Araweelo News Network

Dr. Sacad Cali Shire wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

Dr. Sacad Cali Shire wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

Addis Ababa(ANN)Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ku sugan goobta uu shirka Midawga Afrika ee galabta lasoo gebagebeeyay ka dhacay, ayaa sheegay inay kulamo la yeesheen Dublamaasiyiin iyo Madaxda qaar ka mid ah dalalka Afrika iyo dunida kale ee ka qaybgalay shirkaa.

Dr. Sacad Cali Shire oo hoggaaminaya wefdi ka socda Somaliland oo ujeedada ay halkaa u tageen ay ahayd sidii ay kulamo ula yeelan lahaayeen Madaxda iyo Dublamaasiyiinta ka qaybgalay shirka, isagoo xusay inay Addis Ababa kula yeesheen mudadii shirku socday Wasiiradda Arrimaha Dibadda Gana, Swesarland iyo masuuliyiin ka socday Qaramada Midoobay iyo Dublamasiyiin ka qaybgaaly shirka, kuwaas oo uu sheegay inay kala hadleen qadiyada Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, wuxuu sidaa ku sheegay Waraysi uu siiyay Idaacadda BBC-da Laanteeda Af-Soomaaliga galabta, isagoo ku sugan xarunta dalka Ethiopia ee Addis Ababa oo lagu soo gebagebeeyay maanta.

“waxaan la kulanay madaxda ka qaybgalay shirkaa, sida Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Gana, dalal kale oo afrika ah iyo Dublamaasiyiin aanu kala hadlay qadiyadayada iyo aqoonsiga aanu u baahanahay” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire, wuxuuna mar la weydiiyay waxa ay ka faa’ideen shirkaa sheegay in qadiyada aqoonsi raadinta Somaliland meel fiican marayso.

“Ujeedadu waa inaan waddano waajibkayaga aqoonsi raadinta, waxayna madaxda aanu la kulanay si wacan u dhegeysteen qadiyadayada, waana taas ta mihiimka ah” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, wuxuuna meesha ka saaray in aanay waxba ka khusayn arrimaha Somalia ee golayaasha ay samaynayaan, isagoo sheegay in waxa keliya ee Somalia ka dhexeeyaa yihiin wadahadalkii in lasii wado oo ay ka wada hadlayaan sidii mustaqbalka u noqon lahaayeen laba dal oo walaalo ah, balse aanay waxba ka khusayn golayaal la kordhiyo, “Waxba nagama khuseeyaan golayaasha Somalia iyo waxa ay kordhinayaan ee aad sheegay, waxaana filayaa in kasta oo aan weli dunida dal na aqoonsaday jirin, haddana maanta iyo maalintii Somaliland lagu dhawaaqay 18 May 1991-kii, waxay maraysay marxalado kala duwan, dhowaana waxaan dunida ka filanyaa inay aqbasho qadiyadayada, waana taas ta aan u soconaa ee aan halkan u joognaa” ayuu yidhi. Dr. Sacad Cali Shire wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409