Araweelo News Network

Boorama(ANN)-Sanad-guuradii 35aad ee kasoo wareegtay aasaaska Dalada dhlinyada heer qaran ee SONYO, ayaa laga soo saaray qodobo lagaga hadlay colaada soo noq noqotay ee deegaanka Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag, xaalada dhalinyarada ee shaqo la’aanta Iyo arrimo kale oo la xidhiidha dhaqaalaha dalka.

war-murtiyeedka kasoo baxay  SONYO, ayaa u qornaa sidan:-

Hordhac:
Waxa maanta oo ay Taariikhdu tahay 12-ka bisha May, 2018 si rasmi ah magaalada Boorama ugu soo gabagaboobay kal-fadhigii 35aad ee Golaha 8aad ee Dallada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO. Kalfadhigaas oo afartii biloodba hal mar ay Golaha Sare ee Dalladu ku lafa guraan waxqabadka afarta ee la soo dhaafo, sidoo kalena lagu qorsheeyaan wax-qabadka afarta bilood ee soo socda.
Kal-fadhigan oo ay ka soo qayb galeen xubnaha Golaha Sare ee SONYO ee dhammaan Gobolladda waxa kale xaalada iyo duruufaha soo haysta Dhallinyarada Somaliland. Waxaana gebagebadii laga soo saaray war-murtiyeedkan:
Qodobabada ugu muhimsan:
1. Shaqo abuurka iyo kobcinta dhaqaale abuurka dhallinyarada: Ugu horayn Goluhu wuxu u mahad celinaya Madexweynaha Jamhuuriyada Somaliland dhigaalka lacagta ibo furka Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland. Waxay muujinaysaa sida ay u mudan tahay in baahiyaha faraha badan ee dhallinyarada haysata xal loogu helo. Waxa Golahu soo jeedinayaa in sanduuqan ay qayb ka noqdaan hirgalintisa shirkahaha ganacsata ee gaarka loo leeyahay Hay’adaha Caalimiga iyo kuwa Qaramada Midoobay. Sidoo kale, Goluhu wuxu soo jeedinaya in Sanduuqan loo sameeyo ilo kale oo dakhli maadaama ay badan tahay oo ay baaxad weyn tahay wax ka qabashada baahiyaha dhallinyaradu. Wuxu Goluhu isku raacay in laga hawl galo sidi Cashuur kordhin sahlan oo aan la dareemayn (shilimaan ah) (tax Levy) badeecadaha ay ka midka yihiin QAADKA, SIGAARKA iyo SHIIDHAALKA oo leh akawn xisaabeed gaar u ah. Sanduuqadan dhisidiisa waxa mudnaanta la saarayaa sida ugu haboon ee loo sugayo hufnaanta iyo hab-xisaabeedka lagu fulinayo mashaariicda ee uu sanduuqu maaligalin doono.
2. Xeerka No. 20: Waxa socda dadaalada qabashada doorashooyinkii Golayaasha oo Mudo dhaaf ah sannado badan. Dallada SONYO waxay ku baaqaysaa in doorashooyinka gollayaasha la qabto xiliga loo qoondeeyey lana maareeyo duruuf kasta oo dib u dhac keeni karta. Dedaalada doorashadda qabanqaabadeeda waxa barbar socday in Xeerka Ln. 20 Goalaha sharci dejintu doonayo in laga sameeyo kaabis iyo wax ka badal. Waa muhiim in xeerarka dib loo eego lana kobciyo meelaha ay galdaloolooyinka ka soo nodeen. Laakin Waxa iyana sidoo kale muhiim ah in aan la iska qaadan go’aano ama wax kabadal aan ku dhisnayn xaqiiq iyo xarfo (facts and figures). In da’da 25 jirka ah golayaasha deegaanada kor loo qaada maaha sax kuma fadhido xog dhaba oo sheegaysa in dhallinyarada dusha loo saaro dhammaan gaabiska iyo saluuga ka yimi Golayaasha Qaranka. waxa la doortay 300 xildhibaanka ka badan, waxa kaliya oo dhallinyaro ahaa 12% doorashooyinki 2012. Haddaba Sidee loo odhan karaa da’da ayaa u noqon karta dabar in la helo xildhibaano xil kas ah oo xaliiabn isla markaana gudan kara waajibaadkooda si waafaqsan xeerarka dalka. Dallada SONYO waxay Cod-dheer ku sheegaysa in arintan xalkeeda laga raadiyo sidii loo samayn lahaa nidaam kala hufa oo suga tayada tartamayaasha. sida aqoonta, waayo-aragnimada, isku filnaasha, sooyaalka dhaqan-dhaqaale ee tartamayaasha oo dib loo eego. Balse uguma muhiimsana da’da iyo imisa lacag ayaa account-ka ugu jirta. dooda odhanaysa in msharaxa Golayaasha deegaanku waa in uu ka waynaado 25 jir iyo in uu haysto aduun fara badan oo kaliya laguma heli karo xildhibaano hanan kara xilka ummaddu u dooranayso. Waa in KDQ, Axsaabta Qaranka, Golayaasha Sharci danjinta iyo Xukuumadduba waa in ay la yimaadaan hal-abuur saamaxaya in hore loo socdo balse aan lagu noqon talaabo hore loo qaaday oo harumar ahayd.
3. Kootada Dumarka iyo Bulshada la haybsooco: Dallada Dhallinyararda Somaliland Waxay taageersan tahay in dumarka iyo bulshada la haybsooco loo qoondeeyo kuraas ay dhexdooda ku tartamaan oo sugan saamaxayana in laga wada muuqdo golayashasha sharci dejinta.
4. Baaq in la sugo oo la adkeeyo Nabada deegaanada colaadu ka socoto ee CEEL-AFWEYN: Dallada Heer Qaran ee SONYO waxay ugu baaqaysaa shacabka ku nool Deegaanka degmada Ceel-Afweyn ee dirirta iyo colaadu dhextaal in ay Illaahay ka baqaan kana gudbaan colaada iyo dirirta oo u ay gudbaan nabad iyo wada noolaasho. Dowlada Somaliland waxaan ugu baaqaynaa in ay ka hawl gasho daminta colaada saddex gacmood, mid dhaqan, mid siyaasadeed iyo amni sugideedba. Colaadan daminteedu waa danta Shacab Somaliland ee inta badan ku naaloonayey nabada iyo wada noolaanshaha.

Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada SONYO
Cabdicasiis Siciid Saalax