Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Hinaase siyaasadeed oo ay dawladda Djibouti ka qaaday maalgashiga casriga ah ee lagu samaynayo dekedda magaalada Berbera ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sabab u noqday inay gabi ahaanba laasho heshiis ay kula jiray shirkadda DP WORLD.

Sida ku cad warbixin dhinacyo kala duwan taabanaysa oo Wargeyska Jamhuuriya daabacay  waxa ay dawladda Djibouti ku dooday in shirkadda DP WORLD ee laga leeyahay Imaaraadka Carabtu ay maalgashi ku samaysay dekeddaha dalalka dariskooda ah iyo kuwa ku yaal Badda Cas, kuwaas oo ay ka mid tahay dekedda caalamiga ah ee magaalada Berbera, sidaa darteedna ay u joojisay heshiiska shirkadaas kula jireen oo bilaabmay sannadkii 2006-kii, kaasoo qeexayay inay muddo 30 sanno ah maamusho Dekedda Dooraale ee Djibouti.

Mr. Abokor Cumar Haddi oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Dekedaha iyo aaga ka caagan cashuuraha (The Djibouti Ports & Free Zones Authority) oo saxaafadda la hadlay markii uu oo soo baxay go’aankan ay dawladda Jabuuti ku qaramaysay maamulkii dekedda koontiinarada ee Dooraale (Doraleh Container Terminal), ayaa sheegay in shirkadda DP WOLRD ay ku kacday arrimo taabanaya qarannimada dalkooda, kadib markii ay maalgashi ku samaysay dekeddo ku yaal dalalka jaarkooda ama Badda Cas oo uu xusay inay tartan kula jiraan dekedaha Djibouti.

“Sida heshiisku dhigayey,waxa ay ahayd in aanay dawladda Jabuuti ka dhisi karin ama horumarin karin deked gudaha waddanka Jabuuti, iyadoo ay sidoo kale qolada DP WORLD-na ay dalalka jaarka ah ama wadammada kale ee ku yaal Badda Cas ay ka maalgeliyeen oo ka dhistay dekeddo badan oo tartan kula jira dekeddeena, markaa waxa ay dawladdu arrintaas u aragtay inay tahay wax taabanaysa madaxbannaanida qaranimada (sovereignty) dalka oo ka qaadaysa xaqii ay dawladdu u lahayd ama dadka kale ee waddaniga iyo kuwa kale ee ajaanibka ah inay maalgelin ku sameeyaan dalkeena, sidaa darteed,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Dekedaha iyo Aagga Cashuuraha ka Caagan ee dalka Djibouti.

Sida lagu baahiyey telefiishanka Al-jazeera oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, xogo aan si rasmi ah loo shaacin ayaa iftiimiyey in laba qodob oo kala duwan ay xudun u yihiin go’aanka ay dawladda djibouti ka qaadatay shirkadda DP WORLD.

• Khilaafka labada dhinac soo kala dhexgalay waxa uu ka dhashay kadib markii ay xukuumadda Jabuuti hore u diiday in dawladda Imaaraadka Carabtu saldhig millatari ka samaysato gudaha djibouti xilligii uu sida xooggan u socday dagaalkii dalka Yemen

• Qodobka labaad, waxa uu xidhiidhka Imaaraadka Carabta iyo Djibouti sii xumaaday markii ay dawladda Imaaraadku bilawday inay maalgashi ku samayso dalka Somaliland, iyadoo ay shirkadda DP WORLD gacanta ku qabatay maalgelinta iyo maamulka dekedda Berbera, taasoo dalka Itoobiya fursad u siinaysa inay badeecadaheega kala soo degto.

Waxa kaloo ay dawladda Jabuuti caddaysay inay gabi ahaanba la wareegtay maamulka dekedda ay maalgelisay shirkadda DP WORLD, laguna wareejiyey hay’ad ay dawladdu si buuxda u leedahay, isla markaana ay diyaar u yihiin inay DP WORLD u celiyaan wixii mag-dhaw ah ee ay xaq ugu yeelato.

Heshiiska ay Djibouti ka hinaastay ee u dhexeeya Dawladda Somaliland iyo Shirkadda DP WORLD

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shirkadda DP WORLD, ayaa si rasmi ah u kala saxeexday bishii September ee sannadkii 2016 heshiis dhigaya in shirkadan laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabtu ay muddo 30 sanno ah gacanta ku hayso maamulka dekedda magaalada Berbera, isla markaana ay ku maalgeliso lacag dhan $442 milyan oo doollar, halka sidii kale uu heshiiska ku jiray in shirkadda DP WORLD ay ka shaqayso dhismaha aaga cashuuraha ka caagan (free zone) oo laga hirgelinayo magaalada Berbera, iyadoo ay arrimahaasina horseedi karaan in dekedda Berbera noqoto marinka ganacsiga badda ee isku xidhaya dalalka Geeska Afrika.

