By Araweelo News Network Associated Online Agencies

Hargeysa (ANN)- Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland ayaa Shaaciyay warbixin la xidhiidha korodhka isa soo taraya ee ganacsiga dalka, kor u kaca dakhliga  iyo is-barbardhig lagu sameeyay dhaqdhaqaaqa ganacsiga Somaliland 2025, marka loo eego sannadkii 2024.

Warbixinta ayaa muujinay inuu sii kordhay dhaqdhaqaaqa ganacsiga Dekedda, iyadoo lagu muujiyay heerkii dakhliga dalka, gancsiga iyo miisaaniyada ee  sannadkii 2024, isla markaana waxay muujisay warbixintu farqiga 2025 iyo 2024, taas oo ah sannadkii u horeeyay ee Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo dedaal iyo juhdi ay samaysay Wasaaradda Horrumarinta Maaliyadda ay sababeen isbedelka lagu muujiyay warbixinta.

Qaybta hore ee Warbixinta Muuqaalkan hoose ka Daawo.