Araweelo News Network

ethiopia02Washington(ANN) Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, ayaa muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan Dalka Ethiopia sababo la xidhiidha dhinaca amaanka.
Sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Mareykanka, waxa laga dayriyay xaaladda ammaanka ee Ethiopia, iyadoo warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda lagu sheegay in qalalaasaha Ethiopia kajira iyo xaaladda Bandawga ah ee xukuumaddu soo rogtay ay halis gelin karaan nolosha dadka u dhashay Maraykanka ee ku sugan iyo kuwa doonaya inay u safraan.

Afhayeen u hadlay dowladda Mareykanka, ayaa muwaadiniinta Mareykanka kula taliyay in aanay tegin, amma u dhowaan goobaha lagu kulmo ee magaalada Addis Ababa, sidoo kale wuxuu uga digay dadka qorshaynaya inay u safraan Ethiopia inay joojiyaan safarkooda.

Maalmo ka hor haweenay Mareykan ah ayaa lagu dilay weerar ka dhacay duleedka magaalada Addis Ababa, halkaasi oo ay dad cadhaysan ku xoomeen warshado iyo gooba ganacsi oo dad ajaanib ah leeyihiin.

Kacdoonka shacbiga ee sii xoogeysanaya iyo xaaladda Bandawga sedaxda bilood ah ee xukuumadda Itoobiya soo rogtay ayaa sababay in dadka ajaanibta ah ay wadankaasi isaga firxadaan.