Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa farriin xambaarsan baaq culus u dirtay xisbiyada siyaasadda ee Qaranka waqtigan ay socoto qaadashada kaadhadhka codbixiyayaasha doorashooyinka ee dalka.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Jaamac Cabdillaahi Biin oo shir jaraa’id qabtay, ayaa dhaliilay hirdan siyaasadeed oo labada xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI ku dhexmaraya gobollada ay ka socoto hawsha qaadashada kaadhadhka codbixiyaha doorashooyinka, gaar ahaan Gobolka Togdheer oo wufuud ay kala hoggaaminayaa guddoomiyayaasha iyo murrashaxiinta labada xisbi ku sugan yihiin maalmahan, waxaannu ugu baaqay inay kala ilaaliyaan taageerayaashooda oo ay hab nidaamsan u kala socdaan.
Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Anigu waan yaabsanahaye xisbi hadduu ku dego hudheel xisbiga kale wuxuu ku degi jiray hudheel kale ee xisbiyo la isla soo doonanayo oo sanka la iska soo gelinayo…haddaad idinku raali kala tihiin kuwiinna guddoomiyayaasha ahi dadka qaar baa maskax yar oo labadu markiiba is-feedhayaan ee ma ogolin inaad hudheellada wada gashaane magaalooyinku way badan yihiin hudheellada kala gala oo xisbiyada ka daawa af-isu-saarka fadqalalo ayaa ka dhalatee.
Waxa kaloo aan leeyahay markaad u baxaysaan diiwaangelinta midkiinba goobo ha tago ee goob keliya ha isku hirdiyina, ha dhibina ciidanka, dalka, dhaqaalaha iyo ummadda idiin shaqaynaysa ha ku soo kordhinina eed, markaad soconaysaan mid walowba dhinac mar oo jiho u bax oo mid walowba dadka afkaartaada ka soo dhaadhici waa laguu ogolyahay oo waanu kugu raacsanahaye, waxaad naga rabtaan waa wanaag, annaguna waxaannu idinka rabnaa waa mid ka sii wayn ileyn idinka ayaa wax doonayee.”
Waxa kaloo uu Wasiir-ku-xigeenku u soo jeediyey shacabka in kaadhadhkooda u qaataan si nabadgalyo ah oo ay iska ilaaliyaan xafiiltanka dhexmaraya xisbiyada siyaasadda, “Dadka waxaannu leenahay amniga suga oo kaadhka qaata, haddii olole la bilaabo waxyeello ayey noqonaysaa ee waxaannu leenahay cid kastaay wanaagaagu wuxuu kuugu jiraa amniga,” ayuu yidhi Wasiir Jaamac Biin.