ciro iyo faysalHargeysa(ANN)Guddoomoyayaasha labada xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID oo maanta shir uga furmay Hotel ku yaal Magaalada Hargeysa, ayaa ku kala qaybsamay baaq Xisbiga WADDANI ku dhawaaqay caawa oo taageerayaashiisa uu kaga dalbay inay isugu soo baxaan mudaharaad lagu diidanyahay mudo kordhinta golaha guurtidu hore ugu sameeyeen Xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda ee uu Hoggaamiyo Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Cirro.
Gudoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay shirka labada Xisbi uga furmay maanta magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay dhaliilo baddan jiraan, wuxuuna si cad u iftiimiyay in dhaliishu jirto haday tahay Xildhibaanada oo aanu Baarlamankii shaqaynayn, sidoo kale wuxuu dhaliilo usoo jeediyay Axsaabta Mucaaradka oo uu sheegay in qof walba iska hadlo oo wuxuu doono yidhaahdo, “Ma jirto meel wanaagsan, Axsaabteena waad aragtaan, Baarlamankii ma shaqaynayo, golayaashii deegaanka waa aragtaan, inaga ayaa isu muuqana, maaha inaynu inagu is eegno ee waa inaynu qorshe iyo ajande wax lagu dhisayo oo aanay arrintu noqon hebel gaadhi ayuu iibsaday, waxaan jeclahay inaynu labadeena xisbi ajande la nimaadno, qaranka waxa halkaa dhigay qabyaalad, waad aragtaan sadexdeena guddoomiye isku xaafad ayaynu nahay, waa inaynu sawirkaa xun bedelnaa.
Waxaa inaga baabay Hay’addii dawlada Wakiiladda Markii sadexaad ayaa loo kordhiyay Guurtidu 20 sanadood ayay fadhidaa, xukuumadda hadda ayaa waqtigeedii dhamaanayaa, waa in lagaga hadlaa Xukuumadda iyo mucaaradka oo aan nidaam iyo Biritakool lahayn, waa in lagaga hadlaa Dastuurka, waana inay kasoo baxaan go’aamo dadka iyo dalka wax tara oo wax saxaya, laakiin maaha inay kasoo baxaan hebel ku xumee.” Ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

mucaardka1
Sidoo kale waxa khudbad ka jeediyay shirka Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, isla markaana ah guddoomiyaha golaha wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro oo sheegay in loo baahanyahay in shirka ay kasoo baxaan tallooyin wax ku ool ahoo dalka anfaca.
Dhinaca kale Xisbiga WADDANI, ayaa caawa ku baaqay Mudaharaad inay maalinta Beri Axada 26 July isugu soo baxaan dhamaan taageerayaasha xisbiga ee gobolada dalka, wuxuuna dhaaqu muujiyay in lasoo gebagebeeyay shirkaa oo ajandihiisa markii hore lagu sheegay sadex maalmood, balse dhawaaqa WADDANI ee dalabka mudaharaadka ay ku baaqeen oo ay sheegeen in lagu muujinayo rabitaanka doorashooyinka iyo sida ay u diidan yihiin mudo kordhinta, ayaa kusoo beegmay furitaankii shirka oo guddoomiyaha UCID weedho dhaliil ah ka jeediyay, kuwaas oo uu canaan dusha uga tuuray ka qaybgalayasha shirka oo ay ka dhex muuqdeen Guddoomiyaha WADDANI ka sokow siyaasiyiinta la baxay madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka.
Sidoo kale baaqa mudaharaadka ayaa uu iclaamiyay WADDANI, ayaa kusoo beegmay, iyadoo ay maanta saraakiil ka mid ah xubnaha sare ee xisbiga WADDANI iska casileen xilalkii ay ka hayeen xisbigaa iyo xubinimadii.
Balse baaqaa waxa gaashaanka ku dhiftay Saraakiisha Xisbiga UCID, kuwaas oo sheegay in aanay ku jirin mudaharaadka WADDANI ku baaqay, waxayna ku tilmaameen mid aanay waxba kala socon, iyagoo weedho kulul u jeediyay Gudoomiyaha golaha Wakiiladda ee hoggaamiya xisbiga mucaaradka WADDANI Cabdiraxmaan Cirro oo ay ku tilmaameen nin midaba baddan oo ay ku eedeeyeen inuu waxyaabo hore ay ugu heshiiyeen axsaabtu markii saxeexiisa loo baaahday uu ka muquurtay.
Dhinaca kale wasiirka Arrimaha guddaha Cali Maxamed Warancade, ayaa ka digay mudaharadka lagu baaqay, wuxuuna ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn oo aanay ogolaanayn, isagoo ku dooday in amaanka dalka iyo xasiloonida la doonayo in wax loogu dhimo, wuxuuna bulshada usoo jeediyay inay ilaashadaan nabadgelyadooda.
Si kastaba ha ahatee shirka ayaa la filayay inuu sadex maalmood socdo sida saaka laga sheegay madasha uu ka furmay, balse dhawaaqa WADDANI ku baaqay Mudaharaadka, ayaa u muuqda mid ka dhigaya inuu natiijo la’aan ku dhamaaday shirku, isla markaana xisbiga WADDANI baaqa mudaharaadka kaga jawaabayo saraakiisha iska casishay xiligan iyo xurguf hoose oo shaki kala gelisay hoggaamiyaaysha mucaaradka ee shirka wada furay, taas oo sababtay in xisbiga UCID cod dheer ku sheego in aanu kula socon mudaharaadka uu ku baaqay WADDANI.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.