Wadaamo-gooye (ANN)- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay waddadu isku xidhaysa magaalooyinka  Waadaama-gooye, iyo Buuhoodle taasoo loo bixiyey inay noqoto waddada nabadda ee u kala gudbaysa degaannada Gobollada Saraar,  Togdheer iyo Buuhoodle.

Xafladda lagu dhagax-dhigay dhismaha waddadan, waxa kaloo goob-joog ka ahaa xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Somaliland, masuuliyiinta degmooyinka Qori-lugud, Waadaamo-goo iyo maamulka Gobolka Saraar,iyo xubno ka socday Buuhoodle kuwaasoo ka xog-waramay muhiimadda ay dhismaha waddadu u yeelan doonto bulshada degaanka iyo guud ahaanba dalka Somaliland, maadaama ay tahay jid weyn oo isku xidhaya saddex gobol oo bariga Somaliland ah.

dhagax-dhiga waddada Wadaamogooye iyo Buuhoodle 31 Desember 2019.

Guddoomiyaha Guddida Dhismaha jidka isku xidhaya Qori-lugud iyo Waadaamo-goo Mr. Xasan Mataan, maayirrada degmooyinka Quri-lugud iyo Waadaamo-goo oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa faahfaahin ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee loo soo maray dhismaha waddadan hadda la dhagax-dhigay iyo qorshayaasha loo dejiyey sidii loo dhammaystiri lahaa jidkaas, iyagoo xusay in waddadani tahay mid isku xidhaysa degaannada Saraar iyo Buuhoodle, isla markaana ay noqon doonto mid qayb weyn ka qaadata horumarka iyo nabadgelyada guud, waxayna ballanqaadeen inay qayb laxaadle ka qaadan doonaan dhammaystirka jidkaas muhiimka ah.

xaflada dhagax-dhiga waddada Wadaamogooye iyo Buuhoodle 31 Desember 2019.
xaflada dhagax-dhiga waddada Wadaamogooye iyo Buuhoodle 31 Desember 2019.

Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland oo isna halkaas hadal ka jeediyey, ayaa ballanqaaday inay Hay’ad ahaan gacan-weyn ka gaysan doonaan dhismaha waddada nabadda ee isku xidhaysa Degaannada Qori-lugud iyo Waadaamo-goo, taasoo sidoo kale ah jid hal-bawle ah oo ay isticmaalaan gaadiidka u kala safraya dalalka Somaliland, Itoobiya iyo Soomaaliya, isagoo xusay inay horumarinta iyo dhammaystirka jidkaas ay gacanta ku wada hayn doonaan dowladda Somaliland iyo dadweynaha ka soo jeeda degaannada ay marayso, la iskana kaashan doono sidii looga dhigi lahaa jid casri ah oo horumar u soo jiida degaannada ay marayso iyo guud ahaanba dalka Somaliland.

xaflada dhagax-dhiga waddada Wadaamogooye iyo Buuhoodle 31 Desember 2019.
xaflada dhagax-dhiga waddada Wadaamogooye iyo Buuhoodle 31 Desember 2019.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa tilmaamay in jidkan la dhagax-dhigay uu noqon doono mid dhammaystirkiisa laga wada shaqeeyo, kadibna uu door wax-ku-ool ah ka qaadan doono horumarka iyo nabadgelayda dalka Somaliland, gaar ahaan degaannada iyo gobollada uu isku xidhayo.

xaflada dhagax-dhiga waddada Wadaamogooye iyo Buuhoodle 31 Desember 2019.
xaflada dhagax-dhiga waddada Wadaamogooye iyo Buuhoodle 31 Desember 2019.

“Waxa loo baahan yahay in si aad ah loo ilaaliyo waddadan, waxa kaloo lagama maarmaan ah in la joogteeyo qaadhaanka loogu talogalay dhismaha jidkan, waxaanna hadda halkan yaala (oo diyaar ah) afar nooc oo ah gaadiidka kala duwan ee ka qaybqaadanaya dhismaha jidkan oo isugu jira cagafyo, iska-rogooyin iyo booyad, waxaanan aad ugu mahadnaqayaa dadka qurbo-joogga ah ee qaybta weyn ka qaatay ee hawshan soo diyaariyey,” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Kaahin Axmed.

Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa sheegay in aan loo baahnayn in waddadani noqoto mid kolba qaadhaan loo ururiyo, balse ay noqoto mid qaadhaankeedu joogto noqdo, waxaannu yidhi; “Waxay markaa u baahan tahay in la helo dad muxsiniin ah oo wax isku qora (dhaqaale isku qora) oo u hura, dabadeedna si joogta ah waxaas ay isku qoreen u bixiyaan.”

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Md. Jaamac Maxamuud Cigaal oo ka mid ahaa masuuliyiinta goobta ka hadlay, ayaa isna yidhi; “Hadal badan imminka ma yaalo ee waxa aynu u wan-qalaynaa oo baarigaynaa oo bisinka u qabanaynaa bilawga dhismaha waddo qiimo leh oo isku xidhi doonta Qori-lugud, Waadaamo-goo iyo ilaa qaybo badan oo waddanka ah ama ilaa xadka Somaliland iyo Itoobiya.”

Waxa kaloo goobta hadal ka jeediyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo sheegay in waddadani tahay mid hal-bawle ah oo isku xidhaysa degaanno ballaadhan oo dalka Somaliland ah, isagoo xusay in dad badan oo isugu jira masuuliyiin iyo aqoonyahan kala duwan ay door weyn ka soo qaateen hindisaha bilawgii dhismaha waddadan iyo sidii loo sugi lahaa dhismaha hadda la dhagax-dhigay , waxaannu ku baaqay in xilligana loo baahan yahay sidii looga wada qaybqaadan lahaa dhammaystirka jidkaas.

Wasiirka Gaadiikda iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan oo hadal ka jeediyey xafladda lagu dhagax-dhigay jidka nabadda ee isku xidhaya Gobollada Saraar, Togdheer iyo Buuhoodle, ayaa si ballaadhan ugu mahad-celiyey cidkasta oo ka qaybqaadatay diyaarinta iyo hindisaha lagu dhisayo waddadan, isagoo caddeeyey inay dowlad ahaan taageero ka gaysan doonaan, kana shaqayn doonaan sidii loo dhammaystiri lahaa, waxaannu xusay in jidka u dhexeeya Qori-lugud iyo Waadaamo-goo uu qayb ka ahaa ballanqaadyada barnaamijkii uu xisbiga KULMIYE ku galay ololihii doorashada Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay sannadkii 2017-kii.

“Waddadani waxa ay ka mid tahay waddooyinka ku jira barnaamijka xisbiga KULMIYE uu ku galay doorashadii Madaxtooyada, markaa Insha Allaah waxa aannu rajaynaynaa in Ilaahay (SWT) inoo rumayn doono riyadaas aynu maanta u joogno, waxaanan ku kalsoonnahay in aynu waddadaas dhisi karno, awooddeenna, aqoonteena iyo maanta waayo-aragnimada aynu ka helnay waddooyinka badan ee aynu dhisnay, dowladduna markaa wixii kharash ah ee la xidhiidha hawl-socodsiinta (running cost), haddii ay noqoto shidaalka ama ha  noqoto aqoon oo Injineerrada dhisaya ah ama farsamo ha noqotee dowladdu marna idinka gacan la’aan mayso,” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan.