Telesom&zaad

Haweenku waxay udub dhexaad u yihiin maamulka dhaqaalaha qoyska, waxaanay kaalin laxaadle kaga jiraan dhaqaalaha bulshooyinka guud ahaan marka laga eego dhinacyada qorshaynta iyo maamulidda dhaqaalaha qoyska, ka qaybqaadashada kobcinta dhigaalka qoyska.

Kaalintaasi ay haweenku ku jiraan waxa dhiirigelin weyn siiyay, una noqday hanaan xisaabeed oo ay dhaqaalahooda ku maamulaan adeegyada maaliyadeed ee electrniga ah ee moobilka, waxana tusaale fiican loo soo qaatay Adeegga Shirkadda Telesom ee ZAAD Services, sida lagu sheegay Maqaal ay 1-dii April, 2015 Wargeyska New York Times ku qortay Melinda Gates oo ah xaaska maalqabeenka, mulkiilaha shirkadda Microsoft ee Bill Gates, maqaalkaas oo ciwaankiisu ahaa: Cellphones for Women in Developing Nations Aid Asent from Poverty Iyadoo horena uu Bill Gates adeegga ZAAD ee Somaliland ka amaanay shir caalami ah.

Maqaalku waxa uu sawir fiican ka bixinayaa muuqaalka nolosha dhaqaale ee haweenka dunida soo koraysa ku nool ee aan lahayn Bangiyada, kuwaas oo lacagtooda ku kaydsada barkimada hoosteeda ama meelo aan aamin ahayn, warwar badan ayaa xilli kasta ka haysta in uu tuug ka qaato ama xitaa cid kamid ah qoyskeeda oo aan masuul ahayn. Arrintaasi waxay muujinaysa cid kasta oo aan adeeg maaliyadeed lahayn inay nolol adag ku nool yihiin, maadaama aanay si hufan u maamulan karayn dhaqaalohooda, mustaqbalka noloshoodana aanay kayd u samaysan karin.

Maqaalku waxa uu sheegay in adeegyada maaliyadeed ee mobile-ka ku dhisani ay suurta galiyeen in dad 2 bilyan oo qof oo dunida soo koraysa ku nooli inay Baan yeeshaan, malaayiin qoys oo faqri ku noolaa inay ka baxaan iyo in dhaqaalaha dalalkaasi uu horumar la taaban karo sameeyo maadaama adeegyada maaliyadeed ee Moobilka, sida ZAAD-ka oo kale, ay si isku mid ah u taabanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada dhaqaalaha doorka wayn ka ciyaara, gaar ahaan Haweenka.

Melinda Gates waxay xustay in teknoolajiyadda Mobile-ka lacagta loo adeegsadaa in uu si wayn u korayo, waxaanay tusaale u soo qaadatay adeegyada ZAAD ee Somaliland Iyo BKASH ee Bangladesh.

Adeegga ZAAD ee shirkadda Telesom waxa uu kamid yahay tusaalayaasha dunida ee dhinaca horumarka adeegyada Mobile-ka lagu isticmaalo lacagta, sida in la isu diro, wax lagu iibsado ama lagu kaydsado; iyada oo bulshada Somaliland ee uu ka dhex shaqeeyaa ay in badani yihiin qaar aan waxba qorin waxna akhriyin isla markaana aanay hore uga jirin adeegyo maaliyadeed oo bulshadu ku tiirsan tahay.

Kaalinta uu ZAAD ka qaatay u fududaynta Haweenka Somaliland inay helaan adeegyo maaliyadeed iyo qaababka ay shirkadda Telesom ugu bixisay fekerka habka haweenka loogu fudadayn karo ayaa ah mid dunida si wayn uga dhex muuqatay, taas oo saamayn toos ah ku leh koboca dhaqaale ee dalka waana sababta ay Melinda Gates ugu soo qaaday maqaalkeedan NY Times ay ku qortay. Adeegga ZAAD waxa fursad u siiyay haweenka Somaliland inay yeeshaan Baan oo Mobile-koodu u noqdo si ay dhaqaalahooda ugu maamulan karaan si hufan, ugu kaydsan karaan lacagtooda islamarkaana si hawl yari iyo kharash ah ay danahooda dhaqaale u fushan karaan.

Faa’iidooyinka ZAAD uu Bulshada u soo kordhiyay waxa ka mid ah in uu yareeyay kharashaad badan oo kaga bixi jiray in ay dadku u safraan si ay lacag isugu tebiyaan. Waxa kale oo uu bulshada miyiga & magaaladaba u suurtogeliyay in uu ka qaaday werwerkii ka haystay ilaalinta lacagta, waxana uu u noqday aalad u keentay in ay ka gam’aan lacag ka lunta ama laga xado. Waxa kale oo uu shirkadaha & ganacsiyada u suurtogeliyay in uu ka dhigo nidaamyadooda xisaabeed mid hufan oo leh qoraal sugan oo ay tixraacaan. Adeegga ZAAD uu wax weyn ka beddelay nidaamkii xawaaladaha Dibadda, iyada oo qofka leh ZAAD uu si fudud moobilkiisa ugu helayo lacagaha looga soo diro daafaha Dunida.

Ugu dambayntii, maqaalku waxa uu qeexayaa mustaqbalka dhaw in dhaqaalaha dunida soo koraysaa uu si wayn ugu xidhnaan doono adeegyada maaliyadeed ee electronig-ga ah (Digital Financial Services) bulshooyin-kuna ay ku kala tagi doonaan sida ay u maalgashadaan adeegyadaas ugana faa’iideeyaan adeegyadaasi maaliyadeed qayabaha kala duwan ee bulshada ee kaalinta wayn ku leh koboca dhaqaalaha oo ay haweenku kamid yihiin.