Araweelo News Network

Hargeysa(ANN )- Warsaaradda Beeraha Somaliland, ayaa Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay deegaanka Abu-riiin oo ka tirsan Degmada Faraweyne ee duleedka Hargeysa kusoo bandhigay Mashruuc ballaadhan oo uu maalgeliyay Sanduuqa Horumarinta ee SDF, kaasoo ay qayb ka yihiin 17 Arday oo dhamaystay Culuunta Beeraha.

 

Munaasibada mashruucaa, waxa ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdullaahi (Saylici) oo ah murrashaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga KULMIYE, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Isla markaana ah Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Warabe, Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir, Agassimaha Wasaaradda Beeraha , Maxamed Aadan Cilmi (Ilkacase).

 

Sidoo kale waxa munaasibadaa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda, xildhibaano ka Socday golaha Guurtida, Golaha deegaanka ee Hargeysa, Gudoomiyaha Degmada Faraweyne, Cabdirashiid Cumar Cismaan oo ka I’d ah saraakiil ka socotay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF Iyo marti sharaf kale oo qaarkood ahaayeen Odayaasha dhaqanka ee deegaanka Abu-riin.ee laga fuliyay mashruucaa.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici Iyo Masuuliyiinta kale, ayaa Kormeeray qayb ka mid ah mashruucaa oo laga sameeyay Biyo-xidheeno Iyo Dhaammam laga sameeyay halkaa, waxayna markaa ka dib u gubeen goobta xudunta u ah mashruucaa oo lagu qabtay munaasibada Ardayda dhamaysatay barashada Cilmiga Beeraha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Maxamed Aadan Cilmi (Ilkacase). oo ka hadlay furitaanka munaasibadaa loo qabtay Ardayda dhamaystay barashada Cilimiga Beeraha, ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay mashruucaa, isagoo xusay in ay ka xun yihiin Xisbiga WADDANI oo ay ku casumeen munaabadaa, balse aan kasoo xaafirin, wuxuuna  kusoo dhoweeyay Ibraahin madaxda Maaraynta ee mashruucaa Ibraahin Cumar Kaahin, Isla markaana ah Khabiir Wasaaradda Beeraha ka tirsan, wuxuuna ka sheekeeyay ahmiyada uu mashruucaani u leeyahay dalka iyo marxaladihii uu soo maray, wuxuuna sheegay in Ardayda maanta munaasibada loo qabtay laga soo xulay Lix Kuliyadood oo dalka, Isla markaana la baray Cilmiga Beeraha oo la doonayo in ay noqdaan kooxdii u horaysay ee si Cilmi ah ugu takhasustay Beeraha, dhaqaalaynta Carada Iyo Biyaha.

 

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir oo hadal Ka Jeediyay munaasibadaa, ayaa ka warramay sooyaalkii taariikheed ee uu soo maray barnaamijka tijaabada ciidda iyo biyaha ee laga hirglinayey xaruntan cilmi-baadhista ee Abuuriin isagoo ardayda jaamacadahana ugu baaqay ciddii danaynaysaa inay la soo xidhiidhaan Wasaaradda si loo siiyo fursadahan waxbarasho ee dalka wax u taray.

Wasiirku waxa uu xusay inay dedaal badan u galeen sidi u hirgalin lahaayeen barnaamijka iyagoo kulamo badan iyo xog-warraysiyo kala yeeshay wadammada jaarka.

 

Wuxuu  sheegay in Wasaarad ahaan ay wadaan dedeel xooga lagu saarayo sidii wax soo saarka dalka ee dhinaca Beeraha loo dhiiri gelin lahaa, balse waxa uu sheegay in caqbado badan ka hor yimaadeen, isaga goo tilmaamaya caqabadahaana, wuxuu yidhi, “Cimilada is bedeshay waxay saamayn weyn ku yeelatay Somaliland, sababtoo ah labeentii Dhulka, ayaa maydhantay Iyo Biyihii Roobka oo Badda gelaya”

Sidoo wuxuu sheegay in Lo’dii Beeraha bacrimin jirtay ay yaraatay, taasoo sababtay sida uu sheegay in nafaqadii Beeraha ku yaraatay oo ay saamayn ku yeelatay dalabkaa Beeraha kasoo baxayay, waxa kale oo uu xusay in dhaqankii Falashada Beeruhu yaraaday oo beeralaydii meesha ka baxday markii uu dhacay burburkii dalka.

