New York(ANN)-Dalka Maraykanka, ayaa si weyn looga dareemayaa duufaanka siyaasadeed ee la doonayo in lagu maxkamadeeyo Madaxweyne Donld Trump, wargeysyada ugu waaweyn Dalka Maraykanka, ayaa Bogga Tafaftirka lagu cabiro siyaasada ee lagu falanqeeyo arrimaha muhiimka ah kaga hadlay arrinta Maamuus-ka xayuubinta iyo maxkamadaynta Madaxweynaha.


Wargeysyada, NY Times, Washington Post, USA Today, LA Times, Salt Lake Tribune, Tampa Bay Times, Orlando Sentinel, Boston Globe, NY Daily News, Chicago Sun-Times, Philadelphia Inquirer, SF Chronicle, waxay dhammaantood si isku mid ah ugu daabaceen Guddiyadooda Tafaftirku boggaga hore ee Wargeysyadooda oo ku baaqeen in lagu Madaxweyne Trump maamuus-xayuubinta, isla markaana la maxkamadeeyo.

Sidoo kale, waxa jira Ururo, Aqoonyahano iyo dad caan ka ah dunida Maraykanka oo ku si weyn ugu ololaynaya in lasii wado Maxkamaddaynta Madaxweyne Trump, waxayna qaarkood ku baaqeen in uso soo bax weyn oo gil-gila Maraykanka laga sameeyo dhammaan gobolada dalka 17, Desember oo ku beegan maalinta beri, kooxaha iyo Ururada ku baaqaya dibed-baxyadaa ayaa doonaya in culays lagu saaro Baarlamaanka inay meel mariyaan xil-kaxayuubinta Madaxweynaha, isla markaana la mariyo sharciga.


“Kongareesku, waa inay meesha ka saaraan Madaxweyne Trump, ma jiro qof sharciga ka sareeyaa, waa inuu taggaa Trump.”
Dhawaaqyo kale oo lagu shaaciyay maalmihii u danbeeyay Boggaga ay ku wada xidhiidho Bulshadu ee Social Media, ayaa si weyn looga daalacanayaa hal-kudheyo ka dhan ah Madaxweyne Trump, kuwaas oo dhammaantood si isku mid ah Facebook, Twitter iyo baraha kale ee Bulshada ugu qorayay dhawaaqyada ay ku dalbanayaan in sharciga la mariyo Madaxweyne Trump oo noqonaya Madaxweynihii saddexaad ee Maraykanka muddo 243 sannadood taariikhda Maraykanka lagu oogo dacwad la xidhiidha maamuus-ka xayuubin.

“Waa in laga saaro Xafiiska, Waa in la difaaco Dumuqraadiyada, Ma jiro qof sharciga ka sareeya” weedhahaa iyo kuwo kale oo badan ayaa halkudheg u ah kooxaha doonaya in Madaxweynaha la maxkamadeeyo, isla markaana xafiiska laga saaro.

People across the country are mobilizing the night before the #TrumpImpeachment vote to show lawmakers they’re expected to #DefendOurDemocracy and vote “Yes” on #impeachment. Join one of the 434 (and counting!) events next week. #NoOneIsAboveTheLaw