London (ANN)-Warbixin ka hadlaysa dadka muslimiinta ah iyo kuwa Yuhuudda ah ee ku nool dalalka qaaradda Yurub, ayaa lagu sheegay in laga yaabo in aanay inta badan si fool-ka-fool ah ama si toos ah isku arkin,

laakiin xiliyadii dambe waxay isugu yimaadaan si ay uga hor tagaan arrimo sharciga ku saabsan, kuwaasoo ay sheegeen inay saameynayaan madaxbannaanidooda ku aaddan waxyaabaha diinta ku saleysan ee ay amaaminsan yihiin.


Doodda ugu dambeysay ayaa waxa kiciyay sharci la dhaqan-galiyay 1 January 2019 oo ay soo saartay dowladda Belgium-ku, kaasoo saameyn ku yeelanaya habka gowraca xoolaha – oo Muslimiinta iyo Yuhuudaba ay shuruudo gaar ah u raacaan.


Hindise sharciyeedkaas ayaa ahaa mid ah ay muddo dheer u dagaallamayeen dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda xayawaanka, hase ahaatee hoggaamiyeyaasha Muslimiinta iyo Yuhuudda ayaa ku tilmaamay xeerkaas mid xad-gudub ku ah diimahooda, isla markaana ka hor imaanaya xorriyadda uu qof walba u leeyahay inuu diinta uu rabo raaco.


Hoggaamiyihii lagu tilmaami jiray kali-taliyaha ee dalka Jarmalka Mr. Adolf Hitler, ayaa dood noocan ah abuuray sannadkii 1933-kii, ka dib markii uu mamnuucay gowraca xoolaha, isagoo shuruud uga dhigay in marka hore neefka lagu dilo hab sahlan.


Isbarbar-dhigga Xuquuqda xayawaanka iyo xorriyadda diinta
Sharciga ay soo rogeen dalalka reer Yurub ayaa dhigaya in xoolaha la suuxiyo ka hor inta aan la qalin, si aanay u dareemin xannuun. Habkan ayaa ah mid iyadoo qalab la adeegsanayo lagu suuxiyo neefka, ka dibna la guda-galo in la gowraco oo hilibkiisa la jarjaro.


Hase yeeshee, arrintaas ayaa si toos ah uga hor imaneysa diinta Islaamka iyo waxyaabaha ay aaminsan yihiin dadka Yuhuudda ah, balse dalalkan ayaa oggolaansho gaar ah siin kara habka gowraca ku saleysan diinta oo dhigaya in neefka nafta looga qaado gowrac, ama biraynta oo Islaamka waajib ku ah.


Dadka u dooda xuquuqda xayawaanka ayaa sheegay in habkaas gawraca ah uu kenayo xannuun aan loo baahneyn oo ay dareemaan xoolaha marka ay dhimanayaan, laakiin hoggaamiye diimeedyada ayaa dhankooda ku doodaya in habkaasi aannu gabi ahaanba lahayn wax xannuun ah,

waxayna sheegeen in xirfaddaas ay tahay mid hore loo xaqiijiyay, isla markaana lagu soo dhaqmayay muddo qarniyo badan ah, si looga hor tago in xoolaha ay xannuun dareemaan.


Si la isugu dheelli-tiro doodda labada dhinac, qaar ka mid ah dalalka reer Yurub, sida Netherland (Holland), Jarmalka, Spain iyo Qubrus, ayaa oggolaansho xaddidan siiyay kawaannada lagu gowraco xoolaha loogu talagalay inay maraan sharciyada diinta.


Waddamo kale oo ku yaal qaaradda Yurub, sida Austria iyo Giriiga ayaa sharci ka dhigay in xoolaha la suuxiyo isla marka qoorta laga bireeyoba.

Laba ka mid ah saddexda gobol ee dalka Belgium-ka oo kala ah Flanders iyo Wallonia – ayaa ku biiraya dalalka Denmark, Sweden, Slovenia, Norway iyo Iceland oo diiday in wax isbeddel ah lagu sameeyo sharciga dhigaya in xoolaha la suuxiyo ka hor inta aan la gowricin, taasoo xad-gudub ku ah habka ay shareecada islaamku u dhigtay in xoolaha loo gawraco.


Laakiin waxyaabaha isku keena ama mideeya bulshooyinka Muslimiinta iyo Yuhuudda ah ee ku wada nool dalalka qaaradda Yurub ma aha gowraca xoolaha oo kaliya, balse waxa kaloo ka mid ah gudniinka lagu sameeyo wiilasha iyo gabdhaha oo ku jira waxyaabaha ay dooduhu ka taagan yihiin.
Isbarbar-dhigga gudniinka iyo xuquuqda carruurta.


Sannadkii la soo dhaafay ee 2018, hindise sharciyeed qabyo ah oo lagu qorsheynayay in lagu mamnuuco gudniinka aan ku saleysneyn arrimo caafimaad ayaa loo gudbiyay baarlamaanka dalka Iceland, balse markii dambe waa laga gudbay hindisahaas ka dib markii ay ka dhalatay cadho aad u weyn, laakiin arrintu si sahlan kuma burburin, iyadoo ay dadka muslimiinta iyo Yuhuuddu ku dhaqmaan gudniinka carruurta.


Sannadkii 2012-kii, dalka Jarmalka ayaa muddo kooban laga mamnuucay gudniinka ka dib markii ay maxkamad soo saartay xukun lagu mamnuucayay in wiil muslim ah oo 4 sanno jir ah la gudo, iyadoo markaas la eegayay in qof walba uu isaga shakhsi ahaan go’aan uga gaadho waxa uu diin ahaan u rumeynayo.


Maxkamadda ayaa sheegtay in arrintaas aysan ka hor istaagi karin xuquuqda waalidiintiisa iyo xuquuqda diinta toona. Hase ahaatee, go’aankaas ayaa meesha laga saaray muddo 6 bilood ah ka dib. Dadka qaar ayaa arrimahan ku tilmaamay kuwo dib loogu xasuusanayo waayihii ka horreeyay dagaalkii 2-aad ee dunida.


Siyaasiga lagu magacaabo Rabbi Yaakov David Schmahl oo la hadlayay wargeyska New York Times, ayaa yidhi; “Waxaa si shaki la’aan ah dib loogu soo gocanayaa sida uu dhaqanka dunida ahaa wixii ka horreeyay dagaalkii 2-aad ee adduunka, marka la eego sharciyadan hadda soo ifbaxaya.”

Warbixintan waxa baahiyay BBC.