Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Wakaaladda Qurba-joogga Jamhuuriyadda Somaliland (Somaliland Diaspora Agency), ayaa markii ugu horreysay ka qaybgashay kulankii 59aad ee hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan dalxiiska (UNWTO) oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Wakaaladda Qurbo-joogga Somaliland oo martiqaad rasmi ah ka heshay hay’adda UNWTO (World Tourism Organization) iyo Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Dawladda Federaalka Ethiopia, ayaa lagu casuumay kulankii 59aad ee hay’adda dalxiiska Qarammada Midoobay oo lagu qabtay hudheelka Sheraton ee magaalada Addis Ababa, 19ilaa 22 April, kaas oo ay ka qaybgaleen wufuud ka kala socday dhammaan waddamada caalamka ee xubnaha ka ah hay’addaas oo isugu jiray wasiirro iyo masuuliyiin kale, hay’ado kala duwan, ururro iyo shirkado tiro badan oo caalami ah.
Warsaxaafadeed Wakaaladda Qurbo-joogga Somaliland ku faahfaahisay shirweynaha hay’adda UNWTO ee lagu martiqaaday iyo waxyaabaha lagaga wadahadlay, waxa uu u qornaa sidan:
“Waxa ka mid ah ergooyinka lagu casuumay shirka ku dhawaad 20 wasiirro dalxiis oo ka socday waddamada xubnaha ka ah hay’adda UNWTO ee Afrika, agaasimayaal guud, diblomaasiyiin, hawl-wadeenno sare iyo khabiirro ka socday wasaaradaha dhaqanka iyo dalxiiska ee in ka badan 50 dal. Sidoo kale, waxa ka qaybgalay oo door weyn ku lahaa shirka wefti ballaadhan oo metelayay dalka Shiinaha – maamulka heer qaran ee dalxiiska, (China National Tourism Administration), shirkado caalami ah oo ku shaqo leh socdaalka iyo arrimaha dalxiiska, kana mid yihiin Global Tour International Travel Service Co. Ltd, Alliance Tourism Consulting, Asia-pacific AVIAREPS iyo shirkado kale oo caalami ah.
Shirkan oo uu metelayay dawladda Somaliland Agaasimaha Fulinta Hay’adda Qurba-joogga Mr. Xasan Axmed Yuusuf oo wehelinaysay Xoghayaha 2aad ee Safaaradda Somaliland ku leedahay Ethiopia marwo Ladna Raabbi ayey weftiga Somaliland uga faa’iidaysteen fursaddaas inay la kulmaan oo xidhiidh la sameeyaan dhinacyo kala duwan oo ergada shirka isugu yimmi, gaar ahaan waddamada Ethiopia, Nigeria, Kenya, Sudan, Niger, Democratic Republic of Congo, Morocco, Cape Verde, Seychelles, Togo, Mali, Zambia, Central Africa, South Africa, Ghana, Benin iyo dalal kale. Sidoo kale, Waaxyaha Isuduwidda Qurba-joogga, Haweenka iyo Dhallinyarada (Gender), Ururinta Macluumaadka/Tirokoobka Statistics), Oggolaanshaha (Accreditation) ee Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Ethiopia, Hay’adda Dalxiiska Ethiopia.
Agaasimaha Fulinta Wakaaladda Qurba-joogga Somaliland, waxa uu sidoo kale kulamo la qaatay xubno ka mid ah masuuliyiinta hay’adda UNTWO, kuwaasoo uu ka mid yihiin Agaasime-ku-xigeenka, Agaasimaha iyo Xoghayaha Guud, Mudane Taleb Rifai, waxaannu ka codsaday inay u oggolaadaan dawladda Somaliland goob-joogenimo (observer) ama xubnaha aan joogtada ahayn, iyadoo xubnaha UNWTO ee Afrika ka tirsan yihiin Ururka Afrika.
Si gaar ah, Agaasimaha Fulinta Hay’adda Qurba-joogga Somaliland waxa uu si kooban ugala hadlay Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Dawladda Federalka Ethiopia marwo Hirut Woldemariam sida loogu baahan yahay in la abuuro iskaashi iyo xidhiidh wada-shaqayneed oo xooggan oo labada wasaaradood dawladaha Ethiopia iyo Somaliland yeeshaan, iyo in weliba dhinaca Ethiopia u fidiyaan Somaliland taageero iyo gacan-qabasho; xagga tababrarada aqoonta farsamo ee maamulka iyo maaraynta arrimaha dalxiiska, cilmi-baadhista, iwm, isla markaana la xoojiyo wadaagga aqoonta iyo waayo-aragnimada labada dhinacba, isu socodka iyo is dhexgalka dhanka dalxiiska ee labada waddan ee walaalaha ah Somaliland iyo Ethiopia.
