Araweelo News Network

Somaliland President Ahmed Silanyo meet Mr. Michael Keating


Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qarammada Midoobay, ayaa ka wadahadlay arrimo khuseeya dhibaatooyinka abaaraha, doorashooyinka iyo sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka u dhexeeya labada dhinac.
Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Michael Keating oo safar ku shaqo ku jooga caasimadda Hargeysa, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay wehelinayeen wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumaddiisa, kulankaas oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada .
Mr. Michael Keating oo markii kulankaasi dhammaaday la hadlay saxaafadda, ayaa sheegay in abaartu dhibaatooyin xun ku yeelatay bulshada reer Somaliland, isagoo ballanqaaday in Qarammada Midoobay ka hawlgeli doonto sidii wax loogu qaban lahaa dadka ku waxyeeloobay abaarta.
“Dad tiradoodu dhan tahay malaayiin qof oo reer Somaliland ah ayey abaarta adag ay saamayn xun ku yeelatay, sidaa darteed, sababaha ugu muhiimsan ee aan halkan u joogo waxa ay tahay in aan kulano la yeesho masuuliyiinta dawladda, bulshada rayidka ah, hay’adaha UN-ka iyo dhinacyada ay khusayso oo dhan, iyadoo ujeedaduna tahay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka abaarta, loona sii xoojin lahaa iskaashiga lagula tacaalayo wax ka qabashada abaarta, loona sameeyo wax kasta oo suurtogal ah si loo hubiyo in la daboolo baahida dadka reer Somaliland,” ayuu yidhi masuulka ka socday Qarammada Midoobay.
Waxa kaloo uu sheegay in shirarka uu yeeshay lagaga wadahadlay sidii loo samayn lahaa gargaar loo fidinayo dadka abaaruhu saamaynta ku yeesheen si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinka gaadhay, isla markaana laga wada shaqeeyo in la sameeyo qoryaal loogu diyaargaroobayo abaarta, lagagana hortagayo in bulshada Somaliland ay mar dambe la kulmaan khataraha ka dhashay abaarta.
“Waxa kaloo aannu ka wadahadalnay guud ahaan shaqada iyo hawlaha UN-ka ee Somaliland, waxaanan ka shaqayn doonaa sidii aan u sii xoojin lahaa, una sii labanlaabi lahaa dedaalka lagu taageero xaaladaha la soo dersay bulshada reer Somaliland, gaar ahaan carruurta, dumarka iyo in aannu ka shaqayno sidii loo diyaarin lahaa lacago badan oo kayd ah, iyadoo aynu arki doono tallaabooyin iyo ficilo degdeg ah oo khuseeya gurmadka abaaraha,” ayuu yidhi Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay.
Waxa kaloo uu ka jawaabay su’aal laga weydiiyey sida uu arko heshiiska dhexmaray dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ee khuseeya saldhigga millatari ee laga samaynayo madaarka magaalada Berbera, waxaannu yidhi; “Arrintani waa mid khusaysa Dawladda Somaliland oo ay tahay inay ka hawlgasho haddii ay jiraan in bulshada rayidka ah iyo saxaafaduba ay walaac ka muujiyeen, waana in dawladdu ay wixii walaac ah ee jira kala xaajooto bulshada. Sida cadna waxa muhiimka ah waa sidii loo xoojin lahaa, sarena loogu qaadi lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo fursadaha dhaqaalaha ee dadka reer Somaliland, laakiin waa in arrintan loo fuliyo hannaan aan qarsoodi ahayn oo waadix ah, waafaqsana shuruucda caalamiga ah.”
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ay ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Qarammada Midoobay.
“Ujeedooyinka ugu mudnaa weftiga Wakiilka Xoghayaha Guud waxa ay ahaayeen inay xogogaal u noqdaan, una kuurgalaan xaaladda abaaraha iyo dadka ku tabaaloobay abaarta, waxayna booqdeen oo soo arkeen meelo lagu xannaaneeyo, waxna loogu qabto dadkaas ay abaartu baro-kicisay, lagana caawiyo dhinacyada caafimaadka, biyaha iyo cuntada,” ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.
Waxaannu intaas ku daray; “Waxa kaloo ay Madaxweynaha ka wadahadleen sidii aynu u xoojin lahayn cilaaqaadka, wadashaqaynta ka dhexeeya Somaliland iyo Qarammada Midoobay, waxa kaloo aannu ka wadahadalnay arrimo la xidhiidha horumarka, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashigeena labada dhinac.”