gaadhigaqarxay muqdishogaadhigaqarxay muqdisho

 

 

Magacyada Masuuliyiinta Ku Dhintay Iyo Kuwa Ku Dhaawacmay Qaraxa

 

Mogadishu(ANN) Rayasal Wasaare ku xigeenka Dawlada Somalia, isla markaana ah ku simaha Raysal Wasaaraha Maxamed Cumar Carte Qaalib iyo xubino kale oo ay ku jiraan qaar ka mid ah golaha wasiirada iyo saraakiil kale, ayaa ku dhaawacmay Laba qarax oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Tobaneeyo qof oo lab ka mid ah ay ahaayeen Xildhibaano ka tirsan Dawlada Somalia iyo saraakiil kale oo xukuumadda ka tirsan ayaa ku nafwaayay Labadaa qarax oo maanta Salaadii Jimcaha ka dhacay Huteel ku yaal duleedka Madaxtooyadda Villa Somalia. Kadib markii Gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu ku qarxay Masjid ku yaal Huteelkaa, iyadoo markaa ka dibna uu is qarxiyay nin iska soo buuxiyay waxyaabaha qarxa. weerarka waxa ku dhintay laba ka tirsan xildhibaannada Baarlamaanka, kuwaas oo kala ahaa Maxamed Ducaale Xaaji Kafee iyo Cumar Cali Nuur “Furdug”.
Qaraxa oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee muddooyinkan ka dhaca Magaalada Muqdisho, ayaa lala beegsaday Huteelka oo aan ka fogayn xarunta Madaxtooyadda Villa Somalia, Guddoomiye Ku Xigeenkii Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed Caano-Geel ayaa la xaiijiyey inuu ka mid yahay dadka ku dhintay weerarka.

Raysal Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jangali, Xildhibaan Cabduqaadir Cali Cumar, Guddoomiyihii Degmada Balcad Maxamuud Axmed, Wasiirka Dekaddaha Nuur Faarax Xersi, Salaad Cali Jeelle oo ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee Gaashaandhigga xukuumaddii (Cabdullaahi Yuusuf), C/raxmaan Maxamed Bangax oo hore wasiir usoo qabtay iyo saraakiil kale oo ka tirsan xukuumadda, kuwaas oo ku dhaawacmay weerarka.
waxaana dhaawaca Raysal Wasaare ku xigeenka iyo sodoneeyo qof oo u baddan masuuliyiinta xukuumadda, xildhibaano iyo xubno hore u ahaa masuuliyiin dhaawacooda la geeyay Cusbitaalka Madina ee magaalada Muqdisho.
Xukuumadda Somalia, ayaa ka hadashay weerarkaa oo ahaa mid khasaare weyn dhaliyay, waxaana Wasiirka Warfaafinta Dawlada Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo warbaahinta la hadlay waxyar ka dib weerarkaa si kulul u canbaareeyay falkaa, isagoo xusay in Hay’addaha nabadgelyadu baadhayaan sida uu weerarka noocaas ah u suurta galay, iyadoo su’aalo la weydiinayo Ilaalada Huteelka qaraxu ka dhacay.
Dhinaca kale Afhayeenka ciidanka Al-shabaab Sh. Cabdicasiis Abuu Muscab, ayaa wakaaladaha wararka u sheegay inay masuul ka ahaayeen weerarka oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid ay ka gaadheen ujeedadii ay ka lahaayeen.
Qaraxa, ayaa kusoo beegmay iyadoo todobaadkii dhamaaday Al-shabaab ku dileen Magaalada Muqdisho Maareeye Ku xigeenkii Madaarka Aadan Cade iyo sadex sarkaal oo kale, kuwaas oo tacshiirad laga riday qoryaha Electaroniga lala beegsaday xili ay marayeen KM4.
Al-shabaab, ayaa marar baddan weeraro sidan oo kale ah iyo kuwo ka awood baddan uga fuliya muqdisho, iyadoo xukuumadda Somalia dhowaan sheegtay inay wiiqday awooda kooxdaa, balse weerarda sidan oo kale ah, ayaa muujiyay in weli ay magaalada muqdisho tahay goob aan amaankeeda laysku halayn Karin oo ay weeraro sidan oo kale qaraxyo iyo dilal qorshaysan oo ka xoog baddan ay kooxaha Al-shabaab ka fulin karaan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews