Xasan Sheekh MaxamuudMogadishu(ANN)Wareegto Madaxweynaha Somalia Xasan soo saaray oo lagu kala diray Golihii Addeega Garsoorka, ayaa abuurtay muran dhinaca sharciga ah. Kadib markii Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya Garyaqaan Ceydiid Ilka Xanaf ku tilmaamay wareegtada Madaxweynaha mid aan sharciga waafaqsanayn.

Garyaqaan Ilka Xanaf, wuxuu sheegay in madaxweynuhu aanu xaq u lahayn inuu kala diro golaha adeegga. Sidaa awgeed aanay wareegtada lagu kala diray Golaha Addeega Sharciga aanay ahayn mid waafaqsan Dastuurka Qaranka Somalia, isla markaana wareegtadaasi ay tahay mid sharci daro ah.

Sidoo kale Guddoomiyaha maxkamadda sare, wuxuu eedeyn culus u soo jeediyay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Daahir Cali, isagoo ku eedeeyay inuu ka diiday inay wada shaqeeyaan, isagoo xusay in illaa maalintii la magcaabay Xeer- ilaaliyaha illaa maanta aanay wax wada shaqayn ah ka dhaxayn, isagoo taa bedelkeedana xusay inuu Xeer-Ilaaliyuhu la shaqeeyo madaxweynaha kaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa dhinaciisa digreetada uu soo saaray ku shaaciyey xeerka ay ku dhisan yihiin golaha uu kala diray ee Golaha Addeega Garsoorka aannu dhismahoodu waafaqsanayn dastuurka ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, wuxuuna ku yidhi qoraalkiisa sidan:-
“Qodobka 1aad
“Laga bilaabo taariikhda madaxweynuhu saxeexo xeerkan waxa la kala diray Golaha Addeega Gasroorka oo aan dhismihiisu waafaqsanayn dastuurka ku-meel-gaadhka ah iyo sharciga dhismaha Golaha Addeega Garsoorka.
Qodobka 2aad
Xeerkan ma saamaynayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya oo iyagu xafiis ahaan uga mid ah Golaha Addeega Garsoorka.
Qodobka 3aad
Xukuumadda iyo Golaha Shacabka (Baarlamaanka) waa inay si degdeg ah u soo dhammaystiraan dhismaha Golaha Addeega Garsoorka,” ayuu Madaxweynaha Soomaaliya ku yidhi digreetada uu ku kala diray Golaha Addeega Garsoorka.
Hase yeeshee, kulan ay isugu yimaaddeen xubnaha Golaha Adeega Garsoorka Soomaaliya magaalada Muqdisho shalay ayey kaga soo horjeesteen go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh ku kala diray golahooda.
Siddeed xubnood oo ka mid ah 9 xubnood oo uu ka kooban yahay Golaha Addeega Garsoorka, kuna jiro Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa kulankooda shalay ka soo saaray go’aamo ay ku ddiidan yihiin digreetada madaxweynaha.
“1-In Golaha Addeega Garsoorka ka mid yahay 3-da tiir ee qaranka Soomaaliya ka kooban yahay
2-In digreetada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya aanay waafaqsanayn dastuurka dawladda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya
3-In aanu jirin dastuur ama sharci madaxweynaha awood u siinaya inuu kala diro golaha adeega garsoorka ama gole kale oo qaran.
4-In marka wax garsoor ku saabsan laga hadlayo sida dastuurku dhigayo madaxweynuhu uu helo oggolaanshaha Golaha Adeegga Garsoorka, xataa magacaabista Xeer-ilaaliyaha iyo ku-xigeenkiisa.
5-Haddii lagu kaco amma lagu dhaqaaqo tallaabo garsoorka la xidhiidha oo aan lagala tashan Golaha Adeegga Garsoorka, waa qayru sharci, xataa haddii goluhu yahay mid ku meel-gaadh ah,” ayey guddigu ku yidhaahdeen go’aanka ay ku diideen kala-dirista golahooda.
Dhinaca kale waraagetada, ayaa u muuqata mid xilligan khilaaf dhinaca sharciga ah ka abuurtay Hay’addaha dhinaca Garsoorka ee ay ugu sarayso Maxkamadda sare iyo Waaxda Fulinta ee Madaxweynuhu hoggaamiyo, iyadoo aanay ka madhnayn muranka inuu qayb ka yahay Xeer-ilaliyaha guud ee qaranka, waxayna wareegatada khilaafka abuurtay soo baxday, iyadoo mudada xukuumadda Somalia oo wax ka yar sanad u hadheen, isla markaana laga sugayo mudadaa wixii ka horeeya inay dhamaystirto barnaamijka loo qorsheeyay ee higsiga Somalia marka la gaadho sanadka 2016, waqtigaa oo qorshaha beesha Caalamka u dejisay uu yahay in la helo dawlad Somaaliyeed oo dhab ah, isla markaana ay Somalia ka qabsoomaan doorashooyin xor ah iyo nidaam dawli ah oo dhab ah, balse waxay u muuqataa inay arrimahaasi yihiin kuwo riyo ah oo aan marnaba Somalia ka suurta gelayn.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews