Araweelo News Network

WADDANIHargeysa (ANN)- Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa shaaca ka qaaday in dib-u-dhac ku yimmi waqtigii hore loogu qoondeeyey qabsoomidda shirka golaha dhexe ee xisbigaas oo ku beegnayd 1-da bisha October 2016.
Xoghayaha Guud ee WADDANI Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray shalay ku caddeeyey in muddo 9 maalmood ah dib looga dhigay waqtigii hore loogu muddeeyey shirka golaha dhexe ee xisbiga, isagoo soo bandhigay sababaha dib-u-dhacaas keenay.
“Iyada oo Guddiga Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI hore u iclaamiyey in shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI qabsoomayo 1 ilaa 2 October ee sannadkan 2016.
Waxa lagu wargelinayaa dhammaan laamaha dibedda, gobollada iyo degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhammaan xubnaha Golaha Ghexe ee Xisbiga WADDANI in arrimo farsamo awgeed dib loogu dhigay qabshada shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI 10 ilaa 11, October 2016,” ayuu Mr. Uurcadde ku yidhi warsaxaafadeedka.
Hase ahaatee, ma caddayn nooca arrimaha farsamo ee keenay dib-u-dhaca ku yimi xilligii uu u muddaysnaa qabsoodda shirka golaha dhexe ee xisbiga WADDANI.
Shirka Golaha Dhexe ee WADDANI ee maalmaha dib uga dhacay waqtigii qabashadiisa waxa lagu dooran doonaa murrashaxiinta jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka xisbigaas uga qaybgeli doona doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ee la filayo inay qabsoonto bisha March ee sannadka 2017, haddii Ilaahay yidhaa.