paris2Paris(ANN) Wargeys Charlie Hebdo ee dhowaan weerarka dhirbaaxada ah la kulmay muslimiinta jihaadiyiinta ah kadib markii uu sheegay inuu daabacayo sawir gamceed (kartuun) aflagaado iyo gef ku ah Nebi Maxamed NNKHA, ayaa saaka daabacay sawir gamceedka uu hore u sheegay.
Charlie Hebdo , wuxuu daabacy 30milyan oo cadad oo lagu daabacay 16 luqadood oo kala duwan, isla markaana ay sheegeen in loo dirayo in ka baddan 25 Dal oo aduunka ah, nuquladaa oo xanbaarsan Sawir gamceed gef iyo meel ka dhac ku ah Islaamka oo wax lagaga sheegayo Nebigoodii suubanaa Maxamed Ibn Cabdalla ee Ilaahay kusoo khatimay ambiyadiisa, isla maraakana usoo dhiibay risaaladii ugu danabaysay.
Daabacadda Wargeyska ee sawir gamceedka iyo aflagaadada loo geystay Nebi Maxamed NNKHA, ayaa ka cadhaysiisay shucuubta Muslimiinta aduunka, waxaana soo waajahay dalka Faransiiska hanjabaado loogu aargudayo aflagaadada ay ku hayaan Nebi Maxamed iyo guud ahaanba islaamka, waxayna dhawaaqyada ka imanaya dacalada aduunka siweyn cabsi uga abuureen dalka Faransiiska iyo wadamada kale ee reer galbeedka.

 

Weerarada ayaa laga cabsi qabaa in lagu beegsado xarunta Wargeyska Charlie Hebdo oo weli sii wadda aflagaadada iyo gefka uu ku hayo shucuubta Islaamnka caqiidadooda, Diintooda iyo Nebigooda NNKHA. Ciidamada amaanka, ayaa si gaar ah loo kordhiyay in ka baddan 5,000 ciidanka ammaanka ah iyo boolis isugu jira u diyaariysay inay si gaar ah u ilaaliyaan 700 Dusgi oo Yuhuudu ku leedahay dalka Faransiiska.

Dhammaadkii toddobaadkan ayaa dhirbaaxo foolxun lagu dhuftay dalka faransiiska. Kadib markii weeraro qorshaysan sadex Nin oo Islaamiyiin ah ku dileen 17 qof oo u badan suxufiyiin ka tirsanaa wargeyska Charlie Hebdo, kaas oo ay u qorshaysnayd inuu todobaadkii hore daabaco Sawir gamceedka lagu aflagaadaynayo Nebi Maxamed CSW.
Wargeyska, ayaa hore u daabacay sanadkii 2006 sawir-gacmeed Nebi Muxamed (NNKHA) lagu aflagaadaynayo,balse jawaabta dhowaan kaga timi arrintaa, ayaa waxba ka beddelin inuu sii waddo aflagaadadii uu ku hayay Islaamka, waxaana la filayaa inay weeraro hor leh oo ka baddan kaga jawaabaan muslimiinta aduunka.

. Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com
paris2