“Furitaanka Xafiiska Shirkadda Hyundai Motor Co.Ee Hargeysa Oo Somaliland Sumcad Usoo Jiiday “

Hargeysa(ANN)-Wargeys ka soo baxa dalka oo sita Magaca Xisbi ka mid ah kuwa ugu taariikhda fog xisbiyada Siyaasada dalka Masar, (Wafd party) , ayaa warbixin uu ku qoray Bogga uu ku leeyahay Internetka (wafdasyut) kaga hadlay horrumarka ay Somaliland samaysay iyo halgankii ay usoo gashay sidii ay xorriyadeeda ugala soo noqon lahayd Soomaaliya.


Warbixinta, ayaa lagu sheegay in waxa loogu yeedho Somaliland, ay ka go’day waddankii Soomaaliya oo uu madax ka ahaa kaligii Taliyihii Maxamed Siyaad Barre. kadib markii ay Ururkii dhaq-dhaqaaqa SNM, dagaal la galeen dawladaa, kadina burburkii dawladdii dhexe 1991-kii Somaliland lasoo noqotay Madaxbannaanida oo ay ka go’day Soomaaliya, 18-kii May 1991.


” Haddii aynu eegno meesha juquraafi ahaan ay ku taal Somaliland, waxay xaduudo kala wadaagtaa koonfurta iyo galbeedka Ethiopia, dhanka waqooyi-galbeed iyo Waqooyi, waxay xuduud kala wadaagtaa Djobouti iyo Gacanka Cadmeed , dhinaca bariga waxay xuduud kala leedahay dawladda federaalka ah ee Soomaaliya.”


Warxinta, ayaa lagu xusay in Somaliland, wixii ka danbeeyay markii ay Soomaaliya ka go’aday ay noqotay meel lagu garto xasillooni aad u sarreysa iyo horrumar marka loo eego Somaaliya inteeda kale.


Sidoo kale, warbixinta, ayaa lagu xusay in Xukuumadda Somaliland oo ilaalineysa cilaaqaadka aan rasmiga ahayn ee ay la leedahay dowladaha shisheeye qaarkood uu yahay mid aad u sareeya, isla markaana ay dalal badan u diraan wufuud ku socda borotokoolka caalamiga ah, kuwaas oo booqda Caasimada Somaliland ee Hargeysa.


Warbixinta, ayaa tusaale usoo qaadatay, iyadoo ka hadlaysa macaamilka iyo cilaaqaadka ay dawladduhu la leeyihiin Somaliland, dalka Ethiopia xafiiskiisa ganacsi ee uu ku leedahay Hargeysa.


Waxa kale oo warbintaa lagu xusay in walaw aanay Somaliland weli aqoonsi ka helin gobol ama urur caalami ah, hadana ay helayso maalgashi iyo inay kusoo dhiiradaan shirkaddo Caalami ah, waxayna tusaale usoo qaateen shirkadda Hyundai Motor Co ee laga leeyahay dalka Korea, “Shirkaddo caalami ah ayaa xafiisyo ka furey dalka Somaliland, oo ay ku jiraan Hyundai Motor Co. oo laga leeyahay dalka Korea, waxay xafiis ka furteen iyo waax weyn magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen markii la fiurayay Madaxweynaha iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadeed, waxayna laanta cusub ee Hyundai Motor Co, hoos timaadaa shirkadda Dahabshiil Group. “

Marka laga hadlayo taariikhda dhaqanka, waxa warbinta lagu xusay in ay ogaadeen in Somaliland ay ku taal maktabad weyn oo Masar leedahay, waxaana dhidibada u taagay hoggaamiyihii caanka ahaa ee Jamal Abdel Nasser.


Jamhuuriyadda yar ee dhalatay wakhtigaas ma ay taageerin xisbiyadii Siyaasada dibeddu mana ay helin taageero caalami ah ama gobol, waxayna runtii, in badan oo kamid ah dowladaha dariska ah u arkeen inay tahay habaar iyo musiibo ku kala qaybsanaan dheeri ah oo ka dhacda qaarada Afrika, ayaa lagu yidhi, warbixinta.


Sidaa darteed Carabtu waxay caddeeyeen inay taageersan yihiin midnimada Soomaaliya, halka dalal Afrikaanka ahi ku dhawaaqeen inay diidayaan kala-qaybsanaanta, iyagoo ka baqaya faafitaanka kala goo’ga’a, balse Somaliland waxay u aragtay inay ku xidhan tahay go’aan la qaatay iyo diidmada beesha caalamka ee xuquuqda sharciyeed iyo xaalka Soomaaliya.


Warbixinta, ayaa lagu sheegay in mdadii u dhaxaysay go’aanka la qaatay iyo diidmada bulshada caalamiga ah ee xuquuqdeeda sharciyeed Somaliland iyo xaalada sii xumaanaysa ee Soomaaliya, halkan Somaliland ay noqotay meel ay ka muuqatay in ay tahay mid ka fog fowdada iyo xasuuqyada, isla markaana ay ku baaqayaan inay nabad ku noolaadaan.
waxaana lagu xusay warbixinta in ay hadda booqdaan Somaliland Joolajiyiin Carbeed oo ka socda dalalka Gacanka, sida Saudi Arabia, Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn. sidoo kale ay joogaan Somaliland macallimiin ka kala socda dalalka Carabta oo sita jinsiyadaha kala duwan ee carbeed, isla markaana waxa jira aqoonyahano badan oo Somaliland u dhashay oo jecel in waddankooda horrumar gaadho, isla markaana ku dadaalaya sidii ay u taageeri lahaayeen dowladda tusaale ahaan Nuur Badmaax iyo Siciid Badmaax, ayaa sheegay in ay ugu baaqayaan bulshada caalamka inay taageeraan dalkan oo in ka badan labaatan sannadood ku jiray xasilooni oo ay u aqoonsadaan dowladda Somaliland oo hadda uu Madaxweyne ka yahay Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu yidhi, Warbixintaa oo lagu shaaciyay shalay (wafdasyut)