Araweelo News Network

masjidalaqsaQudus (ANN) Kadib isku-dhacyo badan oo ka dhacay Xagaagan xayndaabka masaajidka Barakaysan ee Al-Aqsa ee magaalada Quddus ee Falastiin, balse ay xoogga ku haystaan Yuhuuddu, waxa khubarada wax falanqaysaa ka digayaan in mar kale dagaallo iyo xaalad adagi ka bilaabmaan dhulka baraykan ee Israa’iiliyiintu haystaan.
Warbixin dheer oo warbaahinta Al Jazeera ka diyaarisay xad-gudubyada Yuhuuddu ku hyaso masaajidka barakaysan ee Al-Aqsa, taas oo uu soo turjumay Wargeyska Jamhuuriya, waxa lagu bilaabay in kooxaha waddaniyiinta iyo diinta xag-jirka Yuhuudda ee u dhaqdhaqaaqa dhismaha goob-diineed iyagu leeyihiin (Temple Mount) ay si joogto ah ugu baaqayeen dawladda Israa’iil inay adkayso maamulka xayndaabka Masaajidka Al-Aqsa, taas oo haysashooda masaajidka sii xoogaysay ay keentay in ay sii kordhaan mudaharaadada dadka Falastiiniyiintu ka dhigayaan Daanta Galbeed ee la haysto oo ay ku jiraan Bariga magaalada Quddus ee uu ku yaal masaajidka barakaysani iyo Marinka Qasa. Waxaanna kooxaha xag-jirka Israa’iil ku raaxaysanayaan sida boolisku uga hawlgalo xayndaabka Masjidul Aqsa, inkastoo horeba ay u mamnuuceen in lagu tukado gudihiisa.
“Isku daygooda sida kelida ah ay doonayaan inay ugu beddelaan xaaladda caalamku aqoonsanyahay, kooxaha xag-jirka waddaniyiinta iyo diinta ee dhaqdhaqaaqa Temple Mount iyo dawladda Israa’iil oo iyaga taageertaa waxay soo bandhigeen khataro badan oo heer degmo, gobol iyo caalamiba ah,” ayey yidhi Nur Arafeh oo la shaqayn jirtay shabakadda isku-xidhka siyaasadda Falastiin oo u warramaysay warbaahinta Al Jazeera.
Waxa kaloo uu sheegay in sii haysatashada iyo qorshayaasha adag ee Yuhuuddu ku soo rogtay xayndaabka masaajidka Al-Aqsa ay abuurayso qalalaase sii fida iyo qubashada dhiig badan oo la mid ah kacdoonkii ka dhashay booqashadii Ra’iisal-wasaarihii geeriyooday ee Yuhuuddu Ariel Sharon ku tagay masaajidka Barakaysan ee Al-Aqsa sannadkii 2000.
Lixdii bilood ee tagay waxa jiray dhawr isku dhacyo iyo iska caabbino ku wajahan Masjidka Al-Aqsa, bishii April tiro dad reer Falastiin ah oo doonayey inay ku cibaadaystaan masaajidka ayey dhaawaceen ciidammada Israa’iil, halka qiyaastii 1000 qof oo Yuhuud ahi ay booqdeen oo ay galeen masaajidka si ay ugu gutaan cibaado aan ahayn ta diinta Islaamka. Sidoo kale, dhacdooyin halis badan oo kale ayaa dhacay intii lagu jiray bishii barakaysnayd ee Ramadaan bishii June, kadib markii Yuhuudda lagu eedeeyey inay ka horjoogsadeen dad ku cibaadaysanayey Masaajidka in loo keeno cunto ay ku afuraan.
Xaaladdu waxay sii xoogaysatay kadib markii Israa’iil jabisay xayiraad muddo dheer taalay oo ku saabsanayd in aan dad Muslimiin ahayni gali karin masaajidka Al-Aqsa tobanka dambe ee bisha Ramadaan, waxaanay booqashada Yuhuudda la degaamayey iyo kooxaha xagjirka ahi keentay isku dhacyo sababay daraasiin Falastiiniyiin ahi ku dhaawacmaan agagaarka xayndaabka Masaajidka.