Dhinaca kale, Agaasime Xasan Axmed Yuusuf waxa uu aad ugu kuurgalay waayo-aragnimada dawladda Ethiopia ee xagga dhiirrigelinta doorka qurba-joogga ee maalgashiga dalkooda, habka adeegga, hannaanka shaqo iyo isuduwidda ammuurahaas ee dhammaan wasaaradaha, heer qaran illaa heer gobol iyo degaan, taasoo dawladda Somaliland wax badan kaga dayan karto.
Waxa kaloo Agaasimaha Fulinta Hay’adda Qurba-joogga Somaliland furitaankii shirweynaha ka hor uu booqasho khaas ah ku tegay xarunta Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Ethiopia oo si diirran loogu soo dhaweeyay, waxaannu kulamo saacado qaatay la yeeshay masuuliyiinta waaxyaha kala duwan ee wasaaraddaas, isagoo sidoo kalena la kulmay Guddoomiye-ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Dawladda Federalka Ethiopia mudane Maxamed Nuuradiin.
Weftiga Somaliland waxay uga faa’iidaysteen fursaddan inay si weyn ugu soo bandhigaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo ay ku qaybiyeen inka badan 200 nuqul oo xogo iyo macluumaadyo daabacan oo ku saabsan taariikhda, qaddiyadda, guulaha ay gaadhay iyo danaha Somaliland, nuqullo ka mid ah qorshihii horumarinta Somaliland ee 1aad, xogta khayraadka dalxiiska, shaqada hay’adda iyo xogta qurbo-joogga Somaliland, buugga warbixinta wada-hadallada Somaliand iyo Soomaaliya iyo buugaag kale. Ka-qaybgalayaal badan ayaa aad u xiisaynayay oo qaatay, kuwaas oo su’aalo badan ka waydiiyay weftiga Somaliland oo waqti ku bixinayay inay u jawaabaan oo sharraxaad iyo faahfaahin ka bixinayey nuxurka xogaha kala duwan ee ku saabsan Somaliland ee shirka lagu qaybiyay.
Waxa iyana xusid mudan in Agaasimaha Fulinta Hay’adda Qurba-joogga Somaliland uu muddadii shirku socday waraysiyo kooban siiyey weriyayaal ka tirsan ilo warbaahineed oo ka duwan sida Ethiopian Herald, African News Channel iyo Hay’adda Warbaahinta Ethiopia (EBC).
Qarammada Midoobay ayaa u asteeyay sannadka 2017 inuu noqdo sannadkii horumarka dalxiiska taabba-gashan (2017 year of sustainable tourism development), waxana la tilmaamay ahmiyadda dalxiisku u leeyahay dadka iyo dalalkaba, horumarinta dalxiiska dhanka shuruucda iyo kaabayaashaba, sida loogu baahan yahay in qarammadu ka wada shaqeeyaan, lana dhiirrigeliyo iskaashiga iyo isu socodka waddamada Afrika.
Dawladda Kenya ayaa ka dhawaajisay inay fududaynayso helitaanka fiisaha lagu tegayo dalkeeda si ay u kasbato dalxiisayaal badan. Waxa la qiyaasay in guud ahaan qaaradda Afrika ay ka heshay 3% kaliya dalxiiska caalamka sannadkii 2015, inkastoo haddana ay hodan ku tahay dhulka booqashada ku habboon iyo khayraadka dalxiiska, balse ay jiraan caqabado badan oo dib u dhigayaa.
Geesta kale, waxa laga hadlay inay waddamada Afrika uga faa’iidaysan karaan dalxiisayaasha tirada badan ee Shiinaha hadba sida ay isugu diyaariyaan, gaar ahaan dhinacyada bixinta adeegyada iyo kaabayaasha la xidhiidha sida hudheellada ku habboon, heerka soo dhawayneed, dadka u tababaran hawlaha dalxiiska iyo shirkadaha xagga socdaalkaba0 (Tour guides, tour operators, travel agencies, visas etc). Sidoo kale, barashada luqadda Shiinaha ayaa la dhiirrigeliyay, waxanay gaar ahaan sheegtay dawladda Ethiopia in saddex jaamacadood oo ku yaal Addis Ababa ay bixiyaan fursado waxbarasho luqadda Shiinaha ah,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.