WADDANIHargaysa(ANN)Hoggaamiyayaasha Labada Xisbi Mucaarad ee Somaliland WADDANI, UCID iyo Xisbiga muxaafidka ee KULMIYE oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa ku kala kacay kulan la filayay in natiijo lagaga gaadho muranka ka dhashay muddo-kordhinta dhowaan golaha guurtida Somaliland u sameeyeen Xukuumadda iyo Baarlamaanka.mkaahin
Kulanka oo maanta oo Salaasa ah loo balansanaa, ayaa qaatay saacado baddan, waxaana dhinacyadu isla qaateen go’aamo mawaaqifta mabda ahaan laysku soo dhowaaday, balse wararka shebekadda Araweelo News Network ka heshay ayaa sheegaya in natiijada kulanka gebagebadii uu ka baxay Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, taas oo ka dhalatay arrin la xidhiidha xiliga la shaacinayo go’aanka laysla qaatay.
Labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID, ayaan wax natiijo ah soo saarin markii uu kulanka dibadda uga baxay Hoggaamiyaha Mucaaradka WADDANI, isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Cirro. Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelo News Network u sheegay wararka laga helay ila wareedyada ku dhow dhow madasha wadahadalka, kuwaas oo intaa ku daray in mabda ahaan saddexda xisbi isla qaateen in iyadoo aan waxba laga beddelin go’aankii guurtida haddii mudada ay qabteen ee sannadka ah suurta gal ay noqoto in doorashooyinka lagu qabto xiligaa la qabto, balse masuuliyiinta Xisbiga xukuumadda ee KULMIYE, ayaa codsaday in 24 saacadood la siiyo ka hor inta aan go’aanka la shaacin, taas oo Guddoomiyaha golaha Wakiiladda ee Xisbiga WADDANI gaashaanka ku dhiftay, isagoo ku adkaysatay in la shaaciyo go’aanka laysla qaatay, balse sida ay sheegayaan xoggaha la xidhiidha dhinacyada wadahadalka axsaabta qaranku markii arrintaa laga diiday uu ka baxay WADDANI goobta, isagoo ku gacan saydhay soo jeedinta KULMIYE ee uu ku dalbaday in ka hor inta aan la shaacin go’aanka muddo 24 saacadood ah la siiyo si ay wadatashi ula soo sameeyaan cidda ay khusayso arrinta doorashada iyo go’aamada laysla qaatay.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Muj. Maxamed Kaahin oo warbaahinta la hadlay markaa ka dib, ayaa sheegay in aanu burburin Kulanka axsaabtu, balse waxa uu sheegay in go’aamadii laysla qaatay kadib ay soo jeediyeen in waqti kooban la siiyo ka hor inta aan la shaacin, taas oo sida ii sheegay Xisbiga WADDANI diiday, isla markaana ka baxay goobta wadahadalku ka socday, wuxuuna xusay in majooratiga axsaabtu isla qaateen arrintaa ay dalbadeen si dhinacyada ay arrimaha laga wadahadlayo la tashi ula soo sameeyaan inta aan la shaacin, balse Guddoomiye ku xiggeenka Koowaad ee Kulmiye ma sheegin in go’aanka ay shaacin doonaan iyo in laysugu soo noqonayo.

“waxa laga wada hadlayaa waa arrin qaran oo Masiirka Ummada ah, maaha xisaab laysu geynayo ee waa aarraa iyo rayi kala duwan oo laysu geynayo si mawqif lagu midaysanyahay laysugu yimaado, markaa WADDANI, ayaa naga kacay, mana jirto wax laysku diiday ee go’aamada laysla gaadhay, ayaanu dalbanay xisbi ahaan in 24 saacadood nala siiyo ka hor inta aan la shaacin” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Hase yeeshee Guddoomiyaha WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa warbaahinta u sheegay in wadahadaladii burbureen, isla markaana lagu kala kacay, iyadoo aan wax natiijo ah laga gaadhin, balse Musharaxa Xisbiga Mucaraadka ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa sheegay in laysku soo noqonayo oo ay meel fiican marayaan wadahadaladu, isla markaana wixii laysla qaatay ay laba arrimood isku khilaafeen, taas oo sida uu sheegay ahayd soo jeedin ka timi Xisbiga Muxaafidka ee KULMIYE oo ahayd in muddo 24 saacadood ah la siiyo ka hor inta aan la  shaacin, isla markaana UCID ahaan ay qaateen in la sugo maalin iyo lababa maadaama waxa laga hadlayaa arrin qaran yihiin, taas oo xisbiga WADDANI diiday  sida uu warbaahinta u sheegay Cabdirashiid Mataan oo ah musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews