Addis Ababa(ANN)-Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya magaalada Bishoftu oo qiyaastii 60km kaga beegan dhinaca Koonfur Bari caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa ayaa sheegaya in annay jirin cid ka badbaaday shilkii diyaaradda ee saaka ka dhacay halkaa.

Gaadiidka gurmadka degdega ah ayaa goobta gaadhay, iyada oo dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ay maqleen qarax, kaasoo uu ka dhashay holac la damin kari waayay.

Gaadiidka gurmadka degdega ah ayaa goobta gaadhay iy shaqaalaha gudmadka oo maydadka guraya.
Gaadiidka gurmadka degdega ah ayaa goobta gaadhay iy shaqaalaha gudmadka oo maydadka guraya.

Dadka diyaaradda saaran ayaa u kala dhashay 33 jinsiyadood, balse weli lama hayo diiwaanka magacyada waxa ay kala ahaayeen.

Diyaaradda oo ah nooca Boeing 737 ee rakaabka qaada, taas oo burburtay xilli ay u kala gooshaysay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi.

Sida ay sheegen masuuliyiinta sharikadda Ethiopian Airlines, ayaa sheegtay Diyaaradda Boeing 737-800 MAX oo duulimaadkeedu ahaa, ET 302, isla markaana ku diiwaangashanayd ET-AVJ. ayaa la rumaysan yahay inay saarnaayeen 149 rakaab ah iyo sideed kamid ah shaqaalaha diyaaradda.

Afhayeenka ayaa sheegay in diyaaraddu ay burburtay maanta oo Axad ah markay saacaddu ahayd 8:44, wax yar kadib markii ay kasoo duushay magaalada Addis Ababa.

Hadalkii ugu horreeyey ee burburka diyaaradda ayaa kasoo baxay Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed asagoo tacsida shilkaas ku qoray bartiisa Twitter-ka.

Sidoo kale war qoraal ah ayay sharikadda diyaaradda ku sheegtay in baadhitaanka iyo samatabixintu ay ka socdaan halkii ay diyaaraddu ku burburtay oo u dhow magaalada Bishoftu oo 60km Koonfur Bari ka xigta Addis Ababa.

” Shaqaalaha sharikadda Ethiopian Airlines ayaa loo diri doonaa goobta uu shilku ka dhacay, waxayna samayn doonaan wax kasta oo karaankood ah, si ay gacan uga gaystaan adeegyada dag dagga ah” ayaa lagu yidhi, Qoraalkaa oo aan lagu sheegin faahfahin intaa ka baddan mana caddda waxa sababay burburka diyaaradda.

Boeing, oo ah sharikadda samaysay diyaaradda, ayaa twitter-keeda ku sheegtay in ay ” Si dhow ula socdaan xaaladda”.

Diyaaradda ay sharikaddaasi samaysay ee 737 Max-8 ayaa ku cusub duulimaadyada, waxaana la daahfuray sanadkii 2016-kii. Waxaana duulimaadyada Ethiopia lagu soo daray sanadkii hore .

Diyaarad isla noocaas ah oo ay samaysay shirkadda Boeing, ayaa shan bilood kahor ku burburtay meel u dhow biyaha dalka Indonesia waxaana saarnaa 190 qof oo rakaab ah.

Dhinaca kale  warka, ayaa sheegaya in dadka ku dhinteen diyaaradda  32 qof oo u dhashay Kenya, 18 qof oo u dhashay Canada, 9 qof oo Ethiopian ah,  8 qof oo u dhashay dalka China, 8 qof Italian ah,  8 qof u dhashay USA, 7 qof oo u dhashay 7 qof oo France, 6 Egypt, 2 Israeli, 5 Holland u dhashay, 4 u dhashay India, 3 u dhashay Russian, 2 qof oo Morocco u dhashay, 8 qof oo u kala dhashay dalalka Somalia,  Beljan, Uganda, Yemen, Sudan, Togo, Moçambique, Norway iyo 4 qof oo aan la shaacin oo lagu sheegay inay ahayeen shaqaalaha qaramada Midoobay.