Tan iyo waqtigaasi Booliska Israa’iil waxay xidheen shaqaale ka tirsan urur Falastiiniyiintu leeyihiin oo la yidhaa Waqf oo ka shaqeeya arrimaha Masjidul Aqsa, iyadoo toddobaadkii hore uun ay ahayd markii masuuliyiinta Israa’iil ka mamnuuceen inuu masaajidka barakaysan galo masuul sare oo ka tirsan ururka Fatax muddo lix bilood ah.
Bishii August ee tagtay oo keliya 2000 Yuhuudda Israa’iil ah ayaa booqday xayndaabka Masaajidka Al-Aqsa si ay ugu cibaadaystaan, kuwaas oo 400 ka mid ahi halkaas tageen maalin kaleiya, waxaanna Sheekh madaxda ka ah ururka Waqf Sheekh Azzam Al-Khatib uu soo saaray baaq cusub oo uu kaga digayo in Israa’iil isku dayeyso inay xaalad cusub ku abuurto dhulka.
Mustafa Abu Sway oo ah guddoomiyaha urur ka shaqeeya arrimaha Masaajidka Barakaysan ee Al-Aqsa iyo jaamacadda Al-Quddus, ayaa u sheegay Al Jazeera in dawladda Israa’iil xanibaado dheeraad ku soo rogay shaqadii ururka Waqf oo laga horjoogsaday inay shaqo dib-u-hagaajin ah ka sameeyaan meelo ka mid ah Masaajidka, waxaannu yidhi, “Muslimiinta cibaadaysanaya waxa lagu hayaa tacayido loogu gaysto dhammaan albaabada masaajidka. Waxa jira dad laga mamnuucay masaajidka, ilaa 62 dumar Muslim ah ayaa loo diiday inay galaan masaajidka, sidoo kalena tiro aan la garanayn oo rag ahina waxay la kulmaan tallaabadan oo kale.”
Dhinaca kale, kooxda xasaradaha caalamiga ah ee ICG, ayaa warbixin ay soo saartay horraantii sannadkan ku xaqiijisay in xaaladda ka sii daraysa ee ka taagan magaalada Quddus ay ugu wacan tahay xad-gudubka masuuliyiinta Israa’iil ku sameeyeen heshiiskii lagu gaadhay Jordan 2014.
“Israa’iil waxay samaysay xannibaado ku salaysan da’ iyo jinsi ay kaga horjoogsanayso Muslimiinta cibaadaysanaya,” ayaa lagu yidhi warbixinta ICG.
Qorshahan cusub ee Israa’iil bilowday waxa uu keenay inay kor u sii kacdo tirada Yuhuudda booqanaya masaajidka Al-Aqsa oo hadda libin-laabatay marka loo eego intii ay ahayd sannadkii 2009, halka ay sii kordheen oo la xoojiyey tallaabooyinka lagaga hortago Muslimiinta ku cibaadaysanaya masaajidka.
“Waxa jira markhaati cad oo ah in kooxaha ku raaxaysanaya taageerada dawladda Israa’iil doonayaan qorshe lagu burburiyo masaajidka Al-Aqsa, kadibna laga dhiso goobta macbad ay yeeshaan Yuhuuddu,” ayey tidhi Nur Arafeh.
Ugu dambayntii, xubno wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dawladda Israa’iil, ayaa markii u horreysay si cad uga qaybgalay doodo iyo fagaarayaal lagu taageerayo burburinta masaajidka Al-Aqsa iyo dhismaha goob-diineed halkaas looga hirgeliyo Yuhuudda, waxaanay arrintani ka horimanaysaa heshiisyadii hore u jiray, isla markaana waxay garab iyo dhiirrigelinba u noqotay Yuhuudda.