Wasiirka Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir, waxa kale oo uu xusay in dulan Iyo cayayaan Iyo cuduro ku cusub Somaliland oo ay keeneeen hay’ayaddaha, kuwaas oo la socday shinids ay Keenaan dhiibaato ku hayaan dalka, Sidoo kale wuxuu sheegay in Wadooyinka oo aan wanaagsnaayn ay saamayn ku leeyihiin meelaha Beeraha warbaa ka, kuwaas oo aan la tartami karin Suuqyada kuwa ka imaanaya debris ka, iyagoo aan xiligii loo baahnaa Suuqyada soo gaadhsiin karin Iyo dhiibaato kale oo ah shidaalka mishiinada Beeraha waraabka oo culays saara oo sababta in aanay Suuqyada kula tartami karin Khudrada Dalalka dersika ah ka imanay.

Waxa kaloo Wasiirka Beeruhu sheegay in shinida abuurka dalka la keenaa xiligan ay tahay mid aan mar kale dib loo beeri karin, taasoo uu sheegay in ay dalka ka joojinayaan, wuxuuna soo Jeediyay in mashruuca Togwajaale oo aan xiligan geeri Iyo nolol midna ahayn wax laga bedelo, isagoo xalka ugu danbeeya ku tilmaamay mashruuca Abu-riin.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Isla markaana ah murrashaxa Xisbjga ee Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadal kooban oo uu halkaa ka Jeediyay ku amaanay Wasaaradda Beeraha dedaalka ay samaysay Iyo wax qabadkeeda, wuxuuna sheegay in ay Xisbi ahaan ay qorshaha ku darsanayaan sidii aanay Xarunta Cilmi baadhista ee Abu-riin u noqon lahayn mid ku kooban oo Keliya mashruuc ay Hay’addo gacanta ku hayaan.

Waxa kaloo halkaas hadal ka jeediyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo faahfaahin ka bixiyey Mashruucan horumarinta beeraha iyo faa’iidooyinka uu dalka u leeyahay, isagoo u soo jeediyey xukuumadda iyo Wasaaradda Beeraha in dalka laga fuliyo qorsha isku filnaanshaha dhanka cuntada oo uu wax-soo-saarku kow ka yahay.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Md. Maxamed Ibraahim Aaden (Qabyo-tire) ayaa isaguna dhankiisa sheegay inuu mashruucani yahay guualaha uu soo hooyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF oo uu sheegay inay yihiin ilaa 12 mashruuc oo guulo waa waayn lagaga gaadhay, kuwaasoo ayuu yidhi ka bilaabma deegaanka Gargoorey ee gobolka Awdal ilaa deegaanka Hadaaftimo ee gobolka Sanaag. Waxaannu wasiirku sheegay inay mashaariicdan ka mid yihiin Waddooyinka, Beeraha, Biyaha, Xannaanaynta Xoolaha, Ilaalinta Deeganka, Caafimaadka, Waxbarashada iyo horumarinta Wax-soo-saarka Kalluunka oo intuba ay ka qaybqaadanayaa kor u kaca dhaqaalaha dalka Somaliland, waxaannu Wasiirku hambalyo u diray u diray ardayda qallin jabinaysa oo uu sheegay inay dalka iyo dadkaba waxa ku soo kordhin doonaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Isla markaana ah murrashaxa Xisbiga ee Madaxweynaha Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku amaanay Wasiirka Wasaaradda Beeraha hawsha ay qabteen, balse wuxuuna xusay in loo baahsn yahay in aanu noqon mid ay Hay’adduhu maamulaan, balse loo baahanyahay in xukuumaddu dhaqaale lagu Wado samayso, isagoo Eng. Faysal si gaar ah u amaanay Wasiirka Beeraha Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo uu sheegay inoo lasoo hadhayo haddii uu talada ku guulaysto.
Sidoo kale waxa hadalo ka Jeediyay halkaa Wasiiradda Arrimaha Dibadda, Qorshaynta,, Biyaha Iyo Masuuliyiin kale, balse Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, ayaa gunaanadkii xaflada shahaadooyin gudoonsiiyay Ardayda baratay Culuunta Beeraha ee wax ku baratay mashruuca Cilmi baadhista Beeraha ee Abu-riin, wuxuuna ku amaanay dedaalkooda Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha, isagoo u mahad celiyay Dalalka ku midioobay mashruuca Horumarinta Somaliland ee SDF.

Markii ay dhamaaday munaasibada shahaadooyinka lagu gudoon siinayay Ardayda, waxay Masuuliyiinta Iyo marti sharaftii ka qayb galay u dareereen casuumad qado ah oo loogu sameeyay goobta.