“Laba Bilood ayay igu Qaadatay in Aan Qalbigayga Ku Dejiyo Quraanka Oo Qaato Diinta Islaamka Ee Xaqa Ah” Caasha.

Rome(ANN)-Haweenayda u dhalatay dalka Talyaaniga ee indhaha caalamka soo jiidatay markii ay qaadatay Diinta Xaqa ah ee Islaamka, ayaa ka hadashay sida ay durbadiiba ugu fududaatay in ay barato Quraanka Kariimka ah.

Caasha Silvia Romani oo bixisay wareysigii ugu horeeyay tan iyo markii Gabadhan oo u dhalatay Taliyaaniga bishii November ee 2018-kii laga afduubtay Kenya, isla markaana dhowaan heshay xoriyadeeda, iyadoo ku biirtay Mujtamaca Islaamka, waxaana la rumaysanaa in Gabadhaasi ahayd mid ay gacabta ku hayaan kooxda Al-Shabaab oo ay ku haysteen gudaha Soomaaliya, kaddibna sii daayeen, iyadoo quleebteeda ay ku buuuxaan Islaamnimo Allah ka cabsi oo qaadatay Diinta Islaamka.

Haweenayda Caasha oo la soo daayay Badhtamihii bishii May ee sannadkan 2020, waxay dib ay ugu noqotay dalkeeda Taliyaaniga, waxaana lagu qaaday Diyaarad gaar ah oo ka duushay Madaarka Magaalada Muqdisho.

Caasha Romano, ayaa ka hadashay farqiga u dhexeeya ka hor intii aan la afduubin iyo xilligan, iyadoo si muga ah u muujisay sida ay xuntahay in aannay markii hore wax xidhiidh ah la lahayn Illaahay, isla markaana markii yarayd ay feker khaldan ka haysatay diinta Islaamka.

“Fikir khaldan ayaan ka heysatay Diinta Islaamka oo marka aan arko dad xidhan dharka lagu yaqaano Mujtamaca Muslimiinta ah oo ay sheegtay in ay u arki jirtay in ay yihiin dad la cabudhinayo.”

Waxay sheegtay in inkastoo “khaladaad badan” ay ka aaminsanayd diinta Islaamka in haddana laga caawiyay inay wax badan ka fahamto Muslimninadu waxa ay tahay,waxayna iyadoo muujinaysa shucuurteeda xustay “inay ahayd qof jaahil ah oo iska indha tiri jiray diinta Islaamka.”, haatanse ay si fiican igu kala muuqdaan xaqa iyo baadilku.

 

Haweenaydan, ayaa sheegtay Intii ay joogtay deegaanka Chakama ee dalka Kenya ay arki jirtay dad badan oo Muslimiin ah, balse taasi ma noqon mid sida ay sheegtay ku dhiiragelisay in ay qaadato diinta islaamka.

“Waxaan arki jiray dad xidhan khamiis, maalminta Jimcaha iyo dadka oo salaadda u aadaya misaajidka, balse xilligaas ma aanan danayn jirin diinta Islaamka”, ayay tidhi mar ay la hadleysay wargeyska La luce (La luce newspaper) ee ka soo baxa dalka Taliyaaniga.

Gabadhan, ayaa sheegtay in markii la afduubay ee la sii waday ay isweydiisay su’aalo dhowr ah ay ka mid yihiin: “Waxaan u imi Kenya in aan dadka caawiyo oo wax wanaagsan ayaan sameynayay ee maxay waxani iigu dhacayaan? Maxay tahay sababta aan loo afduubanin gabdhaha kale?”

Waxay tilmaamtay in markii la afduubay la geeyay xabsi ku yaala gudaha Soomaaliya. “Waxaa is dhahay – dabcan waxaa laga yaabaa in sababta aan dhibkan u marayo ay tahay ka fogaanshaha aan ka fogaaday Allaah, tasina ay tahay sababta la ii ciqaabayo”.ayay tidhi, Caasha.

Waxay wargeyska (La luce newspaper) u sheegtay in maalmihii xigay afduubkeeda, iyadoo ku jirta meel xabsi walibana xilli habeen ah ay markii ugu horeysay maqashay duqeyn dhanka cirka oo ay “diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka fuliyeen halkii ay joogtay.”

Waxayna sheegtay in ay aad u naxday oo ay ka werwertay in ay dhiman doonto oo aannay dib dambe u arki doonin qoyskeeda,”Waxaan ku duceystay – Allahayoow i badbaadi, waxaan doonayaa in aan markale arko qoyskayga” Caasha, ayaa xustay in xilligaas ay ahayd markii ay Allah “si toos ah ula hadashay”.

