Hargeysa (ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa saxeexay digreeto guddi gaar ah (Business Task Force) loogu magacaabayo dib-u-habaynta hawlaha ganacsiga si waddada loogu xaadho maalgeli xooggan iyo shaqo-abuur laga hirgeliyo dalka.

Sidaa waxa lagu sheegay warbixin uu baahiyey Mac-hadka Caalamiga ah Hawlaha Ganacsiga iyo Dhaqalaaha Adduunka ee la yidhaa IFC (International Finance Corporation) oo qayb ka ah koox Baanka Adduunka ka socday oo dalka yimi 29 June 2015, waxa Madaxweyne Siilaanyo doonayaa inuu guddi gaar ah u dhiso hawlaha ganacsiga iyo maalgashiga, kuwaasoo si gaar ah uga hawlgeli doona fududaynta iyo daraasaynta mashaariicda dhinaca dhaqaalaha ah ee Bangiga Adduunku ka fuliyo Somaliland.

“Bishii April ee sannadkan 2015 ayuu heshiis isfam guud ah dhexmaray kooxda Bangiga Adduunka (World Bank Group) iyo Somaliland, kaasoo la xidhiidha hawlaha maalgelin iyo dib-u-habayn la doonayo in guddidan gaarka ah (Business Task Force) ka shaqayn doonto,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay IFC oo Wargeyska Jamhuuriyasoo xigtay.

Waxa kaloo qoraalkaas lagaga hadlay safar ay Hargeysa ku yimaaddeen wefti ay hoggaaminayso Agaasimaha Waaxda Ganacsiga iyo Xoojinta Suuq-gaynta Adduunka (Trade & Competitiveness Global Practice) ee kooxda Bangiga Adduunka Mss. Cecile Fruman, kuwaasoo kulamo ay la yeesheen masuuliyiinta sare ee Somaliland kaga wadahadlay sidii dib-u-habayn buuxda loogu samayn lahaa hawlaha ganacsiga iyo maalgashiga ee dalka, tallaabadaas oo lagu tilmaamay mid ganacsiga Somaliland ka dhigi karta mid si xooggan u soo jiita maalgashiga gaarka loo leeyahay, isla markaana lagu taageero   horumarinta ganacsiga yaryar iyo shirkadaha dabaqadda dhexe.

Waxa kaloo labada dhinac ka wadahadleen muhiimadda hirgelinta hawlaha iyo mashaariicda kooxda Baanka Adduunka (World Bank Group) ka wadaan Somaliland, kuwaasoo salka u dhigaya horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga, xoojinayana shaqo-abuurka iyo kobaha dhaqaale ee waddanka.

“Waxa kaloo weftiga Baanka Adduunku ka qaybgaleen kulan lagaga dooday mashruuc lagu dardargelinayo barnaamijka dib-u-habaynta ah ee la wado, kaasoo ujeeddada laga leeyahay tahay sidii loo horumarin lahaa awoodda waxqabad ee masuuliyiinta dawladda Somaliland iyo xubnaha wakiillada ganacsiga gaarka ah u yeelan karaan hirgelinta isbeddello muhiima oo la sameeyo si wax looga qabto caqabadaha hortaagan koboca dhaqaalaha iyo horumarka, iyadoo la rajaynayo in mashruucaasi tababarro siiyo dadka loo qoondeeyey inay wax-ka-beddel ku sameeyaan hawlahaas, lana doonayo in la helo ilaa shan isbeddel oo lagu kobcinayo adeegyada dawladda iyo ganacsiga marka la gaadho bisha July ee sannadka 2016,” ayaa lagu yidhi qoraalka IFC.

Source: Jamhuuriya