warbixinta1
Hargeysa(ANN)Guddi-hoosaadka Ilaalinta iyo Daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada, ayaa soo bandhigay warbixin fashilisay maamul-xumo baahsan iyo fadhiidnimo ka muuqda qaar ka mid ah hay’adaha dawladda Somaliland.
Guddida Ilaalinta iyo Daba-galka Hantida Qaranka oo warbixin ka akhriyey fadhigii Golaha Wakiillada ee shalay, ayaa sheegeen in warbixintoodu ku salaysan tahay kulamo kala duwan oo ay hore ula yeesheen Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Xannaanada Xoolaha, Macdanta iyo Tamarta, Caafimaadka, Hay’adda Qandaraasyada, Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Madbacadda Qaranka, Hanti-dhawraaha Guud ee Qaranka, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, Somaliland National TV (Telefishanka Qaranka), Bangiga Qaranka, Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa, Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Wakaaladda Korontada Hargeysa, hay’adaha WHO, UNICEF iyo UNDP, kuwaasoo aan qaarkood lagu xusin natiijada kulamadii guddigu la yeesheen, halka ay ka soo bandhigeen maamul-xumo ay ku arkeen qaar ka mid ah hay’adda dawladda.
Warbixino kala duwan oo lagu baahiyey bogga internet-ka ee Golaha Wakiillada, ayaa sidoo kale guddidu ku faahfaahiyeen natiijada safarro muddo 9 maalmood ah qaatay oo ay ku mareen gobolalda Togdheer, Awdal, Saaxil iyo Gabilay bishii November 2014, kulamana la yeesha maamulka goleyaasha degaanka, isu-duwayaasha wasaaradaha, badhasaabada iyo qaar ka mid ah hay’adaha madaxbannaan, waxayna guddidu ku sharraxeen warbixintooda caqabadaha kala duwan ee dhinacyada ay la kulmeen u soo gudbiyeen, tabashooyinka maamullada gobolladu qabaan, fadhiidnimada golayaasha degaannada iyo sidoo kale waxyaabo ka dhan ah xeerarka iyo shuruucda dalka u yaal oo kormeerkooda uga soo baxay.
Guddoomiyaha Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka Md. Maxamed Faarax Xirsi oo golaha ka hor akhriyey warbixinta guddigiisa, ayaa tilmaamay in maamul-xumo baahsan ka jirto xafiiska Hanti-dhawrka Guud, waxayna ku caddeeyeen warbixintooda in madmadaw badan ka muuqdo xisaab-xidhka miisaaniyadda dawladda ee Hanti-dhawrku gudbiyey Golaha Wakiillada, iyagoo golaha ka codsaday in dhammaanba xisaab-xidhkii miisaaniyadda dawladda ee sannadihii 2008 ilaa 2013 oo khaladaad iyo madmadaw xooggan ku jiro dib loogu celiyo Hanti-dhawrka Guud.
“Hay’adda Hantidhawrka Qaranka waxa waajibiyey aasaaskeeda iyo jiritaankeeda Dastuurka Qaranka qodobkiisa 113aad, farqaddiisa 4aad. Hab-maamulka hay’addan iyo siday shaqadeeda u gudanaysana waxa madaxbannaaneeyey Xeer. Lr. 05/98. Hay’adda Hantidhawrku maamul ahaan waa Guddoomiye, ku-xigeen, Agaasime iyo madaxda waaxyaha ee qaybaha kala duwan ee hay’adda, waxana dhammaan hoggaamiya Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka oo Madaxwaynuhu magacaabo, sida waajibka ahna laga ansixiyo Golaha Wakiillada. Sida ay waaajibinayaan qodobada 9aad, farq (B) ee Xeer LR 05/98 oo Golahan laga ansixiyey Hanti-dhawrku wuxuu Golaha Wakiillada u soo gudbinayaa warbixinaha uu siiyo madaxweynaha nuqul ka mid ah iyo sidoo kale haddii maamul-xumo ama gefaf xisaabeed yimaaddaan.
Waxa kaloo ku waajib ah in Hanti-dhawraha Qaranka u soo gudbiyo Golaha Wakiillada xisaab-xidhyada miisaaniyadda, isla markaana sida hay’adaha kale ee qaranka waa inay Golaha siiyaan xogaha iyo warbixinaha looga baahdo hay’adda lafteeda.
Guddida Ilaalinta iyo Daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland, iyagoo ah guddida sida gaarka ah shaqadu uga dhexayso kama ay helin Hanti-dhawrka Guud wax wada-shaqayn dhow ah iyo xogahay uga baahdeen midna, marka laga reebo inaannu hanti-dhawrahu ka daahin kulamada ay ugu yeedhaan, taasoo uu uga warramo musuqmaasaqyo faro badan oo hadheeyey xukuumadda, hase ahaatee aannu marna soo hordhigin wax caddaymo ah amaba warbixino khuseeya musuqmaasuqyadaas uu ku eedaynayo hay’adda dawladda,” ayey Guddidu ku yidhaahdeen warbixintooda.
Araweelo News Network

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com