“Markii aan badbaaday waxay ahayd xilligii aan Allah u laabtay oo aan ku shukriyay, ee aan dareemay in aan ka fogaaday Allihii i abuuray”, ayay ku dartay hadalkeeda.

 

 

Caasha waxay sheegtay in mudadii ay ku jirtay gacanta kooxdii afduubtay ay bilawday barashada iyo fahamka Quraanka kariimka ah, iyadoo xustay in markiiba ay la qabsatay in ay raacdo jidka xaqa ah oo qabsato xadhigga Allah.

“Marka koobaad, waxay igu qaadatay 2 bilood in aan Quraanka ku akhriyo oo wax isburinaya kuma arag, markii dambena waxaan wakhti ku bixiyay fahamka, waxaan dareemay kalsooni illaa markii dambe aan jecladay diinta Islaamka”. Ayay tudhi, Caasha.

“Aayado badan oo Quraanka ah ayaa runtii qalbigeyga dhaqaajiyay, waxayna ila ahayd marwalba oo aan akhriyo in Allah uu anniga si toos ah iila hadlayo, waxaan sidoo kale akhriyay Aayado ka mid kitaabka Bibble-ka, waxaana halkaas ka ogaaday waxyaabaha ay ka siman yihiin Islaamka iyo Krishtaanka. Ugu dambeytiina waxaan Quraanka ka fahmay wadadii saxda ahayd ee Allah igu hagi lahayd oo ah in aan qaato diinta Islaamka”, ayay tidhi Caasha Silvia Romano.

Haweenaydan ayaa si cad u sheegtay in markii ay qaadatay diinta Islaamka ay ogaatay in Allah uu jecel yahay, kuna hanuuniyay wadada saxda ah.”

“diinta islaamka waxaan oggaaday in ay tahay wadada saxda ah,” sidaana aan ku go’aansaday in aan qaadato diinta Islaamka, intii ay joogtay Soomaaliya, balse waxay dhanka kale haddana ka walaacsanayd sida bulshada ay ka timi ay uga falcelin karaan is badelka ay sameysay, waxayna tidhi, “Waxaan Allah ka baryay in uu iimaankeyga xoojiyo, igana xijaabo waxwalba oo iiga iman kara qaadashada diinta Islaamka”.

Markii ay Caasha dib ugu noqotay dalka Talyaaniga, waxay sheegtay in dadka ay si la yaab leh u eegi jireen marka ay arkaan iyadoo ah gabadh caddaan ah, isla markaana xidhan xijaab.

 

Mar wax laga weydiiyay sida ay ku xulatay magaca Caasha waxay sheegtay in hadda kahor oo ay joogtay Talyaaniga in ay ku riyootay iyadoo la baxday magaca Caasha, markii diinta Islaamka ay qaadatayna ay la baxday magacaas.

“Dulqaad, wanaag” iyo waxyaabo badan ayay sheegtay in ay ka baratay diinta islaamka, haddana ay noolasheeda is badashay.

Waxaa kale oo ay sheegtay in marnaba aanay fileynin in dadka ay garanayaan, waxayna intaa raacisay in bishii Ramadaan ay “hadiyado badan ay ka heshay dad kala duwan oo soo booqday,” inkastoo ay jireen dad u hanjabay, go’aankii ay qaadatayna uu dood ka dhaliyay baarlamaanka dalka Talyaaniga.

“Dad badan ayaa si wanaagsan iila dhaqmay, dib ayaana ka ogaaday in ay jiraan dad u dhashay dalka Talyaaniga oo haysta diinta islaamka,” ayay ku sheegtay wareysigii ay bixisay.

Caasha Silvia Romano, oo 25  jir ah, ayaa markii ay Rome ka degtay waxaa hab siiyay oo laabta geliyay waalidkeeda iyo walaasheeda, waxaana salaamay ra’iisal wasaaraha Talyaaniga iyo wasiirka arrimaha dibadda.

Haweenaydan Caasha Silvia Romano ayaa horraantii sannadkan 2020, laga soo daayay maleeshiyaad looga shakisanyahay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab, inkastoo aannay ilaa hadda ka hadlin afduubkeeda.

Ciidammada sirdoonka Talyaaniga ayaa sheegay in xaqiijinta soo daynta gabadhaas ay gacan ka gaysteen Soomaaliya iyo Turkiga.

Caasha Romano, oo u shaqeynaysay hay’adda samafalka Talyaaniga ee Milele Onlus, ayaa rag hubaysan waxay sannadkii 2018-kii ka afduubteen hoteel ku yaal tuulo yar oo ka tirsan deegaanka Kilifi, ee koonfur bari waddanka Kenya.