Araweelo News Network

ciroiyouurcadeHargeysa (ANN)Shirkii golaha dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo u muddaysnaa 10 October 2016 oo ku beegan Isniinta berri, ayaa markale dib loo dhigay, iyadoo sidoo kale xubnaha murrashaxiinta ah loogu baaqay inay iska xaadiriyaan xarunta xisbiga ee caasimadda Hargeysa maanta.
Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee WADDANI Mr.Cismaan Af-gaab oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa sababeeyey dib-u-dhaca ku yimmi shirkooda, kaasoo markale loo muddeeyey inuu qabsoomo 19 ilaa 20 October 2016 oo ku beegan maalmaha Arbacada iyo Khamiista ee toddobaadka dambe, haddii Ilaahay yidhaa.
“Sida aynu la wada soconnay, horena aannu u shaacinmay, waxa ay ahayd in shirkii Golaha Dhexe uu qabsoomo bishan aynu ku jirno 10 ilaa 12 October 2016 ayaa waxa aannu halkan ka sheegaynaa inuu muddo siddeed maalmood ah dib u dhacay, iyada oo sababtuna tahay xaflado loo qabanayo masuuliyiin iyo siyaasiyiin miisaan culus iyo xisbiga oo weliba sii ballaadhanaya awgeed ay kelliftay arrintaasi, markaa halkii ay ka ahayd 10ka bishan waxa uu hadda dhacayaa 19ka bishan iyo weli ba 20ka bishan aynu ku jirno ee October 2016, oo uu ku qabsoomi doono magaalada Hargeysa,” ayuu yidhi Af-gaab
“Xisbigu waa uu sii ballaadhay, deedna waxa mashquuliyey taageerayaal badan iyo mas’uuliyiin ku soo biiraya, berritona (Axadda maanta) ay xafladahoodii bilaabmayaan, haddii Alle idmana toddobaadkan uu noqon doono toddobaadkii xafladaha xisbiga WADDANI ee mas’uuliyiinta ku soo biiraya ee xsbiga ka mid noqonaya, markaa sidaas ayaannu ku war-gelinayaa dhammaan ba taageerayaasha xisbiga WADDANI ee kala jooga dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.”
Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa xubnaha murrashaxiinta ah ugu baaqay inay araajidooda ku soo xereeyaan xarunta xisbiga ee caasimadda Hargeysa Axadda maanta.
“Xisbiga WADDANI waxa uu doonayaa in uu maanta (shalay) halkan ka iclaamiyo guddida kala reebista murrashaxiinta oo rabta in ay halkan ummadda uga sheegto in la soo gebo-gabeeyey oo muddo laga soo shaqeynayey hawlaha murrashaxiinta, imminkana ay taagan tahay xilligii qabashada hawlaha araajida ee ay keeni lahaayeen murrashaxiinta u tartamaysa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga WADDANI.”
“Waxaannu u sheegaynaa oo aannu ogeysiinaynaa dhammaan ciddii u tartamaysa murrashaxa Madaxweynaha iyo ciddii u tarmaysa murrashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka in berrito (maanta) oo taariikhdu tahay 09/10/2016ka ay keenaan araajiddooda murrashaxnimo, halkanna ka qaataan wixii shuruudo ah ee xisbigu ugu darayey oo ay xafiiska yimaaddaan, waxaanan ku wargelinaynaa murrashaxiinta in qabashada araajidu ay xidhmayso berri 5:00 galabnimo (Axadda maanta), iyaga oo aannu u rajeynayno in ay sida ugu dhaqsaaha badan ay arrintaas u qabtaan,” ayuu yidhi Uurcadde.