay iyo sida Bulshada uga dareen celisay in xilkaa loo magcaabo.

Barkhad Kaariye oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, wuxuu Madaxweynaha uga mahadceliyey magacaabista xilkaa loo magcaabay, sidoo kale waxa uu Bulshada uga mahadnaqay sida ay usoo dhaweeyeen, isagoo duco iyo wada shaqayna ka dalbaday.


Barkhad Maxamuud Kaariye, waxa uu Waxbarashadiisa Dugsiyada Hoose, dhexe iyo Sare ku qaatay magaalada Hargeysa iyo dalka Ethiopia.

Brkhad, wuxuu sidoo kale Jaamacadda Hargeysa ka diyaariyay Shahaadada sare ee Deraasaadka Nabadda iyo xallinta khilaafaadka.

Shahaadooyinka Sharciga iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ka qaatay Jaamacaddo Hargeysa ku yaalla, isla markaana wuxuu Culuunta Saxaafadda ku Bartay magaalooyinka Hargeysa iyo Nairobi ee Kenya iyo Somaliland.

Wuxuu waxbarashada derejada labaad ee Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Dibloomaasiyadda ku bartay Jaamacadda Kampala ee Yugaandha.

Waxa warbaahinta Somaliland kusoo biiray sanadkii 2005, isagoo markaa shaqadii u horreysay ka bilaabay 2005-tii Wargeyska Ogaal oo magaalada Hargeysa ka soo bixi jiray, kaas oo markii danbe ka noqday Tifaftire guud.


Sidoo kale, waxa uu ka shaqeeyey hay’addo warbaahineed oo gudaha ah iyo kuwo dibedda ah, isagoo kasoo shaqeeyay Idaacadda BBC. Waxa kale oo uu kasoo shaqeeyay Idaacadda VOA oo uu ka gaadhay masuulka u sarreeya Somaliland u jooga. waxaanu noqday tabobbare saxaafadeed.

Barkhad Kaariye, wuxuu muddooyinkii dambe Macallin ka ahaa Jaamacadda Hargeysa iyo Jaamacado kale, Wuxuu Shahaadada PhD ku diyaarinayaa dawladnimada, nabadda iyo horumarka ka dhigtaa Jaamacadda University For Peace ee Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale, wuxuu xubin ka ahaa Guddiga Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo ahaa xubin fir-fircoon, isla markaana ahaa shaqsi dedaal badan sameeyay oo ka dhex ifayay saxaafada Somaliland oo lagu majeerto akhlaaq wanaagsan, deganaan iyo dabeecad wanaagsan oo ixtiraam badan u muujiya dadka ay kulmaan iyo kuwa ay mihnada saxafada ku wada jireen oo ay ka muuqdaan furfurnaan iyo astaamo dublamaasiyadeed.

Barkhad Kaariye, wuxuu hada noqonayaa dhiig cusub oo kusoo biiray masraxa Siyaasada Somaliland, isla markaana tusaale u noqon doona dhalinyaro badan.