Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Araweelo News Network Associated Online Agencies

WARGAIN MUHIIM AH.

Hargeysa (ANN)-Warbaahinta Arabsiyo News Oo Ka Mida Kuwa Ugu Afdheer Chanelada Youtubeka Ee Bulshada Soomaalida Ayaa Sheegtay Inay Ciladi Ku Timid Degalka Ay Ku Leedahay Youtubeka Oo Ay Si Toosa Ula Socdaan Boqolaal Kun Oo Ku Kala Sugan Dacalada
Aduunka.
Qoraal Kooban Oo Kasoo Baxay Maamulka Arabsiyo News Ayaa Lagu War Galiyey Bulshada Ku Xidhan Iyo Kuwa Kale Ee Wararkeeda La Socdaba In Cilada Ku Timid Xaleeda Gacanta Lagu Hayo, Isla Markaana Ay Sida Macquulsan Ugu Soo Laaban Doonto Hawada

Qoraalka Ayaa Udhignaa Sidan:-

Boqolaalka kun ee tooska ugu xidhan iyo kumanaanka kale ee bulshada Soomaalida ah ee ku xidhan barta YouTube-ka ee Arabsiyonews, waxaan idin ogeysiinaynaa in saacadihii u dambeeyey ay timid cilad farsamo oo sababtay in aanu hawada ka maqnaano.
Anaga oo ka xun hakadkaas farsamo, waxaan idinku bushaaraynaynaa in Arabsiyonews sida ugu dhakhsaha badan dib ugu soo laaban doonto, iyadoo hawsha xalinta ciladan ay gacanta ku hayaan khuburo aqoon iyo waayo-aragnimo durugsan u leh.
Waxaan mar kale idiinka mahadcelinaynaa taageeradiina joogtada ah iyo dulqaadkiina, iyadoo boqolaal qof oo dacallada dunida ku kala sugan ay nala soo xidhiidheen iyagoo muujiyey garab istaagooda iyo rabitaankooda ah in aanu dib ugu soo laabano.
Insha Allah, waxaan rajaynaynaa in hawshan lagu guulaysto sida ugu suurtogalsan, isla markaana aanu idinla soo noqon doono waqti dhow.
Mahadsanidiin.

Arabsiyo New