mandhera

 

Mandhera(ANN)Nin hubaysan, ayaa ku khaarajiyay ugu yaraan 37 qof oo Kenyaan ah Magaalada Mandheera ee Woqooyi Bari Somalia. Kadib markii uu tacshiirad Rasaas ah ku furay.
Dadka ayaa ku sugnaa tuulo yar oo Mandheera 15km u jirta, waxayna dhamaantood ahaayeen dad Kiristan ah sida uu Idaacadda BBC World News u sheegay sarkaal ka tirsan Booliska Kenya.
Weerarka ayaa kusoo beegmay iyadoo xalay Magaalada Wajeer weerar sidan oo kale hal qof ku dhintay, isla markaana 12 kale ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaantood ahaa Bulshada Kiristanka ee Kenya, wuxuuna weerarkaasi ahaa kii sadexaad ee ka dhaca Kanya, gaar ahaan deegaanka dhinaca Gobolka woqooyi Bari ee Kenya, waxaana dhamaan weeraradaa lala beegsaday dadka aan Muslinka ahayn ee Kiristaanka ah.
Dalka Kanya, waxa muddooyinkii u danbeeyay ka dhacay weeraro lagu khaarajinayo Booliska Iyo dadka Shacabka ah, iyadoo weerarkii bishii lasoo dhaafay ka dhacay Deegaanka Mandheera lagu khaarajiyay 28 qof oo Kanyan ah, kuwaas oo ahaa Macalimiin wax ka dhiga Dugsiyada Gobolka Soomaalidu degto ee Woqooyi bari Kanya ee Wajeer, waxaana weerarkaa oo dhacay markii dadkaa oo ahaa rakaab lagala degey baskii ay saarnaayeen sidaana lagu khaarajiyay sheegatay xarakada Al-shabaab.

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
Warkaa oo faahfaahsan goor dhow Araweelo News Network kala soco