Araweelo News Network

Photo File: diyaaradaha dagaalka Imaaraadka Carabta iyo Duuliyayaal

Photo File: diyaaradaha dagaalka Imaaraadka Carabta iyo Duuliyayaal

Hargeysa (ANN) Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, ayaa isku afgartay inay yeeshaan iskaashi dhinaca millatariga ah, iyadoo xukuumadda Imaaraadku doonayso inay saldhig millatari ka samaysato madaarka caalamiga ah ee magaalada Berbera.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka mid ah weftiga Madaxweyne Siilaanyo oo dalka ku soo noqday shalay, ayaa saxaafadda u caddeeyey in Somaliland doonayso inay gacan-saar dhinaca ciidammada ah la yeelato dawladda Imaaraadka Carabta.
“Safarka weftiga qaybtiisa hore ee muhiimka ah waxay ahayd dalka Imaaraadka Carabta oo aad ogtihiin inay beryahan inoo socdaan hawlo maalgelineed iyo mashaariic horumarineed oo labada dal iska kaashanayaan, iyadoo tii hore oo ahaa mashruucii dekedda Berbera iyo shirkadda DP World ay dhammaatay.
Waxa imminka bilaabmay wadahadallo kuwaas la mid ah oo weliba ka qaro weyn, wadahadalkaas oo aynu doonayno sidii kuwii hore uu dalkeennu doonayo inuu gacan-saar kala yeesho dalka Imaaraadka Carabta dhinaca ciidammada iyo dhinaca maalgashiga kale ee tirada badan ee la xidhiidhi doona, haddii Ilaahay yidhaa… waana wadahadal bilaw ah oo mabda’ ahaan la isku afgartay, laakiin sidii dariiqa sharci iyo dariiqa guddiyada farsamadu mari lahaayeen sidii heshiiska shirkadda DP World oo kale ayeynu maraynaa,” ayuu yidhi Wasiir Cukuuse.
Wasiirku si cad uma shaacin in arrimaha Somaliland iyo Imaaraadku isku afgarteen tahay saldhiga millatari ee Imaaraadka Carabtu doonayo inuu ka samaysto madaarka Berbera, balse waxa uu iftiimiyey inay ka fulin doonaan dalka mashaariic maalgashi oo ka qaro weyn heshiiska shirkadda DP World ku maalgelinayso Dekedda Berbera.
Hase yeeshee, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Farxaan Aadan Haybe oo saxaafadda la hadlay 12 October 2016, ayaa caddeeyey in xukuumadda Imaaraadka Carabtu codsatay inay saldhig millatari ka samaystaan madaarka Berbera, codsigaas oo uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo ka aqbalay, laakiin sida Wasiir Cukuse tibaaxay dalabka Imaaraadka Carabta ee khuseeya heshiiska madaarka Berbera waxa uu mari doonaa dariiq sharci, iyadoo guddiyo farsamo qiimayn ku samayn doonaan arrintaas.
“Dawladdan iyo Madaxweyne Siilaanyo siyaasaddiisa waxa ka go’an inay dedaal badan u gasho sidii uu dalkani u heli lahaa gacan wax ka tarta baahiyihiisa dhaqaale ee tirada badan iyo ta aqooneedba. Horumarka dalkeennu waxa uu ku xidhan yahay sida aynu wax uga soo baxno iyo sida aynu u kasbanno aqoonta aynu wax kula soo baxayno, taasina waxay u baahan tahay inay yeelato tol ka caawiya oo ah dawlado iyo shirkado iskaashi innagala yeesha dhinaca dhaqaalaha iyo maalgashiga,” ayuu yidhi Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland.