Albayrak dakada mogadishuMogadishu(ANN)Shirkadda laga leeyahay dalka Dalka Turkiga oo maamusha Dekedda magaalada Muqdisho, ayaa warbixin kasoo saartay Horumarka ay ka samaysay halkaa mudadii bisha ahayd ee ay gacanta ku haysay.
Qoraalka warbixinta ee ay soo saartay hirkada Albayrak, ayaa u qornaa sidan:-

“Dakada magaalada Muqdisho waxay gaartay horumar lixaad leh oo la taaban karo Mudo kooban oo hal bil ah ‘bishaas oo ay maamuleysay sirkada turkiga ee Albeyrak .

Sida aad la wada socotaan Dowladu waxaa ay xoogaa dhaqaale ah ka heli jirtay Canshuuraha kaliye laakiinse hada waxaa imanaya wax soo saar kale oo xaga dhaqaalaha ah taas oo ah shaqada dakada oo ay dowladu wax ka heleyso .

Maanta waxaan maamulka Dakada ee dowlada ku wareejinay Lacag dhan ( halmilyan iyo shan boqol sideetan iyo laba kun Dolaka Mareyanka ah .1582.000

Tani waa markii ugu horeysay Mudo 20 sano ah ee Dowladu ka hesho xaga dakada dhaqaale intaa la eg ‘waxaana aad u rajeyneynaa in dhaqaalaha dakada dowlada uga soo xaroodo uu si weyn u sii kordhi doono Mustaqbalka Dhow .

Waxaan rajeyneynaa in dakada Muqdisho ay noqon doonto dakada casri ah Mar dhowo .

Horumarka Dhaqale ee ay dakadu ku talaabsatay wuxuu imanayaa iyada oo qarashkii Ganacsatadu bixin jireen an kor loo qaadin Balse Qiimo dhimis loo sameeyey Badeecahada ganacsatada qaarkood sida Containerka 40feet ah waxaa laga bin jire $600 waxaana hoos u dhignay 11% waxaana hada la bixiyaa $540 kaliye .

Cotainerka 20feet waxaa la Bixin jirey $400, hadda waxaa la bixiyaa $350 waa iimo dhimis ka badan14% Sonkorta waxaa la Bixin jirey tankii $17 Dolar halka hada aanu ka dhignay $16.8 Tankiiba, taas micnaheedu waa kharashaadkii dakada lagu bixin jirey, ayaa hoos ayaa loo dhigay iyada oo dhaqaale fiicana wadanku helayo waana arrin maslaxad u ah dowlada iyo shacabkaba .

Dhiaca Amaanka dalka Mudadii bisha aheyd ee aan maamuleynay Dakada Muqdisho waxaa bolice-ka iyo nabad sugidu qabteen qalab ciidan iyo oo si sharci daro ah ku soo galayey dalka aad ayaan ugu mahadcelineynaa dadaalkooda iyo wada shiqeyntooda, ayaa lagu yidhi qoraalkaa oo ah warbixintii u horaysay ee ay soo saaraan Albayrak Turkish Compeny oo maamulayay dekeda muqdisho muddo bil ah.
Warbixinta ayaa muujinaysa guul dakhli kasoo xerooday Dekeda Muqdisho oo markii horaysay lagu wareejiyay Dawlada, kaas oo fadeexad ku ah maamulxumada iyo musuq-maasuqa hoggaamiyayaasha Soomaalida oo warbixintani muujisay in ay yihiin musuq-maasuq.
Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com