silanyosafar1Berbera(ANN)adaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminaayey ayaa maanta soo gaadhay Degmada sheekh oo ay ku soo dhaweeyeen dadweyne tiro badan oo isugu soo baxay wadada weyn ee dhexmarta sheekh.

 

 

 

 
Dadka soo dhowaynayay Madaxweynaha iyo Wefdigiisa waxay qaarkood ruxayeen caleemo qoyan iyo astaamaha qaranka somaliland, balse qaar ka mid ahina waxay soo bandhigeen dhacdo ku cusub soo dhawaynaha noocan oo kale ah kadib markii ay fagaaraha la soo istaageen geedad waa weyn oo qaad ah, taas oo aan la ogayn ujeedada ay ka lahaayeen maadaama qaadku yahay mid loo aqoonsanyahay Afooyinka dalka dhaqaalihiisa curyaamiyay, isla markaana dad baddani rumaysan yihiin inuu yahay maandooriye khatar ah oo bulshada farabaas ku haya.

 

 

silanyosafar2

Madaxeyne Siilanyo wuxuu mudadii uu ku sugnaa magaalada Sheekg socod lug ah ku soo maray badhtamaha wadada weyn ee magaaladaa, iyadoo ay hareero socdaan shacbiga degmada sheekh iyo masuuliyiinta gobolka Saaxil ilaa uu ka gaadhay goob fagaare ah, halkaas oo uu shacbigaa uga jeediyey khudbad taariikhi ah.

 

 

soo dhawaynta Madaxweynaahsheekh

Madaxweyne Siilaanyo oo xalay u hoyday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, wuxuu ka hor intii aanu kasoo bixin maanta ka furay mashaariic kala duwan oo ay xukuumaddu ka fulisay magaalada Burco, wuxuuna ka hor intii aanu soo gaadhin Berbera oo uu caawa u hoyanayo lagu soo dhoweeyay dhamaan tuulooyinka iyo degmooyinka u dhexeeya buro ilaa Berebra .

 

sodhowaynta madaxweynaahaeesheekh2

Wefdiga Madaxweynaha Somaliland safar todobaad ka baddan ku maray boqolaal km oo deegaamada galbeedka iyo iyo bariga ah, wuxuu caawa soo gaadhay Berbera oo si weyn loogu soo dhoweeyay, iyadoo wararka la xidhiidhaa safarkiisu sheegayaan inuu halkaa ku sugnaanayo ilaa beri oo maalin Jimce ah.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com