Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Golaha Guurtida Somaliland, ayaa soo bandhigay warbixin muujinaysa tirada iyo siday u kala badan yihiin dambiyada waawayn ee ay ka mid yihiin dilka iyo kufsiga ee ka dhacay gobollada dalka Somaliland sannadkii hore ee 2016.
Guddi-hoosaadka Golaha Guurtida ee Shuruucda, Arrimaha Garsoorka iyo Xuquuqal-insaanka ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa warbixin ay u akhriyeen xildhibaannada aqalka odayaasha fadhigii waxay ku shaaciyeen heerka dambiyadii dhacay sannadkii hore oo isugu jira dilal, kufsi, budhcadnimo, maandooriye iyo kuwo kale.
Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble oo ka tirsan Guddiga Shuruucda, Arrimaha Garsoorka iyo Xuquuqal-insaanka ee Golaha Guurtida oo akhriyey warbixinta, ayaa sheegay in xog-warran ay la yeesheen xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka ay ku ogaadeen in dambiyo uu ugu horreeyo dilka oo gaadhay 77 qof iyo kiisas kufsi ah oo ku dhaw boqol ay ka dhaceen gobollada dalka sannadkii hore 2016.
Md. Maxamuud Xareed Rooble oo faahfaahinayey dambiyadaasi iyo sidii ay gobollada kala duwan uga dhaceen waxa uu yidhi, “Warbixinta ay na siisay Xeer-ilaalintu kiisaska ka dhacay dalka sannadkii tagay 2016 inkastoo aanay degmooyinku ku wada jirin waxay u dhaceen sidan; Gobolka Maroodi-jeex ama Hargeysa waxa ka dhacay, 15 dil, 108 fal oo budhcad ah, 26 kufsi, 55 shil gaadhi, 27 kiis maandooriye, 18 isku day dil.
Gobolka Togdheer waxa ka dhacay 26 dil, 37 oo budhcad ah, 17 fal-kufsi, 29 shil gaadhi, 43 kiis oo maandooriye ah, 17 isku day dil.
Gobolka Awdal waxa ka dhacay 6 dil, 11 kiis oo budhcad ah, 8 fal-kufsi, 4 shil gaadhi, 12 kiis oo maandooriye ah, 4 isku day dil.
Gobolka Saaxil waxa ka dhacay 12 dil, 4 budhcad ah, 6 fal-kufsi, 47 shil gaadhi, 20 kiis oo maandooriye ah, 2 isku day dil.
Gobolka Sagaan waxa ka dhacay 6 dil, 4 budhcad ah, 19 fal-kufsi, 6 shil gaadhi, 3 kiis oo maandooriye ah, 8 isku day dil.
Gobolka Sool waxa ka dhacay 3 dil, 5 budhcad ah, 8 fal-kufsi, 12 shil gaadhi, 24 kiis oo maandooriye ah, 7 isku day dil.
Gobolka Gabiley waxa ka dhacay 5 dil, 9 budhcad ah, 5 fal-kufsi, 34 shil gaadhi, 24 kiis oo maandooriye ah, wax isku day dil ahina ma jiro.
Gobolka Saraar waxa ka dhacay 4 dil, wax budhcad ahi kama dhicin, 2 fal-kufsi, 2 shil gaadhi, sidoo kale ma jiraan wax kiisas maandooriye ahi, 3 isku day dil.”
“Isugeynta guud ee tirada dadka ku dhintay dilalku waa 77 qof, falalka budhcadda ahi waa 167, kiisaska kufsigu waa 91, shilalka baabuurtu waa 189, kiisaska maandooriyee waa 156 iyo iskudayo dil oo tiradoodu ahayd 59,” ayuu yidhi.
Waxa kaloo ka warramay warbixin la xidhiidha Garsoorka dalka kadib kulamo guddigoodu la yeelatay Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka oo uu uga xog-warramay xaaladda guud ee hay’adda Garsoorka Qaranka oo isbeddelo badan oo horumarineed lagu sameeyey, isla markaana hadda ku tallaabsatay in wax badani hagaagaan caddaaladda waddanka.
Xildhibaanku waxa uu sheegay in madaxda Maxkamadda Sare u soo bandhigtay guddigooda waxyaabaha u baahan in wax laga qabto, waxaannu yidhi, “Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in loo baahan yahay in dib-u-eegis lagu sameeyo xeerarka kala ah; Xeerka Mukhaadaraadka, Xeerka Nidaamka Garsoorka, Xeerka Musuqmaasuqa, Xeerka Carruurta, kuwaas oo horena loo soo jeediyey wax-ka-beddelkooda.
Waxa kale oo uu noo sheegay in dhibaatooyinka jira ee hawlaha Garsoorka caqabad ku noqon karaya ay ka mid yihiin; kow, xabsiyada dalka oo yar haba ugu sii darnaato magaalo madaxda dalka ee Hargeysa, iyadoo tusaale ahaan xabsiga wayn ee magaalada Hargeysa uu markii hore qaadi jiray 950 maxbuus, hase ahaatee markii dib-u-dhiska lagu sameeyey uu qaado oo keliya 450 maxbuus oo keliya, iyadoo aanay jirin qaybo u gaar ah dumarka iyo carruurta. Waxa kaloo uu sheegay in iyana loo baahan yahay in la helo xeerkii xabsiyada carruurta iyo xarumihii lagu dhaqan-celin lahaa.
Laba, in isha lagu hayo xeerarka ay hay’aduhu u daabacaan Soomaaliya ee ay innagana inoo soo gudbiyaan.”
Ugu dambayntii, Guddi-hoosaadka Guurida u qaabilsan Shuruucda, Arrimaha Garsoorka iyo Xuquuqal-insaanka waxay soo jeediyeen in la kordhiyo xabsiyada dalka, gaar ahaan caasimadda Hargeysa oo tiro dadkeeda iyo baaxadeeduba kordheen iyo in golayaasha Sharci-dejinta ee Baarlamanku si degdeg ah u eegaan shuruucda ay waaxda Garsoorku ka cabanayso.