Dareenka Siyaasiyiin Reer Somaliland ah ka bixiyeen hinaasaha Djibouti.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo warraysi siiyey telefiishanka HCTV, ayaa sheegay inuu aad uga naxay fikirka ay Jabuuti aaminsan tahay ee ah in maalgashiga iyo horumarka Somaliland uu waxyeelayo qarannimada dalkooda.

“Walaahi waan ka naxay ninkaas ka hadlayey Djibouti inuu yidhaadho horumarka horumarka Berbera iyo Boosaaso ayaa waxyeelaysa madaxbannaanida qaranimadayada (Sovereignty) oo (taas) ayaannu DP WOLRD ugala wareegnay dekeddii, naxdin baan ka qaaday, sababtoo ah ummaduhu way iscamirayaan oo waddan kastaaba xaq ayuu u leeyahay inuu wejigiisa horumariyo, laakiin in la yidhaah waddankaas horumarkiisu waxa uu waxyeelayaa waddankayaga waa wax aan adduunka lagu arag. Djibouti waa waddan aannu jaar nahay oo walaalo nahay, weliba aannu Madaxweynahooda u heesno oo ammaano, in haddana ay iyaga waxaasi ka soo yeedhaan waa wax guul-darro weyn ah, wax kalena maaha ee innaga ayaa la innaga arkay, markaa waxa aan leeyahay arrintaas waxa ay si aad iyo aad ah anfariir ugu noqonaysaa shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.”
“Heshiiska DP WORLD iyo Saldhigga Berbera waxa uu cadaawad badan u sameeyey waddanka Imaaraadka Carabta oo imminka haddii aad tagto, carruurta yaryar ayaa lagu diray Imaaraadka oo la leeyahay Imaaraadka ayaa ina khiyaameeyey oo Imaaraadka ayaa ina inqilaabaya, waxaas oo dhana waxa loogu sheegayanaa maxaad Somaliland ula macaamishay,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.
Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa Sabtidii toddobaadkan, ayaa ku eedeeyey dawladda Jabuuti in aanay raali ka ahayn wax kasta oo horumar ah oo u soo kordha dalka Somaliland, isagoo xusay in sababta ay dawladda Jabuuti u laashay heshiiskii ay kula jirtay shirkadda DP WORLD ay la xidhiidho maalgashiga ay shirkadaasi ku samaynayso dekedda magaalada Berbera.

Mr. Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo), ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska maalgashiga ee ay shirkadda DP WOLRD ku samaynayso dekedda Berbera uu sababay inuu xumaado xidhiidhkii u dhexeeyay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Djibouti.

“Marka aynu dib u yar eegno taariikhda heshiiskaas aynu sannadkii 2016 la galnay shirkadda DP World ee aynu ku soo saxeexnay Imaaraadka Carabta, xidhiidhkii u dhexeeyey dalalka Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta wax badan oo hummaag ah ayaa galay, waad ka war haysaan. Innaga lafteena dano badan oo aynu isku qabnay ayey isla waqtigaas ay dawladda Jabuuti joojisay, iminka dhawaan waxa xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u yimi ninka ugu sarreeya maamulka Shirkadda DP World ee la yidhaahdo (Guddoomiyaha DP WORLD). Maalintii uu baxay (dib u noqday) Sultan Ahmed Bin Sulayem, maalintii ku xigtay ayey dawladda Jabuuti joojisay heshiiskii ay la lahaayeen (Shirkadda DP WOLRD), waayo waxa aad moodaa inay rajo ka qabteen in dawladda cusubi ee Somaliland ay isbeddel ka keeni doono heshiisyadii ay dawladdii hore la gashay,” ayuu yidhi Mr. Qabo.

Waxaannu intaas ku daray; “Halkaa waxa ka cad in aanay dawladda Jabuuti ee aynu walaalaha nahay ee shicibkeennu isku midka yahay ee aynu mataannaha nahay in aanay ka raali ahayn wixii horumar ah ee ku soo biira Somaliland, halka innaguna aynu raalida kaga nahay wixii u soo biira Djibouti.”

Dawladda Djibouti, ayaa dhawr jeer hore u sheegtay in aanay wax xumaan ah ka qabin maalgashiga ay shirkadda DP WORLD ku samaynayso dekedda magaalada Berbera, balse go’aanka ay qaateen maalintii Khamiista ee taariikhdu ahayd 22 February 2018, ayaa muujiyey in aanay Jabuuti doonayn wax horumar ah oo u kordha dekedda Berbera iyo guud ahaanba dalka Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama ay u aragto in arrintaas khatar ku keenayso faa’iidooyinka ay ka helaan isticmaalka dalka Itoobiya ku xidhan yahay dekedaha Djibouti.